Hargeysa (Halbeegnews)– Afar xubnood oo ka mid ah shantii xubnood ee shallay ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Berbera isla markaana Somaliland u matalaya inay wada-hadaladda dhinaca Soomaaliya ka qayb gallaan ayaa ku dhoofay afar baasaboor oo ajaanib ah sida ay noo xaqiijiyeen xubno looga qaateen ah oo ka tirsan waaxda socdaalka Somaliland
xubnahani oo masiirkii iyo aayahii Somaliland haddiiba ay dhabtahay kala soo hadlaya dalkii ay Somaliland mar midnimadu ka dhexaysay ee Soomaaliya ayaa xubnahii ay ahayd inay ku dhoofaan baasaboorka Somaliland oo ka mid ah astaamaha qaranimada Somaliland waxay ka doorbideen inay ku dhoofaan baasabooro ajaanib ah, lama garan karo sababta keliftay iyadoo hore loo oga in dawladda ingiriisku ay ogoshahay in Baasaboorka Somaliland lagu soo gallo dalkeeda.
sida aanu xogta ku hellay Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isagu wefdigani hogaaminaya ayaa wuxuu ku dhoofaayey Baasaboor laga leeyahay dalka Holland isagoo haysta dhalashada dalka Holland, halka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax uu isaguna ku dhoofaayey baasaboor dalka Canada ah isagoo haysta jinsiyadda dalka Canada, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ku dhoofaayey baasaboor dalka Finland ah (Finnish Passport) isagoo haysta dhalashada dalka Finland, halka Wasiirka Madaxtooyada oo haysta baasabooradda ingiriiska ah ee la siiyo dadka aan ku dhallan gudaha dalka ingiriiska ee loo yaqaano (British passport Overseas) oo laga qaatay dalka Yemen oo uu ku haysto magac aan kiisa rasmia ah ahayni uu isaguna ku soo dhoofaayey.
Arrintani ayaa layaab ah maadama shanta xubnood ay matalayaan qaranimadii Somaliland siday u dhici karta inaanay Baasaboorkii Somaliland lahayd ugu safrin, waxaanay muujinaysa in xubnaha la diray aanay ka daacad ahayn qaranimada iyo jiritaanka Somaliland isla markaana ay masiirkii umadnimo doonayaan inay London ku soo iibiyaan
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 585 times.






