Cairo (Halbeegnews)– Wararka shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews hadda ka hellayso xarunta dalka Masdar ee Qaahira ayaa tibaaxaya in Madaxweynahii hore ee dalka Masar uu ku geeriyooday cisbitaal maanta gelinkii danbe loola cararay ka dib markii uu dhiig madaxa kaga furmay isagoo ku jira gudaha xabsiga.
Ma jirto wax hadal ah ama caddayn ah oo ka soo baxday dhinaca qoyska Mubarig marka laga reebo laba telefishan oo ku yaalla gudaha magaalada Qaahira oo ku waramay in Maxamed Xusni Mubaarig uu geeriyooday,
Maanta gelinkii danbe ayaa waxaa si kedis ah ugu dhuftay xanuunka qalalka isagoo madaxa dhiig kaga furmay, waxaana marka loo qaaday cisbitaal gaar ah iyadoo laga saaray xabsiga dhexe ee magaalada Qaahira cisbitaal ku yaalla oo uu ku xidhna.
Haddii warka geerida Mubarak dhabyahay waxay ku soo beegmaysa iyadoo weli boqolaal kun oo shacabka Masar ay hor tubanyahiin barxadda Taxriir iyagoo weli juhdi ugu jira inay hellaan dawlad dimuqraadi ah.
Taariikh Nololeedka Maxamed Xusni Mubarik ka fillo Halbeegnews maalmaha soo socda haddii alla idmo
Halbeegnews, Cairo
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 360 times.






