Waa Maxay Sababta aan Midnimo Somaliweyn aan loo Aqbali Karin Waligeed”
Rashiid Cabdi Odowa
Sida laga wada ogsoon yahay1960 kii ayay somaliland ka qaadatay xornimadeeda Dawladii Boqortooyadda Ingriiska, isla markaana waxay la midowday Somaliya iyadoo aanay cidina ku khasbin balse ay jirtay riyo ah in shan soomaliyeed la isu keenidoono.
Haddaba markii ugu horeysay dadka reer s/land wey ka biyo diideen Midowgii somaliya waxaanay dadka reer somaliland isu arkeen inay ku dhaceen bohol aanay iska hubsan, kasoo gudub Sagaal sanadood oo jahawareer ah iyo maamul xumo ah waxayse arrini sii xumaatay markii Inqilaab milatary uu kula wareegay Maxamed Siyaad Barre(Afweyne), talada dalka 1969-kii taas oo dadka reer somaliland ku noqotay ka dar oo dibi dhal waxaana dadka somaliland lagu bilaabay cabudhin, xadhig iyo cadaadis, kadib markii dadkii indheer garadka ahaa hadleen iyada oo la mabnuucay saxaafadda xorta ah, ra’yiga xorta ah iyo waliba suugaanta iyo arrimo badan oo kale oo lagu sop bandhigi karo ahdaafta iyo ujeedooyinka bulshada.
halkaa markay martay wey kasii dartay oo waxay gaadhay khaarajin iyo dil, 1981 ayaa London(Ingiriiska) lagaga dhawaaqay Ururka Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliya ee (SNM), ururkaasi wuxuu taageero ka helay dadka reer s/land , haddaba 1981-1991, dawladii Somaliya waxay aargoosi kula kacayda shacbigii reer waqooyiga ahaa ee s/land iyagoo jawaab uga dhigaya dagaalka ay kala hortimid ururka SNM. intav aan ka hayo foolxumooyinkii dawladii siyaad barre u geysatay shacbiga reer s/land waxa ka mid ahaa:-
- 1982 waxa ay Ballicabane ku dishey Xasan Saleebaan Wayne waxaanay diiday in Maydkiisa la aaso iyaga oo maydkiisii saaray geed-dheer dushiisa si ay ugu baqo galiso shacbiga s/land waxaanu saarnaa muddo hadda aan ku qiyaasi karo 30 sano iyada oo dhawaan la aasay maydkiisii oo lafo noqday.
- 1984 waxay hargeysa lagu toogtay 25 qof oo shacab ah sababta oo ah SNM oo dagaal kusoo qaaday dhinaca buuraha ah isla markaana waxa burco lagu toogtay 40 qof oo ay ku jirto gabadh dumar ahi, taas oo argoosi loga dhigayay milatariga siyaad barre oo ay SNM ku laysay jidka sheekh
- 1984 Dawladii siyaad bare waxay dad nool ku gubtay Gabiley wax kale oo ay gaadhi beebee ah ku jiiday dad nool suuqa magaaladda Allaybaday sidaana ay qudha kaga jartay
- 1988 waxay dawladii siyaad barre wixii ay hub haysay oodda kaga qaaday magaalooyinka Hargeysa, iyo Byurco diyaarado, madaafiic, taangiyo ka dib markii SNM dagaal kusoo qaaday dalka Waqooyiga Somaliya(Somaliland), waxaanay dadka shicibka ah kala soo baxday guryaha halkaas oo si arxan darro ah loogu laayey dooxa hargeysa xaruntii qaybta 26.
Gabgabadii waxaan odhan karaa somaliya iyo somaliland oo dib u midoobaa waa habeenkii xalay ahayoo tagay waana wax aan la aqbali karin waxaanan kula talinayaa guddida somaliland ka socda ee ka qaybgali doona wada hadalada somaliya iyo somaliland in aanay dhamaan aqbalin waxa ay ku sheegayaan midnimo somaliyeed.
Rashiid cabdi Odowaa
00-252-2-4101213
Hargeysa, Somaliland
This post has been viewed 240 times.







