Weerar Kooxda Khaatumo Seeg Ku Soo Qaadeen Deegaanka Gawsa-weyne Ee Caynabo Ee Gobolka Saraar Oo Gaystay Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah

Posted by on Jun 19th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Caynabo (Halbeegnews)– Waxaa caawa gabal-dhicii wakhtiga geeska afrika ka  dhacay deegaanka Gawsa-weyne oo ka tirsan Degmada Caynabo ee gobolka Saraar weerar  fulaynimo ah oo kooxdda Khaatumo-seeg la baxday ku soo qaadeen dad rayid xoolo dhaqato ah oo wakhtiga goob shaaha laga cabo fadhiyey kaasi oo sababay  khasaaraha dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba qof.

Sida wararku ay shabakadda Halbeegnews ku soo gaadhayaan dagaalka ayaa wuxuu bilaabmay ka dib markii maleeshiyaadka Khaatumo seeg loo yaqaano ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo marka goob shaaha lagu cabo fadhiyey, waxaana la sheegay in maleeshiyaadka Khaatumo Seeg ay rasaas oodda kaga qaadeen dadka rayidka ah oo wakhtigaasi aan diyaar ahayn.

Wararka hadda na soo gaadhay ayaa tibaaxaya in ciidamadda qarranka Somaliland ee aaggaasi ay goobta weerarkaasi ay kooxaha fidmo wadayaasha ahi ku laayeen dadka rayidka ah gaadheen iyagoo ciidanku bilaabay inay goobtaasi ammaankii ku soo celiyaan.

maaha markii ugu horaysay ee kooxda Khaatumo-seeg ay weerar ku soo qaadaan dad rayid ah oo aan waxba gallabsanin waxay ahayd sannadkii hore markii deegaan kaasi dad tukanaayey sallaaddii ciidda ay ku laayeen.

Wararka arrintani ku soo kordha kala soco Halbeegnews

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 651 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright