Shirkii Chevening House Wuxuu Ahaa Guul-darro Aan Geed Loogu Soo Gabban Oo Ku Habsatay Qaranimadii Somaliland

Posted by on Jun 22nd, 2012 and filed under Editorial, featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeegnews)– Caruur iyo  Ciroola-aba shacabka Somaliland ee berri iyo galbeed ku dhaqan waxaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u sheegtay in dalkii ay qaranimadeeda iyo jiritaankeeda iyo madax banaanideeda kala soo noqotay 1991-kii isla markaana 21 sannadood ay reer Somaliland ugu faani jireen beesha caalamka iyo soomaalida kalaba inay dalkoodii iyo dadnimadoodiiba soo ceshadeen ay dib ula fadhiisanayso kalana hadlayso masiirkii ummadnimo iyo jiritaankii qaranimada dalkani.

dhawaaqaasi wuxuu dhaliyey buuq farabadan, siyaasiyiin indheer-garad ahi waxay ku taliyeen inaan lala fadhiisan nidaam fadhiid ah oo shacabkii Soomaaliyeed aanay tusmo iyo taageero midna u hayn isla markaana ku shaqaysa ajandayaal aanay dadka Soomaaliyeed war iyo wacaal midna ka hayn.

Xukuumadda Siilaanyo waxay baaqyadaasi ka imanaayey siyaasiyiinta iyo haldoorkii Somaliland ka gashatay faraha dhegaha iyo indhahaba, ma jirto siyaasad qoran oo lagu bedelay siyaasaddii hore ee Xukuumaddii Siilaanyo ka horeeyey qarranka heerka ku soo gaadhsiiyeen, ma jirto wax meel loo raaco oo loogu soo hagaago, maalin iyo habeenba waxaa shacabku kolba gees ka maqlayaan dhiilo cusub iyo waxaan dhegahoodu hore u maqli jirin, waxay shacabka reer Somaliland ku ahayd arrin ku ugub ah in masiirkoodii Xamar la geeyo iyadoonay jirin arrin cad oo meel la isla dhigay.

Waxay socotaba Siilaanyo wuxuu si bilaa shuruud ah ku ogolaaday inuu shirarka Soomaaliya loo qabanayo qayb ka ahaado, weliba Xukuumadda Siilaanyo indho iyo dhego-adaygeeda waxay kaga dartay beenta iyo qawlka aan meel joogsiga lahayn ee sida hilaaca ama dabaysha xaga kolba saacad isbedelaya, tusaale waxaa akhristow kuugu filan shirkii Istanbul oo shacabka loo sheegay in wefdigii loo diray keliya ka qayb gallayaan qaybta hore ee shirka oo lagaga hadlaayey arrimaha gargaarka, balse wax ka yar saacado ayuunba la arkay haddana iyagoo qaybtii siyaasadda lagaga hadlaayey ee ay 24 saacadood ka hor ku taamayeen inaanay ka qayb gallayn dhex fadhiya.

Shirkii ka dhacay guriga Chevening ee waqooyi Berri ee dalka ingiriisku wuxuu ahaa guul-darradii ugu weynayd ee qaranimada Somaliland soo martay 21-kii sannadood ee Somaliland jirtay, shirka gun-dhigiisu wuxuu ahaa in la sameeyo ajandaha wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Soomaaliya mustaqbalka yeeshaan lagu sii ambaqaadayo taasi mac-naheedu waxay ahayd wax kasta oo qodobaddii shallay soo baxay ku qora ayuunba laga wada hadlaya wixii aan qoraalka ku xusnayna waa daadku ha qaado, isweydiintu waxay tahay Ergadda shanta xubnood ka koobna ee Somaliland ma waxaa loo diray in aynu Soomaaliya ku heshiinay la dagaalanka argagixisadda iyo budhcad-badeeda mise arrinta saldhiga inay u ahaato oo lagu qodobeeyo ahayd waxay ahayd in ugu yaraan lagu bildhaamiyo in wada hadal kasta oo mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya yeeshaan lagaga hadlayo aayaha iyo  mustaqbalka Somaliland madax banaanideeda riyadaasi oo noqotay mid daadku qaaday isla markaana wada-hadal kasta oo danbe aan lagu soo hadal qaadi doonin.

Hadalku si kasta ha u cadaadee waxaa ayaan darradu ku dul habsatay shacabkii 1991-kii go’aansaday in qaranimadoodii dhiig iyo dheefi u daadatay ku go’aamiyey inay dib ula soo noqdaan in maanta taasi xabaal dheer lagu riday, isla markaana Nidaamka Siilaanyo iyo shantii waxma-tare ee shirkii Chevening ka qayb gallay ay hormood u noqdeen aasitaanka ka hadalka qarranka Somaliland.

Tallo maanta uma taallo siyaasiyiinta, talladu waxay u taalla shacabkii qarranka lahaa, shacabku caag maaha meel soo taagan oo kolba been lagu habayo, shacabka waxaa looga fadhiya inay difaacaan qaranimadoda isla markaana ka hor tagaan qorshayaasha kooxaha danaystayaasha ah ee Siilaanyo hormoodka u yahay ay ku burburinayaan masiirkiinii umadnimo.

Shirkii Chevening wuxuu horseed ka noqday hoog iyo balan-bal usoo hoyday qaranimadii xoog iyo xoolo loo huray ee boqolaalka kun ee qof ku naf waayeen, magaalooyinkii Somaliland ku burbureen, 21 sannadood ka dibna Siilaanyo iyo dirkiisu weli waxay wadaan shirqool kasta oo ay ugu suurtagalayso sidii ay u mijo xaabin lahaayeen qaranimada Somaliland iyagoo caayaya masiirkii umadnimo ee lagu aaminay.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 823 times.

Categories: Editorial, featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright