War Deg Deg Ah: Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Caawa Hotel London Ku Yaalla Kula Kulmay Wefdigii Dawladda TFG-da Isagoo Shallay London Yimid Kana Soo Hor Baxay Wefdigii Uu Hogaaminaayey

Posted by on Jun 19th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Sida masuul ka tirsan DKMG oo saldhigiisu yahay magaalada London caawa u xaqiijiyey shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo isagu habeen hore soo gaadhay magaalada London ayaa noo xaqiijiyey inuu caawa hotel ku yaalla magaalada London kula kulmay Wefdigii ka socday dhinaca TFG-da ee la filaayey in maalinimada arbacadda uu kulanku u furmo dhinaca Somaliland.

Warku wuxuu noo xaqiijinaya in xubnaha Ergadda TFG-da ee uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdisamad Macalin Maxamuud ay Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ay isku xidheen qol ka mid ah qolalka hotelka halkaasi oo ay ku yeesheen kulan albaabada la isku xidhay oo aan la garaynin wixii lagaga hadlaayey sida uu  noo xaqiijiyey Masuulkaasi.

Masuulka oo aanu weydiinayo bal inuu tafaasiil gaar ah naga siiyo waxyaabaha keeni kara in kulankani qarsoodiga ahi caawa dhex maro Wasiirka Khaarajiga Siilaanyo iyo wefdiga TFG-da wuxuu sheegay in ay u badantahay inay ka wada hadlayeen kulan bishani June 30-keeda ay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynaha TFG-da Sheekh Shariif ku yeelanayaan magaalada Dubai ee dalka isku tagga Emirateka carabta kulankaasi oo uu dalbaday Madaxweynaha TFG-du Sheekh Shariif, masuulkaasi oo ka gaabsaday inuu magaciisa la xuso ayaa wuxuu yidhi “waxay u badantahay inay kulanka kaga wada hadlayeen, is arag Siilaanyo iyo Shariifka bisha 30ka loo qorsheeyey” ayuu yidhi.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 795 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright