Ciidamadda SPU-da iyo RRU-da Oo Xallay Abaaro 1-dii Habeenimo Qaabkii Ciidamadda Dhabar Jabinta Siyaad Barre Guri Ku Yaalla Agagaarka Saldhiga Koodbuur Hargeysa Danbabaray Caruurtii iyo Dumarkiina Qoryo Afka Kaga Qabtay

Posted by on Jun 17th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)–Ciidamadda La-dagaalanka Argagixisada ee RRU iyo SPU –da ayaa xalay saqdii dhexe Galalafay Guriga Xasan Aw Libaax oo ka soo horjeeda Saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Xaafadda Ganad, waxaanay kala baxeen sadex qof.

Sadexda qof ee la kaxaystay waxay kala yihiin Nin Injineer ah oo Asalkiisu yahay Kiiniyaati oo la yidhaahdo Tiom, Nin Waardiye ka ah Gurigaas oo Asalkiisu yahay Oromo lana yidhaahdo Yaxye iyo Nin reer Somaliland ah oo qurbajoog ah oo la yidhaahdo Idiris.

Abaara kowdii habeenimo ayay Ciidamaddu galeen gurigaasi waxaanay fitir-faatir u qaadeen wixii Agab ahaa ee Gurigaasi yaalay, iyagoo Dumarkii iyo Carruurtii qol inta ay isugu geeyeen Albaabadii kale jajabiyay, isla markaana baadhay meel kasta oo guriga iyo agagaarkiisa ah.

Mulkiilaha Supermarket-ka Nanies  Axmed Ismaaciil Ibraahim “Dhego”oo gurigaasi degan ayaa Waaheen u sheegay in ay Ciidamaddu ula dhaqmeen qoyskiisii si Arxandaro ah “ anigu Guriga waan ka maqnaa oo laba Habeenba maan deganayn, Carruurtaydii qayb ka mid ah oo Ayeydood la joogtay ayaa Qori afka lagaga qabtay inta qol la siugu geeyay, Sadex qof oo midi yahay waardiye Oromo ah, Nin Injineer ah oo dhismayaasha igala shaqeeya oo Kiiniyaati ah iyo inan Odayga Guriga lihi Abti u yahay oo Maraykan ka yimi ayaa la kaxaystay”ayuu yidhi

Isagoo sii faahfaahinaya dhacdadaas waxa uu raaciyay “ aniga Telefoon baa la iigu soo sheegay waan soo orday meel aan Askartii ka maro ayaan waayay xataa Saldhigii naga soo horjeeday ayaa la qabsaday oo loo diiday dhaqdhaqaaq, muddo badan ayaan Gurigaasi deganaa wixii yaalay waxa ay Askartu ka dhigtay waxay jajabiyaan iyo wax maqanba, wali maan tirakoobin, laakiin waxa wax walba ka daran iyadoo Booliisku iga soo horjeeda sababta ay Ciidamadda intaas leegi habeen noo galalafeen, iyadoo si fudud loo ogaan kari lahaa waxay baadhayaan” ayuu raaciyay

Mar la weydiiyay sababta waxaas oo dhib ahi u dhaceen waxa uu yidhi “ ilaa hada ma garanayo, laakiin saaka markii aan baadi doon tagay waxa la ii sheegay in la iga baadhayay rag lagu sheegay inay yihiin kuwii Guddoomiyaha Maxkamadda toogtay. Haa anigu Makaahiil baan ahay, nin Ganacsade ah ayaan ahay sheekadaasi markay dhacday Shiinahaan joogay, dadkay ay kaxaysteena sidaan kuu soo sheegay maba aha Makaahiil markaa maxaan galabsanay” ayuu yidhi

Waxaanu intaas raaciyay “ xukuumadda waxaan uga fadhiyaa talaabadan ay qaaday ee ay khasaaraha intaa leeg ku gaysatay iyadoo la ii yeedhi kari lahaa, iyadoo siyaabo ka fudud ku baadhan lahayd tuhunka ay qabto, dad bay Gurigii ka kaxaysatay Saldhiga IFTIN bay geysteen wax dani ah oo ay dadkaasi sameeyeena ma garanayno” ayuu ku soo gunaanaday hadalakiisa

Nin ka mid ah dadkii goob jooga u ahaa falka gurigaasi lagu baadhay oo ka gaabsaday magaciisa in la sheego ayaa yidhi “ Bas baan dhex hurday Geerashka Guriga ku dhegsan, waxaan ka war helay qub iyo qacda yeedhaysa, waan soo kacay mise waxaan arkay Ciidan nagu xeersan, way noo diideen inaan dhaqdhaqaaqno, gurigay galeen Eeriyada oo dhana way xidheen, xataa Saldhiga Koodbuur Askartiisa waxay u diideen inay soo dhaafaan Albaabka, markaa waxay ahayd arrin Argagax leh oo aanan garanayn waxa kalifay” ayuu yidhi

Madaxda Xukuumadda oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin inaanu jawaab ka helno maadaama maanta hawlaha qaranku fasax ahaayeen. Booliiska Saldhiga Koodbuur oo aanu booqanayna way ka gaabsadeen tafaasiil inay ka bixiyaan dhacdadan.

Hore waxa ay Ciidamadda la dagaalanka Argagixisadu sidan oo kale u galalafeen goor saq dhexe ah Guriga Agaasimaha waaxda Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Aadan isagoo wakhtigaasi ka dalbaday Xukuumadda inay talaabadaasi ka bixiso garawshiiyo balse marnaba kamay soo bixin wax raaligelin ahi

Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 520 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright