Warqad Furan Oo Ku Socota Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale “Xoolahii Ay Cuneen Siilaanyo Qaar Adeerka U Yahay Iyo Qaar U Sodog U Yahay Ha Kula Soo Gal-galan Agaasime Miskiin ahaa… Qallinkii C/fataax Kaarshe

Posted by on Jun 25th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Wasiir waxaad tahay nin taariikh ku leh Sooyaalka siyaasadeed ee Somaliland, ahna nin Illaahay ku mataystay Xikmad iyo aftahanimo, Walaal waxaad raacday tareen aanad ogeyn cida saaran, Taareenka oo aad Darawalkiisa aad hore isu taaqaaneen, nasiib daro waxaa tarreenka saaran dad aydaan isku dabeecad ahayn, Musuqu waa sharafta iyo karaamada ay weheshadaan dadka tareenka aad ku booday Saarani. Waxaan aad uga naxay maalinta aad shaqadaa aqbashay, waayo Waxaa ad joogtey meel aad dadka iyo dalkaba wax ka tari jirtay oo Ahayd Academy peace and development.

Intaasi waa iga kaftan , hadaan kusoo daadego waxaan maanta dheegtay adoo ka qaylinaya Musuqmaasuq aad kula kulantay Wasaaradii Warfaafinta ee Horjoogaha Lagaaga dhigay, runtii Lacagta aad daba socoto ee lagu sheegay in TV qaranka lagu geliyey hawada waa lacag gashay meel aanad kaga daba tegi Karin, Yaanay kugu dhicin tii ku dhacday ninkii Daacada Ahaa ee ina Raage ee xamili waayey Musuqii Maxamed Cabdulahi looga raali ahaa, Moodayey in Dadka reer Somaliland haduu tuugada cadeeyo loo garaabayo ee isaga Daalaca loo raacay .

Wasiir iska Daa Faysal Cali Sheikh lacagtaa shaqo kuma laha waxaa maamulay ninka loogu magac daray  Morgan(Baashe) ee qaba Ina Siilaanyo, Daahir Cabdi Jaamac iyo Xirsi, waxaa arjiga marka hore soo qortay niman aqoonyahano ah oo reer UK ah waana la qiyaamay ragaas . Lacagtan waxaa hore u ansixiyey Wasiir Xaabsade waana $240.000 oo dollar , waxaan kaaga digayaa in aanad dabagelin, Xaaraanta, Boobka, Musuqa iyo Dulmiga waxa loo ogol yahay inta laga ogol yahay Kitchen madaxweynaha ama ku qabso oo ooga tag shaqadan yaanay kugu gumeysane.

Wasiir Boobe walaal Xaasha iska daa Mujaahid Faysal Cali Shiekh waa nin miskiin ah waxna muu qaadan, waxaa kuu taal talo adiga Aakhiradaada u fiican, intee in leeg baad Baadil Difaacaysaa oo aad afhayeen u noqon Madaxweyne Silaanyo oo aad moodo in uu Sardho galay, Hantidii qarankana ay u tashadeen caruur iyo haween.

Waxaa sidoo kale kula mid ah Wasiir  Xuseen Caydiid, Wasiir Sacad Cali Shire, Wasiir Xusein Xoog iyo Wasiir Samsam waxaa la gudboon in ay shaqada isaga tagaan hadaanay Cadaalad darada waxba ka qaban Karin.  Shiikhii qaliil oo ahaa nin diimeed waxa uu noqday nin aan ilaa hada ka hadlin dulmiga ka taagan Cadaalada Dalka, Wasiir Maxamuud Xaashi isaga isba odhan maysid mar buu tukan jiray, oo kiish weyn buu soo toshay, Waxaan dhamaan tiin idin xasuusinaynaa in maalin la dhaafi dhaldhalaalkan dunida, ee is daba qabta.
Waxaan kusoo gabagabeyn , Boobe ha doon doonin lacagtaas yaan qoorta lagaa jebine, waa la ogyahay meesha ay martay, hoos eeg oo tag Airporka soo dhowee Xisrsi Gaab oo London ka yimid , sheegna in uu yahay Fariid ka yimi qoryaale oo haysta 9 bilood oo waxbarshada Computer ah , kuna ah Wasiirka Madaxtooyada waa cadaalada Siilaanyo, Waxaa Maxamed Xaashi ku adkaatay in uu Xirsi  adeeco, maxaad Yeeli Adigu?

Cabdifatax Siciid Kaarshe
Kaarshe2013@hotmail,com


This post has been viewed 664 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright