Addis Ababa (Halbeegnews)– War hadda naga soo gaadhay magaalo madaxda dalka Ethiopia ee Addis ababa ayaa noo xaqiijiyey in Safaaradda Britain ay ku leedahay magaalada Addis ababa ay diiday Codsi Fiiso oo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan u gudbiyey shallay ka dib markii lagu qabtay Baasaboor foojari British ah oo Wasiirku hore u isticmaali jiray kaasi oo magac kale ku xardhana.
Wararka ayaa noo xaqiijinaya in safaaradda dalka ingiriiska ee Addis Ababa ay diidmadda codsiga Visa-da Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan ay ku sababaysay isagoo hore u isticmaalay baasaboor foojari ah oo aanu magaciisii saxda ahaa ku qorayn iyo qodobka labaad oo la xidhiidha xogo dhinaca sirdoonka ah oo dawladdii hore ee Madaxweyne Rayaale ka gudbisay oo ku saabsana xidhiidho la sheegay inuu la lahaa kooxaha xagjirka ah ee dalka Soomaaliya.
Wararka aanu ka hellayno magaalada Addis Ababa ayaa tibaaxaya in xubnaha wefdiga iyo xafiiska Safiirka Britain ee Addis ababa ay ku jiraan waan-waan sidii wasiirka fiisadda loogu ogolaan lahaa, iyadoo dhinaca kalana qaybta Visa-da dalka ingiriisku ay ku adkaysanayso inaanay waxba ka qaban karin maadama magaca Xirsi Cali Xasan uga diiwan-gashan aanu ammaanka Britain u saamaxayn in la siiyo Visa-da dal ku galka Britain.
Wefdiga seddexda xubnood ee kale ayaa weli ku go’doonsan gudaha magaalada Addis Ababa iyagoo qaar ka mid ah xubnaha wefdigu ay soo jeedinayaan in dib loogu noqdo Hargeysa si taasi loogu muujiyey Dawladda ingiriiska maadama masuul Somalilander ah ay Visa-dii u diideen halka qaar kalana ay soo jeedinayaan in Xirsi dalkii ku laabto kuwa kalana ay u jarmaadaan London si ay shirka uga qayb gallaan.
Sannadkii 2010-kii Bishii November 20-keedii ayaa Wasiirka Madaxtooyadu isagoo wakhtigaasi safar ku wehelinaya Madaxweyne Siilaanyo magaalada London isla markaana ku socdaalaayey baasaboorkaasi ingiriiska ah waxaa joojiyey qaybta socdaalka madaarka Heathrow isagoo wakhti saacado ah laga reebay wefdigii Madaxweynaha.
Wararka arrintani ku saabsan sida ugu dhakhsaha badanleh ayaanu idinku soo gudbinayna kala soco Halbeegnews
Halbeegnews, Addis Ababa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 2120 times.






