Hargeysa (Halbeegnews)– Wefdigii uu hogaaminaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo safaro laba todobaad qaatay ku tagay dalalka Jibouti, Ethiopia iyo dalka Sweden ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaarka Egal Intl Airport waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku soo dhaweeyey raxan ka tirsan golaha xukuumadda, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku warbaahinta ku siiyey qolka VIP ee madaarka Berbera oo u ka soo degay warbixin, haddaba warbixintaasi oo iyadoo Video ah aanu idiin soo gudbin doono sida ugu dhakhsaha badanleh la soco.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 185 times.






