Maxaad kala socotaa Saluuga iyo Kalsooni la,aanta ay Madaxdii Beesha HJ ka muujisay Dawlada Siilaanyo iyo Sida uu Ugu Abaal dhacay Qallinkii Cabdisamad Siciid Kaarshe

Posted by on Jun 23rd, 2012 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Waxaynu ka dheregsanahay in uu Axmed Siilaanyo ka soo qaatay ogolaanshaha  Madaxweyne-nimada magaalada Garadag , ayna isla markaana ay kalsoonidooda siiyeen  shacabka Reer Somaliland oo u kala hadhin, Waxaan maanta dib u eegaynaa Beesha HJ oo aad ugu hanweynayd Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu hanan doono Madaxtinimada uu in badan ku taamayey, ayaa waxaa muuqata in ay Beeshu ku Hungowday, taa micnaheedu maaha in ay wax gaar ah ka doonaysay, ee waxa ay islahayd waxa uu ka tegayaa Legacy ama Taariikh ay beeshu sheegan karto wiilka wiilkiisa.

Ayaan daro waxa taladii la wareegay Caruur ay isaga Qaraabo yihiin oo ay Horjooge u tahay Xaajiyo Aamina Xaaji Maxamuud jirde , kooxdan oo uu Hogaamiye u yahay Xirsi Xaaji Cali, Baashe Yare oo ina Siilaanyo qaba , Daahir Cabdi jaamac oo Siilaanyo adeer u yahay, Maxamed Cismaan Indhoole oo isna Siilaanyo adeer u yahay, ogow 3 nin ee danbe waa wada Habra Wadaag.
Kooxdan oo ah runtiii koox aan muuqan , kana shaqeysta Mashaariicda ayaa waxa ay ku guulaysten in dhamaan Madaxdii Beesha HJ ay shaqada uga tagaan ama la jaan qaadi waayaan Boobka ay lasoo shaqo tageen. Arinkan oo aan runtii hore usoo marin Sooyaalka Siyaasada Somaliland ayaa Waxaa shaqada ka tegey 1. XUSEIN KENYAATI , oo ahaa Sirdoonka qaranka Somaliland ahaana nin professional ah ayaa iska hulaabtay markii uu garan waayey cida uu u shaqeeyo ee uu sirta dalka ku aamini karo.
Sidoo kale 2.Maxamed Nuure oo ahaa isna Sirdoonka Qaranka, Waxa uu kala garan waayey in Sirdoonka isagu u taliyo iyo in Xirsi yahay hogaanka sidii Jidhif ku dhacday.
3.Axmed Rooraaye oo ahaa Gudoomiyihii doorashooyinka Kulmiye ee Gobolada Sanaag , ahaana Agaasimihii dib u dejinta oo ay runtii si aan sharaf lahayn uga qaadeen Xilka .

4.Ilhan Maxamed Jamac oo ahayd gabadh aad ugu soo halgantay Xisbiga kulmiye iyo hanashadiisa ayaa waxay noqotay Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada, mudo yar kadib waxa ay noqotay mid aan laga jeclay madaxweynaha Kitchenkiisa, iyada oo aan lagu saluugin shaqo xumo ee lagu dhaliilay , in aanay badnayn booqashadeeda xaga madaxtooyada ama aan ahayn qof kacaan ah, ugu danbeyn waxa xilka laga qaaday iyada oo aan filayn oo isleh waxaad qabatay halw badan, waana la wada ogaa xilwareejinteedii sida ay u shaqeysay.

5.Maxamuud Raage   waxa uu sidoo kale ahaa hawlwasdeenadii Kulmiye, Agaasimihii wasaarada Cadaaladda ee sameeyey Somaliland Justice Reform , lana ogaa kartidiisii, ayaan Daro waxa loo bedelay Wasaarada Arimaha debeda oo loogu talo galay in lagu Cadaadiyo, markii uu u adkaysan waayey Corruption kii yaaley Wasaarada waa kii is casilay.

Lataliyihii Madaxweyne Xigeenka 6.Cismaan Siciid , kadib markii uu ku guulaystay in uu imtixaan u galo shaqada lataliyaha Madaxweyne xigeenka , waxa uu ka mid ahaa ragii lagu masabiday Bariiska. Sidoo kale 7. Axmed Cilmi waxa uu ka mid ahaa ragii Kulmiye kasoo Saaray Sanaag waxa uu isna noqday  8.Agaasimaha Wasaarada debudejinta waxa uu ka mid ahaa ragii loo sameeyey shirqoolkii Bariiska, Axmed waxa uu mudo badan saluug ka muujinayey sida uu u socdo maamulka dalka isaga oo isku dayey in uu talooyin gudbiyo, waxa  ka dhashay shirqoolkan loo sameeyey. 9. Liibaan Maxamed Cashuur waxa uu ahaa nin tacab badan geliyey doorashadii Madaxweynaha , waxa uu joogi jiray Madaxweynaha Gurigiisa oo uu caawin jiray, markii lagu guulaystay Madaxtinimada ayaa laga saaray guriga iyada oo codsigaas ka yimi xaga Rag Siyaasin ah oo u arkayey in uu dhib u keeni doono, kadib waxa uu shaqo agaasime waaxeed ah ka Helay wasaarada Arimaha Debeda , nasiib daro Wasiirka arimaha debeda oo qarsanaya Musuqiisa ayaa Warqada Eriga hoosta ka geliyey,
10. Saleebaan Maxamed Farah waxa uu ahaa gudoomiyaha Hayada Qurbojooga Somaliland, waxa uu eri ku mutaystay muran dhex maray isaga iyo Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland oo ay isku qabteen meesha Hayada Qurbojooga Somaliland la hoos geynayo, Murankoodii oo dhaliyey qilaaf dhex mara Madaxweynaha iyo Madaxweyen Xigeenka Somaliland oo mudo week ah ku kala Cadhooday Madaxtooyada. Waxaa sidoo kale si xun dawladani u dulmisay Badhasaabkii hore ee gobolka togdheer 11.Yasin Muxumed Cabdi oo isaga shaqada lagaga qaaday maadaama loo dhiibay nin ay isku jifi hoose yihiin Hayada Sirdoonka Qaranka.

12. Ugudanbeyn Jaamac Axmed oo ahaa nin aad u karti badan, kuna caanbaxay Aftahanimo iyo guurtinimo ayaa ahaa kii ugu danbeeyey ee is casila oo iska gaabsaday , waxa laga wada dheregsan yahay in uu Jaamac isku dayey in uu dhexdhexaadiyo Xirsi iyo dadbadan oo ka biyo diidsan dhaqankiisa, laakiin waa loo joojin waayey, markaa waxa ay ku kaliftay in uu ka holeelo, meeyey odeygii Saleebaan Maxamed Adan gudoomiyihii guurtida waxa uu go,aansaday in aanu dalka kusoo noqon.

Hadaba dulucda qoraalkeenu maaha maxaa ragan oo wada ah Beesha Madaxweynaha looga qaaday Xilka, xaasha xilku waa meerto, ee dhamaan shaqo ka tegidooda ayaa wax aka muuqata Curfi , Xumaan iyo tahdiid kaga timi madaxdan aqalka Madaxtooyada oo ay hagayaan koox maafiyo ah oo ku dhawdhaw Qoyska madaxweynaha , kuwaasoo aan jeclayn cidkasta oo isku dayda in ay keento talo Nasteex u ah qaranimada iyo wadajooga Somaliland, waxa ay dhamaan madaxdan ka gilgisheen in six un loo adeegsado Dawlad nimada iyo in lagu takri falo Hantida qaranka iyaga oo dhawraya Magaca guud ee Qaranka Somaliland iyo ka beesha ay kasoo jeedaan ee Habarjeclo. Ayaan daro waxa Madaxweynihii qaranka Somaliland ayaa waxa isku gudbay dhalinyaro iyo Haween aan haba yaratee wax waayo aragnimo u lahayn Dawladnimada, waxa ay madaxda HJ ka muujisay Saluug aad u badan sida wax u socdaan.

Sidaa daraadeed ninkii jiray waxa uu yidhi Markii islaantii looga tegay ay isu bedeshay nin hub wata , waar aniga islaantii layguma Haleeyo. Reer Somaliland anaga Beesha HJ hadaanu nahay madaxdayadii waa taa , Odayaashayadii waa kii soo eryey, anaga Odeygii iyo Dawladiisa Nalaguma Haleeyo, ogaada Warqadana Taariikh ahaan u haysta. Sidii loo badbaadin lahaa qarankan waa ina dhextaalaa.

Cabdiqani Siciid Kaarshe
Kaarshe2013@hotmail.com


This post has been viewed 446 times.

Categories: Editorial
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright