London (Halbeegnews)– Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa ergooyinkii shanta ahaa ee ka qayb gallay shirkii la sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ku wada hadlayaan, ayaa maanta durtaba bilaabay qorshayaashii shirkii ka dhacay guriga Chevening ee ahaa in Somaliland lagu soo celiyo midnimadii ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqeen 21 sanno ka hor.
Haddaba Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu kaga qayb gallay maanta mid ka mid ah hudheeladda magaalada London xaflad loo soo agaasimay in qaddiyadda midnimada Soomaaliya lagu ayido laguna adkeeyo, waxaana la arkaayey sida sawirka ka muuqata Faysal Cali Waraabe oo daba fadhiya callankii buluugga ahaa ee shanta xidigood ka koobna ee qabay dhiigga boqolaal kun oo qof oo Shacabka Somalilad ah, wuxuuna dhinac fadhiya Wasiiraddii dawladda TFG-da, siduu qofka noocaas ahi uu xil uga hayn kara Somaliland, Sawirkaasi ayaanu idiin soo gudbinayna Daawasho wacan:
Halbeegnews, London
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 3391 times.







