Waa hawlgal hor leh oo kalitalisnimo wixii lagu galalafay guri nin muwaadin ah leeyahay oo ku yaala xaafada Ganad ee Degmada Koodbuur.waxaan runtii liqi waayay oo iga dagi waayay muuqaalada dhabta ah ee aan ku soo arkay guri xaas nin muwaadin ahi leeyahay oo ka soo horjeeda saldhiga kood buur ee magaalada Hargaysa,sawirada aan ku soo arkay ee sida arxan darada ah loo jajabiyay guri xaaskan iyadoo alaab badan sida ay sheegeen laga qaatay ay ka maqan yihiin oo aan ilaa iyo hadda loo soo celin raali galina laga bixin. Ficiladan ay xukuumada Siilaanyo lasoo baxday ayaa mataano ka dhigaya hujuunadii foosha xumaa ee xukunkii siyaad Barre saqda dhexe ku galalafi jirtay guryaha ee dahabka iyo waxa dhex yaalana ka guran jirtay ee bilaa ujeedada ahaa taasoo abuurtay kacdoonkii hubaysnaa ee shacbiga ahaa ee dhiiga badani ku soo daatay ee Geesiyaashu u naf hureen si da’yarta danbe ugu noolaato nolol xor ka ah dulmigaa bini aadanimada ka baxsanaa.
Arintani ayaa daaha ka faydaysa oo hor dhac u ah hadaladii uurkutaalada qabiil lahaa ee wasiirka arimaha gudaha Somaliland Mr Duur ka dhawaajiyay ee shacbiga Somaliland aad uga yaxyaxay ee uu ka yidhi shirkii jaraa’id ee uu kaga hadlayay dhaawicii loo gaystay Gudoomiyii maxkamada Gobolka Maroojeex,hadalkaasi oo salfudayd badan iyo dhandhamo dari siyaasadeed ka iftiimiyay wasiir Duur.
Axmed siilaanyo iyo xukuumadiisu miyay ilawday in shacbigan aanay wali ka bogsan nabadaradii iyo haylaamihii rijiimkii ficiladan caanka ku ahaa? Ee saqda dhexe sida bahalka dad qaadka ah caruurta usoo dhici jiray isagoo shaadh dawladeed xidhan.waxaa hubaal ah in ninka gurigan lihi sida uu sheegay uu ka mid ahaa halgamayaashii SNM maal iyo muruqna uu usoo huray sidii shackani uga xoroobi lahaa wax hantidooda si badheedh ah u dhaca.ninkan oo lagu magacaabo Xasan Awlibax ayay ciidamada ladagaalanka argagixisada ee RRUDu habeen hore saqdhexe u daateen gurigiisa oo ku yaala meel ka soo horjeeda saldhiga Koodbuur ee xaafada ganad waxaanay kala baxeen sadex qof, halka ay Jajabiyeen Agab Badan oo Gurigaasi yaalay, waxay kala yihiin saddexda nin,Injineer Asalkiisu yahay Kiiniyaati oo la yidhaahdo Tiom, Nin Waardiye ka ah Gurigaas oo Asalkiisu yahay Oromo lana yidhaahdo Yaxye iyo Nin reer Somaliland ah oo qurba joog ah oo la yidhaahdo Idiris oo dhamaantood lasoo wada daayay markii lagu waayay wax danbi ah.
Fajac ugu wayni wuxuu yahay in gurigani uu ahaa guri xaas wakhtiga ciidanka la galiyayna aan lagu wargalin ee lagu soo dhex dhacay,caruurtii gurigan ku jirtay ayaa sas ku jirta,waxaa la baadhay qol kasta oo guriga ka mid ah waxaanad arkaysaa dhaawaca ku yaala qololka oo kabadhadii dharka iyo buuggaagta ayaa albaabada laga jebiyay,waxaa ka laad laada albaabada qolkasta loox mindi lagu jaray oo aan xitaa la eegin in gurigu furan yahay iyo in kale ee khasab lagu furay oo dadkii iyagoo hurda loo soo dhacay waxba tilmaami kari waayeen oo ay u qaateen in weerar lagu gumaadayo loola yimid.
Waxaan usoo jeedin lahaa xukuumada uu horjoogaha ka yahay Axmed siilaanyo in si deg deg ah ay uga jawaab bixiso fool xumadan usoo hoyatay.Ciidamada ayaa laga baqayaa inay iyaga laftoodu udhex raaciyeen oo ay alaab badan gurteen mobilelo ku jiraan maadaama ay ahayd xili aan caadi ahayn oo dadku alaabtooda ay kala waynaatay naftoodu oo isdhex yaac yimid waana fal kawsaday cidii ku talaabsatayna wanaag aanay xukuumada usoo hoyn ee ay muujisay qayrul masuulnimada ilaa xadka ah ee hogaanka ciidanka haysata oo dib ufiirsi imanayo.
Allaah mahadleh
Abdirashiid SH c/wahab SH Ibrahim [biqil]
Ganni94@hotmail.com , biqil123@gmail.com
tell: 9101710 somtel, 4620929 telesom
This post has been viewed 288 times.






