Madaxweyne Siilaanyo Oo Diiday Inuu Xafiiskiisa Ku Qaabilo Wasiirkiisa Duulista Hadalo Kululna Ku Weeraray “Adeer ku arki maayo eh xafiiska ii dhaaf” Mashruucii Dibu Dhiska Madaaka Egal Ee Shariikadda China Group Oo Fashil Ku Dhaw Iyo Amakaaga Reer Hargeysa Haysta

Posted by on Jun 20th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Warar aanu ka hellay maanta xubno ka hawl-galla xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweyne Siilaanyo diiday inuu indhaha ka qaado isla markaana xafiiskiisa ku qaabilo Wasiirkiisa Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaana wararka aanu helayna tibaaxayaan in Wasiika oo shallay isku dayey inuu xafiiska Madaxweynaha si jujuub ah ku soo gallo uu Madaxweynahu ku weeraray hadalo cadho leh, isagoo ku wergeliyey ilaaladda xarunta madaxtooyadu inay dibadda uga saaraan.

Warka aanu hellay ayaa tibaaxaya in Wasiirka Duulistu uu sameeyey amar diido isagoo ku adkaystay inuu gudaha xafiiska Madaxweynaha sii joogayo ilaa Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalayo inuu la kulmo, waxaana xubin marka goob joog ahayd ay Halbeegnews u xaqiijisay Madaxweyne Siilaanyo oo ku tiraabaya kelmadahani “adeer inaan arko dooni maayo isna arki mayno ee xafiiska ii dhaafiya” waxaana la sheegay markii xaaladdu halka gaadhay in ay arrinta soo dhex galleen ilaaladda xarunta madaxtooyada oo wasiirka geeyey mid ka mid ah xafiisyadda xarunta Madaxtooyada iyadoo markii danbana sida warka aanu ku hellayno dibadda looga saaray xarunta madaxtooyada.

Arrintani ayaa sida ay Halbeegnews xogta ku hellayso ka danbaysay khilaaf soo dhex gallay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Duulista oo la xidhiidha shariikadda la siiyey casriyaynta Madaarka Egal Intl Airport oo uu ka masuulyahay nin la sheegay inay isku dhawyahiin Madaxweyne Siilaanyo taasi oo wararku nagu soo gaadhayaan in Wasiirku uu ka caga-jiidayo inuu gacan ku siiyo dhismaha Madaarka.

Madaarka Hargeysa ayaa waxaa albaabada loo laabay muddo hadda laga joogo 22 maalmood iyadoo ilaa wakhtigaasina aan majarafad wax lagu hagaajiyo aan la dhex keenin gudaha Madaarka Egal, arrinta lalayaabay ayaa ahayd ka dib markii si dhoola-tus ah oo la doonaayey in indhaha shacabka Somaliland loogu sheego inay hawsho bilaabmayso shallay telefishanada laga sii daayey xubno kamaradaha dhulka lagu cabiro madaaka la dhex taagan.

Shariikadda China Group ee iyadu la siiyey mashruucani dibu dhiska Madaarka Egal ayaa sida ay boggooda internetka ku sheegeen aan wax shuqul ah ku lahayn hawlaha dhisitaanka madaaradda balse ah shariikad ka ganacsata qodista macdanta iyo Dahabka ah.

Mashruucani oo ay Dawladda KUWAIT ku deeqday oo u dhexeeyey 8 ilaa 10 malyuun oo dollarka maraykanka ah ayaa bilawgiiba sannadkii hore dhaliyey khilaaf horleh ka dib markii Wasiirka Duulista Hawada lagu eedeeyey inuu lacago ka mid ah deeqda Dawladda Kuwait ugu deeqday Somaliland in madaaradda dalka lagu dhiso uu Wasiirku lacago kala baxay, taasi oo keentay in Wasiirku dudmadii ku yimaado magaalada London bishii May sannadkii 2011-kii balse markii danbe la sheegay in khilaafka Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa lagu dhameeyey qaab beeleed.

Arrimahani ayaa waxay ka mid yahiin jahawareerka iyo isku dhex yaaca aan tirada lahayn ee ka dhex aloosan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay kor ilaa hoos fadeexado is biirsaday ka haystaan.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1181 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright