Hargeysa (Halbeegnews)–Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Saxardiid (Cadaani) ayaa sababo aan a garanayn uga baaqsaday safar uu u xadhko xidhay oo uu ku tagi lahaa Goobaha Dakhliga Goboladda Barri ee Saaxil, Togdheer iyo Sanaag, kuwaasoo uu u xadhko xidhay tagitaankooda afara cisho ka hor.
Inkasta oo aanay cadayn baaqashadiisu hadana sida ay Ilo wareedyo u dhuun daloola khilaaf ka aloosan Shir Beeshiisa Habar yoonis u balantay 29 ka bishan inay ku qabsato Buurta Daallo ayaa sheegay inay ku kala aragti duwanaadeen isaga iyo Xukuumaddu gaar ahaana Wasiiradda Beeshiisa, taasoo keentay Hakadka galay safarkiisa.
Sida ay Ilahaasi sheegeena waxay Dood adag ku yeesheen xarunta Madaxtooyadda taasoo keentay in Masuuliyiinta intooda kale isku raacday in shirkaas la baajiyo balse aragti ahaa isagu bandhigay inaanay Xukuumaddu shirkaasi wax dibin-daabyo ah u geysan, isagoo ku adkaystay inaanay ka soo baxayn wax Qaranimada Wax u dhimaya.
Dooda Wasiir-dawlaha ayaase noqotay mid ay Xukuumaddu Liqi kari weyday, waxaanay ku talaabsaatay go’aan aan ilaa hada la ogayn halka uu ka soo fulay, kaasoo ay Madaarka Berbera kaga qaaday Baasaaboorkiisii Ganacsade Yaasiin Saleebaan Nuur oo ah Guddoomiyaha qaban qaabada Shirka Beesha Habar yoonis ee Daallo ee ay Xukuumaddu diidan tahay.
Yaasiin ayaa ka soo kicitimay Dalka Ingiriiska kadib markii uu dhawaan halkaasi u tagay taageerada Shirkaasi, waxaanu ilaa hada ku xaniban yahay Magaaladda Berbera, inkasta oo ay warar aanu ka helnay Eheladiisu sheegeen inuu Hargeysa u imanayay Dacwada Dhacdadaasi ay Xukuumaddu kula kacday. Hase yeeshee wararkii u danbeeyay ee anu xalay ka helnay waxa ay sheegeen Burco inuu uga gudbay Berbera isla markaana Baasaaboorkiisii iyo sharcigiisii kaleba ay Booliisku kala hadheen, inkasta oo ay noo surtogeliweyday inaanu la xidhiidhno.
Talaabooyinkan isdaba jooga ah ee midna hakisay midna xanibtay ayaa noqonaysa Bilowga loolan adag oo ay isku waajihi doonaan Xukuumada iyo kooxda Shirkaas dabada ka riixaysa ee Beesha Habaryoonis. Inkasta oo shirar kala duwan oo kan ka horeeyay oo la qabtay oo ay Xukuumaddu ka shakisnayd ku dhamaadeen si Nabadgelyo ah.
Xigasho Waaheen
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 529 times.






