Halbeegnews Oo Heshay Xog Ku Saabsan In Wasiiradda Madaxtooyada iyo Arrimaha Dibadda Maxamed Cumar iyo Xirsi Cali Ay Nairobi Dhawaan Kula Kulmeen Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas

Posted by on Jun 25th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Nairobi (Halbeegnews)– Sida warar aanu ka soo xiganay ilo diblomaasiyadeed looga qaateen ah oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya u xaqiijiyeen Halbeegnews Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Xirsi Cali Xasan ayaa kulan kula yeeshay hotelka Inter Continental ee magaalada Nairobi Ra’isal wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdiweli Gaas Bishani June 7-deedii wakhtigaasi oo labada Wasiir ay Nairobi ku sugnaayeen sidoo kalana Ra’isal wasaare Gaas uu isaguna magaalada Nairobi joogay.

Sida xogta aanu hellay tibaaxayso ma jirin cid qorshaysay kulankooda waxaana la sheegay in xidhiidh si joogta ah uga dhexeeyey labada dhinac oo ka qabsoomay dhinaca khadka telefoonku u suurtagaliyey kulankani, waxaana la sheegay in kulankoodu uu ahaa mid qarsoodi ah oo gebi ahaanba laga mamnuucay inay warbaahintu wax xog ah ka hesho.

Ilaha aanu hellayno ayaa tibaaxaya in Ra’isal wasaare Gaas iyo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ay leeyahiin xidhiidh joogto ah oo aan caddayn halka uu salka ku hayo, iyadoo wararka aanu hellayna tibaaxayaan in Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cumar  iyo Ra’isal wasaaraha TFG-du ay si toos ah ugu xidhiidhaan khadka telefoonka iyo internetka labadaba.

Wasiiradda Xukuumadda Siilaanyo ayaa shaki weyni ku geedaamanyahay in hawlahii ay qarranka u hayeen ay saameeyeen xidhiidho guntooda aan la garanaynin oo sida Halbeegnews ay xogo aan la xaqiijin ku hellayso ay suurtagal tahay in lacago joogto ah ay Wasiiradda Somaliland qaarkood ka qaataan Muqdisho.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 920 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright