Waxaan halkan ka sallaamayaa bahweynta shebekadda HALBEEGNET iyo akhritayaasheeda ku kala nool daafaha aduunka oo dhan waxa kale oo aan salaamayaa dhamaanba shacabka Reer somali land meel kasta oo uu aduun ka ka joogo waxaanaan ku sallaamayaa sallaanta islaamka assallamu caleykum waraxma Tullaahi wa barakaatu
Intaa waxa iisoo raaca TACSI aan u dirayo shacabka Reer SL oo aan uga Tacsiyadaynayo geerida iyo guuldarrada bilawga ah ee u soo hoyatey qadiyadii xornimada iyo lasoo noqoshadii madax banaanidii ummada Reer SL ee kasoo baxaday waxan lagu tilmaamay wada hadalka ee ka dhacay carriga ingiriiska 20 KII IYO 21 KII BISHAN JUNE 2012 KA
Arrintaas oo ah run ahaan guuldarro u soo hoyatey masiirkii qarannimo iyo jiritaankii SL oo ah wax ummadu aad uga wada Naxday lala yaabayna, oo aan meeshaba laga filayn inay sidaa wax noqonayaan hadaba waxaa is weydiinle waxa aynu Aragnaa weftigii ka socdey SL oo ku faanaya inay guul gaadheen waa maxay guusha ay inoo soo hooyeen? bal aynu inyar Qodob Qodob isu dul Taagno sideedii Qodob ee kasoo baxay shirkaa
1 Qodobka kowaad, ma waxa guul ah in wada shaqayni dhax marto somali land iyo somaliya iyadoo laga duulayo shirarkii london iyo Turkiga ?
u fiirso akhristoow halkaas waxa ku jira Ajende qarsoon oo aan shacabku ogeyn sida ay u dhadhamayso arrintu.
2 Qodobka labaad, inay wada shaqayn yeeshaan labada dawladood iyo dawlada beddeli doonta TFG da
waa adkayn marlabaad la adkaynayo inay somaliland la shaqayso cid kasta oo somaliya xukun keeda qabata
3 Qodobka saddexaad, inay labada madaxweyne kulan ku yeelan doonaan wadan ka mid ah wadamada khaliijka carabta
sida la ogyahay waxay warbaahinta qaarkood qoreen intaan shirkuba billaabmin inay labada maxweyne ku kulmi doonaan
magaalada Dubai ee dalka U A E shirka ka dib Taasuna waxay cadaynaysaa in ay arrintuba hore u sii dhamayd oo dhamaadka bishan uun la saxeexi doono qodobadan lagu heshiiyey oo hore loosii diyaariyey
4 Qodobka afraad in labada dhinac ay samaystaan gudi farsamo oo sii ambo qaada wada hadalada
ma cadda waxa laga hadli doono maadaama aan meeshaba lagu soo qaadin qaran nimadii somaliland iyo jiritaan keeda toona
5 Qodobka shanaad in caalamku ka shaqeeyo gargaarka labada waddan ee somaliland iyo dawladda ku meel gaadhka ah
wax macno ah oo muhiim ah qodob kaasu samayn maayo waayo horeba waa loo bixinaayey wax lagu tilmaamo caawimo
malaa waxa uu wax micne ah yeelan lahaa hadii uu ahaan lahaa in qolo walba gaarkeeda mucaawimadeeda loo siiyo
6 Qodobka lixaad in ay ka wada shaqeeyaan la dagaalanka Argagixisada Budhcad badeeda iyo Arrimaha amniga
Taa waxa loo macnayn karaa in uu yahay codsi dawladaha reer galbeedka si loo helo in meel kaliya laga hago arrimahaas
7 Qodobka todobaad waa qodobka sida tooska ah u baa biiyey jiritaankii iyo qaran nimadii jamhuuriyadda 21 jirsatey ee somaliland
sideedaba somaliya iyo somaaliland kama dhexeeyo heshiis lagu heshiiyey dawlad nimo iyo xuduudo u dhexeeya labada dal sidaa darteed markaad ka duusho ninka hogaaminayey qolada TFG da ka socotey waxa uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha magac u yaalka TFGda taas macneheedu wuxuu ahaa waxa uu la xaajoonayaa gobol ka tirsan dawladda aan jirin ee TFGda oo waxa uu ku jiraa xallin khilaaf gudaha ah, sidaa darteed waxa uu ku guulaystey inuu miiska soo dhigo oo ku qanciyo wasiiradan dhalinyarada ah ee Reer somaaliland inay furaan
isu socodka dalka oo ay dadku si shuruud la,aan ah isu dhax maraan halkaana waxa ka baxday oo ku dhamaatay sheegashadii qarannimo ee SL iyo xuduudihii aynu ku doodeyney ee isticmaar ku ka tegey 1960 kii
waayo majiro wax shuruud ah oo ku lifaaqan habka uu noqonayo isu furku iyo isu socodku wax magac xuduudeed ahna haba yaraatee lamasoo hadal qaadin taasaa ah cadaynta koowaad ee geerida QARANNIMADII dhiiga nafta iyo maalkaba loosoo huray habeen dumey dhe
8 Qodobka u danbeeya waa inay khoboro dhanka qaanuunka,dhaqaalaha iyo ammaanka ah u yeedhaan labada dhinacba
kaasna waxa ku cad in laga wada hadli doono wixii inaga dhexeeyey sida aduunkii dhaqaali iyo nabadda dalka laakiin lama odhan oo lagumasoo darin sidii looga hadli lahaa laba dal oo kala noqonaya sida xuduudaa iyo qaybsiga badda iyo hantidii qaranka ee ay lahayd dawladii burburtay raadraaceeda toona
iskusoo wada duubuuboo waxaa ila haboon in Qofkasta oo reer somali land ahi is weydiiyo maxaa inala gudboon maanta oo la qaban karaa?
jawaabtu waa hubaal inay qofkasta su,aashaasu maanta madixiisa ka guuxayso oo uu la wareersanyahay jawaabteeda iyo xalkeedaba
hadaba aniga waxay ila tahay Aqoontayda gaaban inloo baahanyahay in aan arrintaa sidaa lagu daawan ee fadhiga laga kaco oo loo
hawlgalo sidii caano qubtay dabadood la qabaye loo bad baadin lahaa jiritaanka iyo qaran nimadan ummada ee godka sii gelaysa
mana lihi oo odhan maayo shicibku ha kaco oo mudahraadyo hala sameeyo waayo dadkeenu ma yaqaanaan sida laa sameeyo mudahraad silmi ah waxay yaqaanaan dhagax tuur iyo boob iyo shiid iyo khalkhal gelin nadaamka iyo kala manbaynta sidaa darteed uma baahnin
ciidammadeenuna ma yaqaanaan tudhaalaha dadkooda ee waa xabad miciinso iyo aargoosi hoose oo ah waa hebele toogo maanta
waxaan hadaba ku talin lahaa inay wax garad ka Reer somaliland gudo iyo debedba kacaan oo la sameeyo URUR ay ku midoobaan qareenada wax garadka iyo aqoonyahanada uumadu oo ka madax banaan xanuunkan cusub ee la yidhaahdo sallaadiinta iyo dawldaba oo lagu sameeyo dabagal wada hadalladan sirta iyo qarsoodiga u badan ee wasiiradan caruurta ahi meel kasta ku gelayaan waana in dhaqaale loo sameeyo iyo gudi heer sare ah oo maamula URUR kaas aan siyaasiga ahayn ee u taagan illaalinta qaran nimadda somaliland
Waxaan kusoo gebo gebeynayaa waxaan ka codsanayaa dadweynaha reer SL inay qaataan hal ku dhigan oo laga sameeyo gabayo soo noolaynaya qarannimada oo aan turxaan lahayn
Halkan ka bilaaba oo waa inoo ballan haasaawe huffan baydkaasuna waa dhax yaalka gabayga ee yaan laga bixin anna waan idiin soo bandhigay wanaan soo wadaa insh allaahu
Hoyaalayeey Hoyalayeey hoyalayeey Hooye
HADAY
DHIMATO SOOMAALI LAAND DHAXALKA YAA QAADAN?
DHEG XUMO IYO CEEB WAXAY DHASHANA DHABARKA YAA SAARI?
wa billaahi Tawfiiq
Xuseen Xirsi Caamir
This post has been viewed 301 times.






