Hageysa (Halbeegnews)–Madaarka Magaalada Hargeysa ee Egal International Airport oo 22 Maalmood ka hor laga Xayiray Diyaaradihii isticmaali jiray ayaan ilaa hada loo dhaqaaqin dib u casriyeyntii qandaraaska lagu siiyey shirkada Shiinaha ah ee China Hona Group oo iyadu dhawaan Barteeda Internet-ka ku shaacisay inaanay ka shaqaynin dhismaha oo ay ka shaqayso Macdanta.
Madaarka Caasimadda dalka ee Hargeysa oo albaabada loo laabay ka dib markii uu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu 27-kii bishii hore ee May dhagax dhigay Mashruuca horumarinta Garoonkaas oo tan iyo wakhtigaas bulshadii kala duwanayd ee Isticmaali jirtay ee ka dhoofi jirtay ama ka soo degi jirtayba ay dhibaato weyn kala kulmeen safarka dheer ee ay dantu baday ee ay ugu socdaalayaan Madaarka Magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.
Sidoo kale Wasaarada Duulista iyo Hawada oo Qaranka uga wakiil ah Arimaha Madaarada dalka ayaa ku fashilantay iyadu ilaa hada inay ummadda u soo bandhigto sababta dhabta ah ee keentay in Shirkada China Hona Group ee la siiyey Qandaraaska dib u casriyeynta Madaarka Hargeysa ee Egal International Airport ay hawsha si rasmi ah ugu bilaabi lahayd, waxaanay arintaasi muujinaysaa in heshiiska ay la galeen shirkadaas Shiinaha ah ee la sheegay inay Macdanta ka ganacsato uu yahay mid mad-madaw badani ku jiro oo aan laga fiirsanin, isla markaana Cambaar cad ku noqonaysa Hawlihii loo igmaday.
Dhinaca kale Mar aanu xalay isku daynay inaanu wax ka ogaano sababta dib u dhaca ee ilaa hada loo bilaabi la’yahay, isla markaana aanu khadka tilifoonka kula xidhiidhnay Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaanay noo suurta galin ka dib markii uu tilifoonkiisa gacanta naga qaadi waayey.
Haatuf
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 265 times.






