|
Waxan saaka halkan salaan diiran u so marineya dhamaan warbaahinta iyo saxaafadda ku abtirsata somaliland meelkaste o ay ka hawlgasho, waxan si gaar ah ugu so diraya hambalyadeyda iyo salaanteyda mareegaha somaliland e anu xidhiidhka wanaagsan leenahay e marwalba noo hagar baxa.
In dhaweyd ba waxba maan so qorin o waxan dareemay shacabkii somaliland o xanuunkii iyo dareenkii anu qabney mid la mid qaba oo runtii na so gaadhey islamarkan kuso batey in ay saxaafadii iyo warbaahintii ba la so xidhiidhaan oo ay dareenkooda so gaadhsiiyan, runtiina wa guul inu dareenkii wada gaadhey dhamaan shacabka somaliland o meel loo wada jeedo maanta.
Baryahan dabena waxa isa so taraya o runtii saxaafada kuso badaneya iguna kalifay in an dareenkeyga dib idiku so daabaco markaan arkey musharaxiin hamigoodu yahay in ay ka qeyb galan golaha dagaamada e ay ka so jeedan iyo kuwo hamigoodu sareyo oo uu siinayo in ay dagaamo kale iska so sharaxi karan, waxase aad ula yaaban ahey o nasiib daro ah in ay jira musharaxiin iyo ururo jaha wareersan o doonaya in ay ka so sharaxaan dagaamo aney u dhalan, waxad mooda in maanta marka laga hadalayo dagaamada somaliland HARGEYSA LAGA DHIGO dagaan an cidna ku suntaney oo ah dagaan cidwalba sheegan karto runtiina wa nasiib daro dadka sida u fakareya o waxay baal marsan yihiin in ay Hargeysi tahay dagaamo la dagan yahay o dagaankaste la garaneyo reeraha daga ama kusuntan, intii aney somaliland dhalan wa xaqiiq in ay dagaamadu ino kala suntaneyeen lkn maanta waxad mooda in dagaanka HARGEYSA SI GAAR AH ISHA LOOGU SO HAYO AMA LA RABO IN LA YIDHAAHDO KU QABSO KU QADI MEYSID
Waxa runtii mudan inu shacabka reer somaliland isixtiraamo o la isqadariyo oo milgaha somalilandnimada la dhawro, maaha in la isku so xadgudbo waxa la dooraneya wa gole dagaan maaha doorasho madaxda weyne, golaha dagaanka Hargeysa wuxu la mid yahay ama la xeer yahay sida dagaamada kale e somaliland mana jiro xeer ila hada qeexeya in ay Hargeysi tahay caasimada cidwalba iska so sharixi karto wa dagaan la mid ah dagmada SHEEKH AMA QOORLUGUD IWM
Waxan kuso gabagabeynaya qoraalkeygan gaaban kuwa had iyo guur ku doodaya HARGEYSI WA CAASIMADI O CIDI MA KALA LAHA ISLAMARKAN biriiqa hoosta kaga adimaya e leh madaxweynuhu wa REER HEBEL ama wa reer BURCO KALA DAAYA LABADAASI MADAXWEYNUHUNA WA REER HEBEL HARGEYSINA WA MEEL UMADA U DHEXEY
Uruada cusubna mid baan leeyahay waxad moodaan in ad durba fashilanteen o ad nidaamkii dimuqradeyda aheyd e la idinka filaya ad baal marsan tihiin, markaad eegto sida ad u so xuleysan musharaxiinta golayaasha dagaanka, waxad mooda inu gudoomiye kaste ba doonayo inu reerkiisa kalsooni kaga helo musharaxiinta u so qadimayo e u waliba si gaar ah ugu so qoondeynayo in ay ka qeyb galan golaha dagaanka HARGEYSAin ay yihiin kuwa reerkooda ah o an dagaan ahaan ka so jeedin magaalada HARGEYSA ,waxanu si cad idinku sheegeyna inaad golaha dagaanka HARGEYSA ka so xulatan musharaxiin u dhashay dagaanka Hargeysa e ururkiina taageersan ama ka mid ah haddii taasi dhici weydo wax hubaal ah inaad afka ciida dari doonta e OGAADA TALADAN LA RUUGIN WA LAGU RAFAADA.
Waxan ka codsanaya golayaasha qaranka e uu sideeda bilood hor yaale xeerka caasimadu in ay ansixintiisa sida ugu dhakhso ah badan u dameyaan dareenka shacabkan xaqdhawraan o ay dhameystiran.
Wa bilaahi tawfiq
Omar Darood Hassan
Norway
This post has been viewed 223 times.
|