Addis Ababa (Halbeegnews)–48 Saacadood ee la soo dhaafay waxay u ahayd Madaxweyne Siilaanyo iyo afarta xubnood ee ka hadhay wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isagu wefdiga habeen hore ka soo dhoofay mid adag ka dib markii sida Halbeegnews ay xog ku hellayso qaybta Fiisooyinka bixisa ee safaaradda dalka ingiriiska ee Addis Ababa ay diiday inay Visa-da dal-ku-galka dalka ingiriiska siiso Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xasan oo ka mid ahaa xubnaha wefdiga.
Sida aanu wararku caawa nagu soo gaadhayaan Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu soo dhex galay arrintani isagoo si toos ah khadka telefoonka ugula xidhiidhay Safiirka Britain u fadhiya Addis Ababa Ambassador Grey Dorrey iyo weliba Wasiirka Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda Bellingham.
Warar aanu hellayno ayaa tibaaxaya in Safiirka Britain ee Addis ababa Ambassador Dorrey uu aqbalay inuu siiyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan Fiiso shardi ku xidhanyahay taasi oo xadidaysa dhaq-dhaqaaqa socodkiisa isla markaana ku koobaysa wakhtiga shirka socdaalkiisa, lama garan karo inuu soo raacayo wefdiga soo baxay caawa fiidkii oo soo gaadhaya London waabariga iyo inkale.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 826 times.






