Muqdisho (Halbeegnews)– Ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye waxaa magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya dhawaan ku geeriyootay Suxufiyad ka hawl-gallaysay telefishanka UNIVERSAL Marwo Nadra Cabdi Ciise (Nadra Indhacase) oo telefishankaasi muddo ka soo hawl-gallaysay.
Sida wararku Halbeegnews ku soo gaadhayaan geerida Nadra ayaa timid ka dib markii xanuun kadisa ahi kaga yimid dhinaca caloosha iyadoo la dhigay cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasi oo la sheegay inay muddo aad ugu xanuunsatay xaaladeedana si weyn looga dayriyey.
Sida hooyada dhashay Nadra Indha-case ay u sheegtay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho xanuunkeeda ayaa sabab looga dhigay sun la siiyey, waxaana ay Hooyada Nadra sheegtay in loo tuhmayo inuu sumeeyey ninka madaxa ka ah Telefishanka UNIVERSAL magaalada Muqdisho oo ay wada shaqaynayeen oo la yidhaahdo Ibraahim Jeekay iyadoo la sheegay inuu ninkaasi doonaayeyba in muddo ah inuu shaqada ka eryo iyadoo dacwadoodana la sheegay in dhawr jeer loo gudbiyey xarunta telefishankaasi ee magaalada London.
Wallow Hooyada dhashay Nadra Indha-case ay diiday in wax dacwad ah oo ka dhan ah ay ku oogayso ninka loo tuhmayo oo ahaa Madaxii telefishanka ee Muqdisho Ibraahim Jeekay ayaa haddana arrintani waxya noqonaysa mid ugub ku ah warbaahinta magaalada Muqdisho oo markii hore cadawga ay lahayd ahaa kooxo dablay ah oo aan la garanaynin oo dilal toogasho ah ku fulin jiray, waxay noqonaysa markii ugu horaysay oo suxufi uu dilo suxufi kale oo la hawl-gallaayey.
Ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye Nadra Cabdi Ciise (Nadra Indha-case) ayaa waxay ka soo jeeda gobolka Hargeysa, waxaanay ka dhalatay qoys caan ka ah caasimadda Hargeysa oo la yidhaahdo Ilma cabdi ciise Indha-case, Nadra waxay ku dhalatay magaalada Gaal-kacayo ka dib markii qoyskoodu ay ka qaxeen magaalada Hargeysa sannadkii 1988-kii, wixii intaasi ka danbeeyeyna waxay la noolayd hooyadeed oo ay kula noolayd magaalada Muqdisho.
Haddii aanu nahay Bahda Halbeegnews waxaanu tacsi gaadhsiinayna qoyska Ilma Indho-case oo aanu ilaahay uga beryayno inuu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo Gabadha qiimaha badanleh ee ka baxday Marxuumaddana waxaanu ilaahay uga beryayna inuu naxariistii janno fardawsa ka waraabiyo.
Halbeegnews, Muqdisho
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 970 times.







