Anigoo ku guda jira qoraal wacyi galin ah oo ku aadan ganacsiga iyo siyaasadda (business and politics) oo ah mawduuc guul darooyinka “qaranka” Somaliland ka mid ah, ayaa waxa soo baxday dhiilada Chevening House amma natiijadii shirkii Somaliland iyo TFG-ga Muqdisho.
Dib hadaynu u jaleecno, waxay ahayd 23-kii February ee sanadkan markii shir loo qabtay Somalia uu ka dhacay magaalada London ee xarunta dalka UK, shirkaas oo Somaliland-na kasoo qayb gashay. War murtiyeed-kii (communiqué) shirkaas kasoo baxay qodobkiisii 6-aad ayaa wuxu u dhigna sidatan: Shirku wuxu aqoonsaday baahida loo qabo inay beesha caalamku taageerto wada hadal kasta oo Somaliland iyo TFG-du, amma ciddi TFG-da bedesha, ay ku heshiiyaan inay yeeshaan si ay xal uga gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka.
Qodobkii 6-aad ee shirkii London cid walba siday jeceshay ayey u fasiratay ee diplomaasiyada caalamka waxa hagga odhahda amma sida loo dhiggo heshiiska la galay (the wording or phrasing of the accord or agreement) sidaa daraadeed dunidu waxay u turjumatay sida qodobku u dhiganyahay oo aan 2-ba dal kala sheegin ee u dhigna dawlad dhexe oo ku meel gaadh ah iyo qayb dalkaas ka mid ah oo Somaliland la yidhahdo waayo kalmad ka turjumaysa dawladnimada Somaliland (sida Republic amma the sovereign state) amma cidday la hadlayso ku tilmaamay Somalia (qodobka 6-aad wuxu yidhi Somaliland TFG-ga amma ciddii badisha ayeey la hadlaysa) ma jirto. Taasi waxay dunida u cadaysay inay Somaliland ka tanaasushay go’aankeedii hore ee madax banaanida oo ay markaas dawlada dhexe ee Somalia kala xaajoonayso mustaqbalkeedu siduu noqon doono.
Dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia guushii diplomaasiyadeed ee ay shirkii London ku gaadhay si ay hoosta ugasii xariiqdu oo ay mawqifkeeda midnimada waxay ugu yeedhan Somalia (oo ay dabcan u jeedaan markaas Somali Republic, oogsoonaada dal la yidhahdo Somalia oo ay Somaliland waligeed ka mid noqotay ma jiro madaama dastuurka dalkii aynu ka mid ahayn uu ku qornaa magaca aan kor kusoo sheegay) adduunka ugusii cadaato waxay gudoomiye uga dhigtay gudideedii wada hadalka ay u xil saartay wasiirka arriimaha gudaha iyo amniga qaranka ee TFG-da Muqdisho, isla markaana shirkii Istanbul oo Somaliland xaadir ka ahayd waxay ku dartay qodob meesha ka saaraya in wada hadalka Somaliland iyo TFG-gu noqon doono mid gooni isku taag lagaga hadlo (waa qodobkii 2-aad ee war murtiyeedkii shirkii Istanbul).
Dhinaca Somaliland xukuumadu waxay ku mashquushay is-aamaanteeda iyo buun-buuninta qodobkii 6-aad oo ay dadka reer Somaliland ugu micneeyeen guul siyaasadeed. Waxa seegtay in haddii mar gool laga dhaliyay mid labaad yaan lagaa dhalin is-yidhahdaan oo ay markaa wada hadalka ku xidhaan xujooyin (conditions) madax-banaanida Somaliland wiiqin, adduunkana tusaaleeya sida go’aankeedu geed ka go’an u yahay.
Waxaynu la wada socona diidmo ay xukuumadda Somaliland diiday 2-ba xubnood oo gudida TFG-ga Muqdisho lagusoo daray oo maamul goboleedka Garowe xilal ka hayay asal ahaan-na kasoo jeeday Somaliland. Dawlada TFG-da Muqdisho waxay kaga jawaabtay diplomaasiyadeedii hore looga bartay oo waxay gudidi kusoo dartay, ka dib markii ay ka reebtay 2-dii xubnood ee Garowe ka yimid, wasiir TFG-ga ah oo laakiin isagu Somaliland kasoo jeeda si ay markaas Somaliland ugu suura galin in sheekada ay ugu sheekeeyaan dadkooda ee ah 2-dii dal (anigaa dal leh ee laakiin madaxda xukuumadda Somaliland u hadasha iyagu waxay yidhahdaan 2-dii qaybood) ee 1-dii July 1960-kii israacay ayaa wada hadlaya.
Iyadooy sidaa tahay ayeey madaxda Somaliland dadkooda ugu cel-celin jireen in waxa laga wada hadlayo ay tahay sidii loo noqon lahaa 2-ba dal oo jaar ah oo is-ixtiraama, qaabka loo wada halayaana yahay 2-dii geesood ee 1960-kii la ahaa.
Hadaba iyadoo wax diyaar garow ah amma ajande qoran amma laga wada hadlay oo ay ugu tallo galeen wada hadalka aanay diyaarsan, ayaa waxa yimid wakhtigii la wada hadli lahaa. Waxa dhacday in 3 maalmood ka hor shirka uu wasiirka arriimaha dibada Somaliland warqad (just a letter) usoo diro wasiirka arriimaha dibada ee UK taasoo marka imika dib loo eego laga fahmi karo inay ahayd isku day uu wasiirku isku daya-yay innuu khasaaraha amma guul darada iman karta uu xadido iyo kalsooni daro ah fool ka fool in qadiyada Somaliland si adag loo difaaco.
Natiijada kulankii Chevening House
Ka dib markaynu dib u eegno dariiqii loosoo maray wada hadalkan, wuxu caqliga fayoobi ina siin karaa in kulankaas ay iskugu yimaadeen 2-ba kooxood oo mid-na kalsooni ilaa gadh-ka buuxo wuxu rabbaana u cadahay iyo koox kalsooni daro la itaal daran oo kolba halka loo jiido iyagu isku qancinaya in xalku halkaas ku jiro. Waxa 2-da kooxood dhex u ahaa koox (beesha caalamka) iyagu ka dharagsan 2-da geesood gees walba waxa lagala hadli karo iyo sida loo qancin karaba.
Hadaba xaaladaha amma dhaqamada siyaasadeed ee aan kor kusoo faah-faahiyay waxay sahleen amma keeneen natiijadii shirkii ka dhacay Chevening House ee duuleedka magaalada London ee caasimada dalka Boqortooyada Ingiriiska. Natiijadii amma go’aamadii kasoo baxay shirkii Chevening House lama odhan karo waa heshiis 2-dal gaadheen waayo qodob amma eray qeexaya dal-nimadda Somaliland haba yaraate kuma jirto qodobada kasoo baxay shirkaas. Sidoo kale laguma tilmaami karo heshiis 2-dal amma 2-ba maamul kala taggoodii amma wada joogoodii ka gaadheen waayo qodobkii gooni’isku taaga Somaliland waxa diiday TFG-ga madaama ay taaganyihiin naga mid baad tihiin. Si Somaliland loogu sii xaqiijiyo inay qayb ka yihiin Somalia ayaa waxa heshiiskii ay saxeexeen loogu daray in wakhtiga ku meel gaadhka ah laga wada shaqeeyo so af-jaridiisa. Heeshiiskani kama duwana heshiiska ka dhaxeeya TFG-ga Muqdisho iyo maamulka Garowe, waana dariiqa la rabbo in dalkii Somali Republic la odhan jiray lagu maareeyo oo Federal system wax u eeg looga dhiggo.
Sidee looga hortaggi karaa khatarta heshiiskan
Heshiiskani in la fahmo umma bahnaa khabiirnimo diplomaasiyeed oo qoraalkiisu wuu cadyahay waxayna si wada jir ah u cadeeyeen 2-dii kooxood ee isku yimid in qodobadaasi kuwa laga wada hadlayo noqonayaan oo aan wax kale laga hadli karin, sidaan hore usoo iftiimiyayna meel madax banaanida Somaliland amma ka gooni ahaanta Somalia inteeda kale (waa sida hadalka loo dhiggee) lagu damaanad qaadayaa aanay jirin.
Hadaba si cawaaqib xumadda heshiiskan looga hortago waa inay Guurtida iyo Baarlamanka Jamhuuriyada (waa haddii ay Jamhuuriyad jirtee) qaadacaan oo ay diidan inay heshiiskaas umadda JSL lagu matalo. Haddii taasi dhacdo waxa adduunka u cadaanaysa rabitaanka shacabka Somaliland innuu yahay dhab, dhayal dhayal-na lagu badili karin dastuurkooda iyo go’aankooda. Taasi waxay kor u qaadi doonta amma keeni doonta in beesha caalamku ixtiraamto go’aanka iyo madax banaanida umadda JSL.
Gun iyo gaba-gabadii maanta masiirka umadda Somaliland wuxu gacanta ugu jiraa 2-da gole ee Guurtida iyo Barlamaanka oo kala dooran doona inay qaranimada Somaliland halkaas kaga tanaasulaan amma ku adkaystaan go’aankii umadda JSL hore u gaadhay ee ay ilaaliyaasha u ahaayeen.
Wa bilaahi tawfiiq,
Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
London
This post has been viewed 348 times.






