Kulanka Somaliland iyo Soomaaliya Oo Ka Furmay London Duleedkeeda Degmada Kent Xarun Taariikhi Ah Oo La Yidhaahdo Chevening House Waxaana Laga Fogeeyey Buuqa Magaalada London

Posted by on Jun 20th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Seven Oaks-Kent (Halbeegnews)– Warar horudhac ah oo aanu hadda ka hellayno kulanka abaaro 14:00 duhurnimo ka furmay degmada Kent ee duleedka magaalada London ayaa noo xaqiijiyey in kulankaasi uu ka furmay guri taariikh weyn ku leh dalkani boqortooyada ingiriiska oo la yidhaahdo Chevening House oo 800 sannadood ka hor loo dhisay boqorkii hore ee dalka ingiriiska King George I.

Wuxuu ku yaalla dhul aad u cagaaran oo ku yaalla tuuladda yar ee la yidhaahdo Seven Oaks, waa guri ay ka dhaceen heshiisyo caalami ah, waxaana badanka lagu qabta kulanada waaweyn sida kulankii ugu danbeeyey ee G-8 ee ay ku kulmeen quwadaha waaweyn ee dhaqaalaha dunidu.

Dawladda ingiriiska ayaa sababta ay u qaadatay inay dibadda London kulankani ku qabato tahay inay ka fogayso kulankani goob warbaahinta iyo dadka caadiga ahi ku soo gaadhi karaan, iyadoo la siiyey ergooyinka wakhti ay si degen uga wada hadlayaan, waa goob aad u cagaaran oo lagu shaqlay ubaxyo iyo dhir inta dunida ilaahay ku uumay qurux loogu dhamaystiray, wuxuuna Chevering House ka mid yahay guyaha ugu taariikhda weyn dunida aynu ku noolahay waxaa la dhisay sannadkii 1630-kii waxaana dhisay Lordo Acre oo caan taariikhda Britain ka ah, waxaa uu hadda gurigu hoos yimaadda Dawladda ingiriiska.

kulanka oo aad warkiisu u yaryahay goobta la geeyey iyo sida warbaahinta looga fogeeyey labadaba wixii ka soo kordha kala soco Halbeegnews

Xoga keliya ee ilaa hadda aanu kulanka ka hellay ayaa ah sidani:

“Mawqifka dawladda ingiriisku markasta wuxuu ahaa in Soomaalidu ay iyaga dhexdooda xalliyaan wixii dhexdooda ah iyo xidhiidhka mustaqbalkooda, Dawladda boqortooyada ingiriisku waxay soo dhawaynaysaa dedaalkii bulshada caalamku ay ku taageertay in Somaliland iyo TFG-da ama (ciddii bedeli doonta) ay kulmaan oo ka wada hadlaan aayaha mustaqbalkooda, isla markaana ay xal ka gaadhaan waxaa xidhiidhkooda mustaqbalku noqonayo.

Waa hawl u taalla Soomaalida dhexdeeda iyo dalalka dariska la ahi inay aqoonsadaan dedaal kasta oo laga gaadho wada hadaladani, ka dib markii shirkii london 23 Bishii February ay Somaliland iyo Dawladda TFG-du labaduba ka codsadeen dawladda ingiriisku inay u fududayso wada-hadalo dhex mara Somaliland iyo TFG-da waxaa dawladda ingiriisku go’aamisay inay fududayso isla markaana ku martiqaado Somaliland iyo TFG-da shir horudhac u noqon doona wada-hadalada labada dhinac oo furmaya 21 bisha June socona doona ilaa 22 june, waxaana kulankani sidoo kale Dawladda ingiriiska ku wehelinaya dawladda Norway iyo Midawga Yurub.

Iyadoo wada-hadalkani yahay mid xasaasi ah, waa in laga fogaado oo la siiiyo fursad ay labada dhinac kaga wada hadlaan arrimaha u gaarka ah, waxaanu aqoonsanahay in kulankani uu yahay mid xiiso gaar ah u leh dadka Soomaalida, iyadoo shirkani yahay mid seddex geesood ah nooma aha suurtagal inaanu wax faahfaahin ah ka bixino siduu u qabsoomayo iyo wuxuu ku saabsanyahay midna toona, waa hawl u taalla masuuliyiinta Somaliland iyo TFG-du inay iyagu ka hadlaan go’aanka kulankooda” ayaa qoaalkaasi ay Wasaaadda arimaha dibadda ingiriisku ku tidhi.

Qoraalkaasi oo afka ingiriisiga ku qoran hoos ka akhriso

“The government’s position has long been that the Somali people themselves should determine their future relationship. The UK welcomed the international community’s commitment at the London Conference on Somalia to support any dialogue that Somaliland and the TFG (or its replacement) may agree to establish in order to clarify their future relations. The Istanbul Conference reiterated the need for the international community to support dialogue that Somaliland and the TFG have agreed to pursue. As we have always said: it would be for Somalia’s neighbours and other African countries to take the lead in recognising any new arrangements.

“Since the London Conference, both the TFG and Somaliland authorities have requested UK assistance to facilitate a meeting. In response to this request from both parties, we have agreed to host a preliminary meeting in the UK on 20 and 21 June. This meeting is being jointly hosted with the EU and Norway.

“Given the sensitivity of the meeting, it is important that they are given the space and privacy to unfold. At the same time, we recognise that there will be intense interest in content in this dialogue. As one of three independent facilitators in the process, it would not be proper for us to comment on the process. Instead it will be for the Somaliland authorities and Transitional Federal Government to explain the outcomes of the meeting.”

Sarah Saxon

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 625 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright