London (Halbeegnews)– Kulankii horudhaca ahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya ay maanta ku yeelanayeen magaalada London ayaa sida aanu warar aanu hellay tibaaxayaan wuxuu furmay abaaro 14:00 duhurnimo ee wakhtiga magaalada London ama 16:00 galabnimo ee wakhtiga saacadda Geeska Afrika.
Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews oo khadka telefoonka kula xidhiidhay Haweenay ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalka ingiriiska waaxda warbaahinta ayaa sheegtay in kulankani oo ah mid xasaasi ah aan loo ogolayn in wax war ah oo ku saabsan laga gudbiyo, Marwo Sarah Saxon oo aanu weydiinay inay noo xaqiijiso halka shirku ka dhacayo iyo wakhtiga uu shirku furmay waxay tidhi “waan ka xumahay kulankani waa mid xasaasi ah, isagoo ah mid aad u gaar ah waxaanu doonayna inay warbaahintu ka fogaato ilaa xad, waxaanu doonayna in ergooyinka shirka ka qayb gallaya la siiyo wakhti ay ku gorfeeyaan arrimahooda”.
Qoraal ay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriisku maanta ka soo saartay kulanka intaanu furmin ayaa waxaa lagu yidhi anagoo idiin soo turjunay sidani:
“Mawqifka dawladda ingiriisku markasta wuxuu ahaa in Soomaalidu ay iyaga dhexdooda xalliyaan wixii dhexdooda ah iyo xidhiidhka mustaqbalkooda, Dawladda boqortooyada ingiriisku waxay soo dhawaynaysaa dedaalkii bulshada caalamku ay ku taageertay in Somaliland iyo TFG-da ama (ciddii bedeli doonta) ay kulmaan oo ka wada hadlaan aayaha mustaqbalkooda, isla markaana ay xal ka gaadhaan waxaa xidhiidhkooda mustaqbalku noqonayo.
Waa hawl u taalla Soomaalida dhexdeeda iyo dalalka dariska la ahi inay aqoonsadaan dedaal kasta oo laga gaadho wada hadaladani, ka dib markii shirkii london 23 Bishii February ay Somaliland iyo Dawladda TFG-du labaduba ka codsadeen dawladda ingiriisku inay u fududayso wada-hadalo dhex mara Somaliland iyo TFG-da waxaa dawladda ingiriisku go’aamisay inay fududayso isla markaana ku martiqaado Somaliland iyo TFG-da shir horudhac u noqon doona wada-hadalada labada dhinac oo furmaya 21 bisha June socona doona ilaa 22 june, waxaana kulankani sidoo kale Dawladda ingiriiska ku wehelinaya dawladda Norway iyo Midawga Yurub.
Iyadoo wada-hadalkani yahay mid xasaasi ah, waa in laga fogaado oo la siiiyo fursad ay labada dhinac kaga wada hadlaan arrimaha u gaarka ah, waxaanu aqoonsanahay in kulankani uu yahay mid xiiso gaar ah u leh dadka Soomaalida, iyadoo shirkani yahay mid seddex geesood ah nooma aha suurtagal inaanu wax faahfaahin ah ka bixino siduu u qabsoomayo iyo wuxuu ku saabsanyahay midna toona, waa hawl u taalla masuuliyiinta Somaliland iyo TFG-du inay iyagu ka hadlaan go’aanka kulankooda” ayaa qoaalkaasi ay Wasaaadda arimaha dibadda ingiriisku ku tidhi.
Qoraalkaasi oo afka ingiriisiga ku qoran hoos ka akhriso
“The government’s position has long been that the Somali people themselves should determine their future relationship. The UK welcomed the international community’s commitment at the London Conference on Somalia to support any dialogue that Somaliland and the TFG (or its replacement) may agree to establish in order to clarify their future relations. The Istanbul Conference reiterated the need for the international community to support dialogue that Somaliland and the TFG have agreed to pursue. As we have always said: it would be for Somalia’s neighbours and other African countries to take the lead in recognising any new arrangements.
“Since the London Conference, both the TFG and Somaliland authorities have requested UK assistance to facilitate a meeting. In response to this request from both parties, we have agreed to host a preliminary meeting in the UK on 20 and 21 June. This meeting is being jointly hosted with the EU and Norway.
“Given the sensitivity of the meeting, it is important that they are given the space and privacy to unfold. At the same time, we recognise that there will be intense interest in content in this dialogue. As one of three independent facilitators in the process, it would not be proper for us to comment on the process. Instead it will be for the Somaliland authorities and Transitional Federal Government to explain the outcomes of the meeting.”
Sarah Saxon
FCO Spokes Person
Halbeegnews, London
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 423 times.






