Seven Oaks–Kent (Halbeegnews)– Waxaa goor dhawayd abaaro 18:00 maqribnimo wakhtiga magaalada London kuna beegan 20:00 fiidnimo ee wakhtiga geeska Afrika soo gebo-geboobay wada-hadaladda qaybtii 1-aad ee horudhaca ahayd oo ay yeelanayeen shan xubnood oo ka socday Somaliland iyo shan xubnood oo ka socday dhinaca Dawladda TFG-da ee Muqdisho.
Kulanka ayaa sidaanu hore idiinku soo tabinay wuxuu ka dhacay guri gaar ah oo uu degenyahay Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska oo la yidhaahdo Chevering House oo ku yaalla degmada Kent oo dhinaca Berri kaga beegan magaalada London.
Maxaa Lagaga Hadlay Wada Hadalka Qaybtani Koobaad Ee Maanta 20-June 2012
Wallow wararka laga hellaya ay keliya ku koobanyahiin kuwa la filayo inay ka soo baxaan tobanka xubnood ee iyagu shirka ka qayb gallay iyo seddex xubnood oo iyagu goob joog ahaan uga qayb gallaayey shirka dalalka Britain, Norway iyo Midawga Yurub ayaa haddana xogaha qadhiidhka ah ee aanu ka hellayno kulanku wuxuu tilmaamaya inuu keliya ku eka sidii loo diyaarin lahaa ajandayaasha lagaga hadlayo wada-hadaladda rasmiga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya dhex mari doona mustaqbalka.
Arrimaha La Isku Khilaafay ee aan xalka Laga Gaadhin
Sida aanu xogta ku hellayno Ergadda dhinaca TFG-da xubno ka mid ah ayaa iyagu diiday isla markaana ku gacan saydhay in qodobadda ajandayaasha la diyaarinayo lagu soo daro arrinta qaddiyadda madax banaanida Somaliland, halka xubnaha Ergadda Somaliland gaar ahaana Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu ku adkaystay inaanay caqli gal ahayn isla makaana wax macno ah aanu samaynin kulan danbe oo Somaliland iyo Soomaaliya dhex mara haddii aan ajandaha ay guddiyadani kulmaya ku darrin arrinta qaddiyadda Somaliland.
Dhinaca TFG-da xubin ka mid ah oo asal ahaan ka soo jeeday Somaliland ayaa dhinaciisa ku dooday in arrinta qaddiyadda madax banaanida Somaliland aanahay ahayn mid dadka deegaanadda Somaliland dega aanay u dhamaystirnayn taasi awgeedna aanay noqon karin mid ajandaha lagu darayo ee ay tahay mid dadka degen Somaliland ay taasi marka hore si furan uga soo hadlaan, arrinta ayaa markii ay cakirantay waxaa la sheegay in guddiyadii beesha caalamka ee fadhiga ka qayb gallaayey ay ku qanciyeen labada dhinac in kulanka Berri dib loogu dhigo arrinta qaddiyadda Somaliland.
Arrimaha La Isku Waafaqay Ee Meel La Isla Dhigay
Arrimaha ilaa hadda la isku waafaqay ayaa waxaa ugu weyn:
1. Sida loo qaybsanayo Somaland iyo TFG-da dhaqaalaha beesha caalamku siiso
2. Sida Somaliland iyo TFG-du ay iskaga kaashanayaan arrimaha dhinaca ammaanka iyo sirdoonka
3. sida si wada jir ah loola dagaalami lahaa kooxaha xagjirka ah ee mandaqadda faraha baas ku haya sida Alshabaab.
4. Sida loola dagaalami lahaa si wada jir ah arrimaha budhcad badeeda
Ilaa iyo hadda qodobadda la isla gaadhay ayaan ahayn kuwa ku filan inay dhegaha shacabka Somaliland aqbali karaan maadama aan xal laga gaadhin isla markaana aan la isku waafaqin in ajandaha shir ay Somaliland iyo Soomaaliya mustaqbalka yeeshaan lagu darro arrinta masiirka qaranimo ee Somaliland iyo sida laga yeelayo, wada hadalka ayaa sii socon doona maalinta berri ah oo lagu gorfayn doono arrimaha maanta la isku mari waayey
Wixii warar ah ee arrimahani ka soo kordha kala soco Halbeegnews
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1951 times.






