Halbeegnews Oo Heshay Dhokomantiyo Sir Ah Oo Ku Saabsan Musuq Maasuqa Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar Ku Kacay– Daawo Oo Akhriso Dhokomantiyada Halbeeg Exclusive

Posted by on Jun 21st, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews ayaa waxaa u suurtagal noqday inay hesho dhokamantiyo (waraaqo) muujinaya hanti-lunsiga iyo musuq maasuqa Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ku kacay labadii sannadood ee xilka wasaaraddaasi uu hayey.

Waxaa xusuus naga mudan in dhammaanba dhokomantiyaddani ay yahiin kuwa xuquuqdoodu u gaar tahay shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews oo dedaal laxaadleh ku bixisay inaanu ka hello xubno ka hawl-galla bangiga dhexe ee Somaliland, waxaanu ka codsanayna dhammaanba warbaahintu inay ilaaliyaan xuquuqda dhokomantiyadani haddii ay xiganayaan isla markaana muujiyaan magaca Halbeegnews.

Nuquladda dhokamantiyadda ah ee hoos ku qorani waxaa xaashiyo laga soo daabacay macluumaad-kaydiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland (Somaliland Central Bank Computers) kuwaasi oo gebi ahaanba ka turjumaya lacagaha uu Wasiirka Arrimaha dibaddu sida gaarka ah ula baxay, cadadka ay yahiin, qoraaladda wasiirku lacagaha ku dalbaday, qaan-sheegta (account statements) uu baanku ku muujinayo sanduuq xisaabeedka wasaaradda arrimaha dibadda uga furan Bangiga dhexe ee Somaliland.

Haddaba nuquladaasi ayaanu gebi ahaantoodba halkani ku soo gudbinayna, waxaanu sidoo kale soo gudbinayna qoraalo hanti-dhawrka iyo Wasiirku daabacay oo ku saabsana fashilka ku yimid qaabkii loo baadhi lahaa lacagaha uu Wasiirku lunsaday.

Layaabka Musuq Maasuqan Wasiirku Ku Kacay  Ee Madaxtooyada Somaliland Ogolaatay

dhokomantiyadda hoos ku xusani waxay muujinayaan arrin layaableh oo ka mid ah musuq maasuqa hadheeyey Xukuumadda maanta dalka ka talisa, waxaa dhokomantiyadda ku xusan in safiirka dalka faransiiska Somaliland u fadhiya lacag gunno ah la siin jiray, Wakiilkaasi oo magaciisu yahay Xasan Mawliid oo aan weligii Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka bixin, 18 biloodna Hargeysa joogay, arrinta labaad ee layaabka lihi waxay tahay tigidhadda  diyaaradaha ee qiimahoodu yahay $3000 ee Dollar yaa ku raacay diyaarada Sudan Airlines Wasiirku weligii ma tagin Koonfurta Sudan eh.

Arrinta kale ee layaabka lihi waxay tahay in lacag qadarkeedu dhanyahay $18,000 sida ku xusan qaan-sheegta dhokamantiga hoose (Bank Statement) lagu bixiyey kiradda dhisme la sheegay in loo kireeyey Wasaaradda arrimaha dibadda oo ku yaalla dalka Koonfurta Sudan, haddaba isweydiintu waxay tahay guriga lagu bixiyey kharashkaasi  halkuu ku yaalla?

Waxaa kale oo layaab leh  lacagta qiimaheedu dhantahay $24000 ee qallabaynta xafiiskaasi ah ee lagu sheegay qaan sheegta iyo lacagta kale ee dhan $10,000 dollarka maraykanka ah  ee lagu sheegay dilaalka iyo cashuurta kiradda dhismahaasi yaa qaatay halkeese lagu bixiyey, miyaanay ahayn in musuq maasuqii toos loo fasaxay oo dad gaar ah siday doonaan hantidii dalka ay ka yeelayaan.

Haddii aad  u fiirsato oo aad  eegto sanduuq xisaabeedka (Account Number) 498 oo ka furan bangiga dhexe ee Somaliland  waxay masuuliyiinta baanka dhexe u xaqiijiyeen Halbeegnews inuu sanduuq xisaabeedkaasi yahay mid sharci darro ah oo Wasiirku si shakhsi ah u furtay, isagoo ku wareejiyey dhammaan lacagaha safaaradahii uu xidhay ka dibna uu isagu lacagahii ku jiray si shakhsi ah ula baxay.

Eeg oo akhriste si fiican ugu fiirso qaan-sheegta (Bank Account) ee hoos ku xusan  kuna callaamadaysan xidigta, waxaa ka muuqda laba qaybood oo kala ah Debit (lacagta lala baxay) iyo Credit (oo ah lacagta bangiga lagu shubay), iyadoo ay shaxda hoose ku xusantahay sababta lacagta loogu shubay sanduuq xisaabeedka, u fiirso lacagaha lagala baxay ee Wasiirku kala baxay.

Waxaa layaableh halka ay la geeyey  lacagta qiimaheedu dhanyahay $60,000 ee xisaabta hoose ka muuqata ee uu Wasiirku la baxay isagoo ku macneeyey in lagu qallabaynaayo labada xafiis ee Somaliland ku leedahay dalalka Norway iyo Sweden, wakhtiga wasiirku sheegayo ama kala baxay lacagta ma jirin wax xafiis ah oo uga fura Somaliland labada dawladood.

Ugu danbayntiina markii Agaasimahii guud ee hore uu Wasiirka ku qabsaday halka lacagahani marayaan wuxuu u qoray waraaqaha ku xusan shaxda hoose oo uu kaga wareejiyey dhammaan maamulkii xisaabaadka Wasaaradda.

Si aad uga bogoto iyagoo aanu soo gudbinay hoos akhriso:

Waqtiga la isticmalay Amount Xaqiiqda uu Wasiir Maxamed Cabdullahi Lacagta kula Bixi jiray Account 498
10.01.2011 $10.000 Dhamaan lacagtan waxa ay ku magcaabnayd Xafiisyada France, Norway, Italy, South Africa , laakiin sida aad shacda ka arki kartid waxa uu u isticmaalay safardiiisa, ama shaqsi, dhamaan Xafiisyada kor ku xusan waa la xidhay. $64000, waxa uu ku magcaabay South Sudan , mana uu tegin
$60.000 Waxa uu ku magcaabay Qalabeynta Norway, Stockholm Office , mana uu tegin.
23.o1,2011 $15.000
05.02.2011 $10.000
21.05.2011 $3600 Lacagtan oo Wasiirku ku wareegiyey badankiisa Account uu ku leeyahay Dahabshil , waxa uu badanaaba ka qaadan jiray Lacagta Safarada xafiiska Madaxweynaha Dalka sida Naloo sheegay, Waxaa taa dheer in Lacagta uu ku magacaabay South Sudan, iyo Scandinavian Country uu shaqsiyan u qaatay waana arinkii ay isku qabteen Agaasime Maxamuud Raage uuna shaqada Kaga tegay.
30.05.2011 $7600
04.07.2011 $9189
05.07.2011 $7600
25.07.2011 $8500
22.08.2011 $4500
22.08.2011 $9000
22.08.2011 26.566
29.10.2011 $8000
20.12.2911 $13000
12.01.2012 $60.000
02.10.2011 $64.000
Total $218.155 Lacagta uu wasiirku u isticmaalay shaqsiyan , marka laga reebo inta uu ka qaatay Madaxtooyada oo kor u dhaafaysa $100.000 mudo 18bilood ah, Waxa uu dhamaan kala baxay Account sharci daro ah oo laydhaahdo 498 oo isagu ku qoran yahay in uu la bixi karo, Waxaa account kula qoran Agaasimaha Waaxda maamulka.

     


This post has been viewed 1897 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright