Yousuf Garad oo shacabka Somaliland u aqoonsanyihiin wariye ka hawlgala laanta afka Somaliga ee BBCda kuna dulqaataan gafafka taxanaha ah ee uu ku hayo qadiyada dalkooda muxtarimka ay u hayaan laanta BBCda ee qaybta afka Somaliga. wakhtigan oo caalamku doonayo inuu go,aan ka gaadho madaxbanaani la siiyo Somaliland kula dhex wareegaya bulshada afka somaliga ku hadasha hadalo kicin leh oo uu ku abaabulayo kacdoon ka dhan ah gooni isku taaga Somaliland isagoo ku hal qabsanaya Dawladan hadda somaliya ka jirtaa ma ka go,aan gaaadhi kartaa in Somaliland la siiyo aqoonsi caalamiya? Iyo shacabka Somaliland ma u dhanyihiin gooni isutaaga isagoo ka dhigaya inay jiraan beelo diidani,waxaa intaa dheer isagoo dad teleefano usoo diraya bbcda oo lidi ku ah qadiyada Somaliland waxay ka soo hadlayaan leh gobolada Somaliland.
Yousuf Garad wali ma is dhagaystay siiba marka uu qabto doodaha Somaliland iyo somalia,erayada dhinaca ah ee aan dhandhamada suxufi lahayn ee aad moodo inay Somaliland Aabbihii dishay miyaanu ogayn in Somaliland 1960kii dawlad ahayd,xuduudo sugan leh, islamarkaana aduunyada ka iibisay qadiyadeeda oo ay bisayl dawladeed oo aduunyada la jaan qaadaya la timid?. yousuf Garaad waa wariye si badheedh ah markasta u weerara Qadiyada Somaliland isagoo ku gabanaya shaqada suxufinimo ee BBCda. yousuf garaad ha ka waantoobo ficilada xun ee xiqdiga leh ee cunsuriyada qabiil wadata.
Waxaa qoraalkan igu kalifay aan ka adkaysan waayay weerarkii qaawanaa ee Doodii BBCda 22/06/2012kii jimcihii oo uu yousuf garaad su’aalo ku waydiinayay dood uu u qabtay qaar ka mid ah wufuudii uga qayb gashay Somaliland iyo Somalia shirkii ka dhacay London shirkaasi oo laba cisho ku soo gabo gaboobay lana shaaciyay in midkale oo carabaha ka dhacaya loogu sii gogol xaadhayay,shirkan oo ay ka soo baxeen qodobo labada dhinacba ku qanceen.. Doodan oo ay aakhirkii isku soo hadheen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe iyo wasiirka waxbarashada dawlada Somalia iyadoo su’aalo badana ay dad shacab ahi soo waydiinayeen ayaa Yuusuf Garaad u xidhay shaadh cas iyo isagoo aad mooday inuu lasoo balamay ashkhaasta telefoonada soo garaacaysay oo gabi ahaanba lidi ku ahaa Somaliland,iyadoo dadka intii dhagaysatay aad ula yaabeen doodan. Hase yeeshee G/ku xigeenka koowaad ee golaha wakilada Somaliland Mr.Baashe ayaa si habsamila, uga jawaabayay.
yousuf Garad ayaa horaantiiba isku dayay oo weerarkiisa ku ekeeyay inuu calooshooda ka kaluumaysto isagoo uga gol lahaa inuu helo xogo iyo siro la qariyay oo shirka dhexdiisii la isku waydaarsaday siiba qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo aan qodobada ka soo baxay ee laga wada hadlay ku jirin,waxaanu waydiiyay Wasiirka waxbarashada somalia ;maadaama oo aad hor fadhiiisateen somaliland idinkoo ah dawladii somalia miyaanay taasi aqoonsi ka turjumayn? Sidiiran ayuu uga jawaabay isagoon wax deel qaaf ah ugaysan Somaliland.
Qaybta telefoonada ee su,aalaha lagu waydiinayay wufuudan labada dhinac kala matalayay ayaa ilaa 8qof ahaa oo dhamaan Somaliland diid ahaa oo uu Yusuf Garad balamiyay isagoo ignoor gareeyay dadkii dhinaca Somaliland ee codsiga usoo dirtay taasoo laga arki lahaa xataa qof uun.
Waxaa uu ku cel celiyay nin dhalin yaro ah oo dadkan su’aalaha teleefanada kaga qayb qaadanayay ahaa dooda oo sheegay inuu Borama joogay oo uu yusuf Garad isagoo kor u qaylinaya Baashe G/ku xigeenka golaha wakiilada ku yidhi;ninkani wuxuu ka soo hadlayaa Somaliland Boram,Borama,markaasuu Baashe ugu jawaabay;magaranayo inuu Borama ka soo hadlayo iyo inkalee adaa sheegayee; Baashe ayuu hadana ka dhex galay doodii isagoo ninkaa Boramuu ka soo hadlayay ka raadinaya weedho cadha galiya Gudoomiye Baashe.yousuf Garadaw hab dhaqan wariye yeelo ama ku soo fadhiiso kuraasta cunsuriga shaadhka qabiil ku dafiraya Somaliland?
Abdirashiid SH c/wahab SH Ibrahim [ Biqil ]
Ganni94@hotmail.com , biqil123@gmail.com tell:4620929
This post has been viewed 1176 times.






