Sidaynu la wada socono waxay ku beegantahay 26/06/1960 kii maalintaas oo reer somaliland u ahayd maalintii ay xoriyada ka qaateen gumaystihii ingiriiska xorimadaas oo halgan dheer loo soo maray, waxaase nasiib daro noqotay xoriyadaas oo aan ku hakan mushtamacii u soo halgamay kadib markay mudo 6 cisho ah ku naaloonayeen ayay si aan kafiirsasho lahayn ugu tuureen dhinacii koonfurta somaliya iyagoo ku raad jooga waxii la odhan jiray raadinta shan somaliyeed waxay meesha la tageen caadifad ay ku dheehantahay somali jacayl laakiin nasiib daro kalamay kulmin waxay raadinayeen dhinacii kale ee ay ku biireen,
taasi waxay dhaxal siisay mushtamacii ka soo jeeday somaliland markii ay la midoobeen koonfurtii somaliya cadaalad daro baahsan oo ka dhalatay dhinaca awood qaybsiga waxay keenatay in aanay wax tix gelina kala kulmin nimankii ay xoriyada dhiiga badani ku daatay hadyada u siiyeen!,
kadib xoriyadii sida fudud uga luntay waxay ku kaliftay reer somaliland inay halgan qadhaadh oo dhiig fara badani ku daaday kula soo noqotay xoriyadii oo ay ka dhalatay bur bur aad u baahsan oo soo gaadhay somaliland dad aad u balaadhan oo kasoo qayb qaatay halgankaas oo ku naafoobay dad aad iyo aad u badan oo iyana ku agoomoobay iyo weliba dadkii ka barakacay dalka xiligii halganka oo badhkood weli degan yihiin dhinaca dalka Ethopiya ee ismaamulka somalida,
hadaba hadaynu iswaydiino markii xoriyada la qaatay 1960 kii ma siyaasiyiintii iyo hogaankii dhaqanka ee waqtigaas ayaa rabay in koonfur lala midoobo mise shacabka ayaa culays ku saaray siyaasiyiinta inay midawga qaataan? hadaan su,aashan si toosa uga jawaabno sida taariikhda ku suntan waxaa maalintaas jibaysnaa mushtamaca somaliland oo raadinayay somaliwayn qofkii ka horyimaadana sida mawjada biyaha bada u hafinayay,
kudhawaaqidii lasoo noqoshadii qaranimada somaliland ee lagu yagleelay 18/05/1991 magaalada burco ee gobolka togdheer waxaa ka soo wareegay 21 sano, waxay somaliland soomartay marxalado kalo gadisan iyo duruufo siyaasadeed oo kala jaada, inkasta oo aan weli la aqoonsan somaliland hadana waxay ka soo gudubtay marxaladan ay maanta joogto mid aad uga hosaysa waxay kutashatay wax qabsiga shacabka wax caawimo debadeed ah kamay helin bulshada caalamka ilaa ay dhamaystiratay imkaaniyaadkii looga baahnaa qaran doonaya inuu ku biiro bulshada caalamka waxay dhisteen hayadihii sharciga ee qaran lahaan jiray waxay suuro geliyeen baarlamaan lasoo doortay waxay hirgeliyeen nidaamka xisbiyada badan waxay samaysteen ciidan qaran oo hantay ilaalinta qaranimada dalka iyo xuduudaha dalka kana ilaashay in cid dalka cadow ku ahi si fudud u soo gasho waxay dalka ka ilaaliyeen burcad badeed dalka ka dilaacada iyo dad dano gaara leh oo ku gabanaya diinta islaamka waxay suura gasheen doorashooyinka dowladaha hoose waxay samaysteen dastuur u gaara oo mushtamaca reer somaliland u codeeyay oo 100%97 loogu codeeyay,
hadaba su,aalaha kale ee iyana iswaydiinta mudan waxay yihiin iyadoo intaas oo marxaladood ka soo gudubtay somaliland oo aanay cidi ka caawin waamaxay sababta ku kalifi karta inay si fudud ula midowdo somaliya inteeda kale? yaase inagu dirqiyaya arintan ma dalal shiyeeya ah? mise shacabka reer somaliland ayay markale ka soo go day inay dib ula midoobaan reer somaliya? mise siyaasada arimaha dibeda ee dalka ayaa ka leexatay diriiqii lagu gaadhi lahaa dal somaliland layidhaah oo madax banaan oo kamid bulshada caalamka?
hadaan su,aalahan ka jawaabo way jirtaa in aduunka oodhami dano iska wada leeyahay laakiin umad waliba waxay leedahay wax u gaara iyo muqadasaad aanay cid kala tashan, markaad go,aan ka gaadhayso masiir umadeedna hadba inta wada leh ayaa ka wada tashata hadii aad u ogolaato cid shisheeye ah oo kusoo faragelisa waxaa xaqiiqo ah inaad jihadaad u socoto ka lumaysid, wayse fiicantahay in lagula ogaado cida wax idinka dhaxeeyaan markaad wada hadlaysaan inaad markhaati u yeesho laakiin iyana waxa meesha ku jirta horta wax makuu ogol yihiin mise adaa cidla sacabka ka garaacanaya oo waqtiga iskaga luminaya? waxaa xaqiiqo ah inaanay wax aqoonsiya iyo inaad qaran buuxa noqoto aanay kuu ogolayn,
waxaa iyana iska cad inay somaliland ka leexatay dariiqii fiicnaa ee ay ku socotay siyaasada arimaha dibedu oo ay meesha soo gashay dano shisheeye oo lagu raadinayo in qaranimada dalka lagu bedesho ku waas oo ay dalal shisheeye ah wataan iyagoo isku deyaaya inay danqudha ka yeeshaan somaliya guud ahaan oo aanay laba danood ka yeelan taas oo ay ku dhiiradeen markay arkeen inay xukuumadan siilanyo madaxa kayahay ka gorgortami karto qaranimada somaliland oo wax badan laga fushan karo,
waxaan ku soo xidhayaa qormadan gaaban shacabka reer somaliland oo ah kamaanta ugu adag ee ilaashanaya qaranimada iyo madaxbanaanida dalka waa inay kordhiyaan gaadhkii ay ka hayeen madaxbanaanida dalka iyo jiri taan kiisa waayo cadow badan ayaa u soo qalab qaatay sidii uu u kala daadin lahaa waxaynu higsanayno ee aynu waqtiga iyo halganka u soo maray markaas waa inaad u soo jeesataan sidii aanay marlabaad ciyaar idiinka lumi lahayn.
Aadan Axmed nuur
Dublin Ireland
This post has been viewed 657 times.






