Muqdisho (Halbeegnews)–Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka soo degeen ku dhowaad 400- oo Askari oo qaarkood ah saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladad Mareykanka, waxaana ciidamadaasi oo watay diyaarad gaar ah la sheegayaa inay iminka ku sugan yihiin xerada Xalane iyo fadhiisimooyin kale oo madaxtooyadu ka mid tahay.
Sida ay sheegayaan wararka iska soo daba dhacaya ee aanu ka heleyno xaaladda ciidamada Mareykanka ah iyo ujeedada imaatinkooda Muqdisho ayaa la sheegayaa inay la xidhiidho sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah, gaar ahaan dhinacyada tababarada gaarka ah.
Telefishanka laga leeyahay wadanka Iiraan ayaa ka qoray warbixin lagu marin habaabinayo ra’yul caalamka kaddib markii ciidamada Mareykanka uu ku sheegay in daroogo khatar ah ay ku durayaan ciidamada Dowladda KMG ah isla markaana xabsiyo gaar ah ay ka sameysteen magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale ciidamada Mareykanka ayaa la sheegayaa in sidoo kale ay ka qeyb qaadanayaan howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida oo dhibaatooyin ku haya wadamada geeska Afrika, isla markaana dalka Soomaaliya gudihiisa ku leh fadhiisimooyin dhowr ah.
Ciidamada Mareykanka ee Muqdisho soo gaadhay ayaa la sheegayaa in sidoo kale ay adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drone-ka, kuwaasi ay horay u sheegeen inay ku duqeynayaan goobo cayiman oo ay ku sugan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada dalalka geeska Afrika.
Xigasho Waaheen
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 504 times.






