Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Waa Inay Ka Dhabaysa Ballan-qaadkii Ahaa Darajooyinka Ciidanka Qarranka By Cabdi Camuud

Posted by on Jun 16th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta sida quruxda badan noogu shaqaysa hadh iyo habeenba.Salaan kadib waxaan jecel ahay in aan in yar ka idhaahdo waxqabadaka xukuumada somaliland oo maalinaba maalinta ka danbaysay ay hore u soconayso iyada oo ku guulaysatay dhamaan wixii dawladi lahaan jirtay haddii alla idmna aynu maqli doono mudo dhaw innaga oo ka qayb glalay dhamaan shirarka caalamku isugu yimaadaan,iyada oo aan helay aqoonsigii aan mudada badan raadinaynay haddii alla idmo taasi oo afifaaleheedii muuqdo.

Hadaba waxaan jecel ahay in xukuumadu ku darsato wixii badanaa ee ay soo qabatay mudadii ay xilka haysay in ay bixiso garaadihii ciidamada kaasi oo runtii aan wax sidaa u sii weyn ahayn,iyada oo imikaba ay jiraan ciidamo u tababaran saraakiil iyo saraakiil xigeen iyo dablaba,markaa maxaa inaga hor taagan in la siiyo gaardo ciisdamada kala duwan kuwaasi oo keenaya dawladnimo qurux badan iyo ciidamada oo isku xukumaya hab kala danbayneed waayo garaaduhu waxay abuuraan kalsoonida askariga ama sargaalka oo waxay noqonaysaa in qofka ciidanka ahi uu higsado inuu noqdo sargaal sare ama sargaal xigeen haddii ilaahay nafta u daayo mustaqbalka.

Sidaasi awgeed iyada oo xukuumadan Axmed.M.siiraanyo ay qabatay wax badan mudadii ay jirtay isla markaana ay abuurtay kalsooni badan oo lagu qabo dalkan somaliland oo aan hore u jirijirin hadana waxaa loo baahn yahay in la sii kordhiyo wax qabadka oo maalinba meel la taabto maantana xukuumada waxaan odhan lahaa waxaad u jeedasataan in aad bixisaan garaadaha ciidamada oo runtii ah kuwa aan is leeyahay way dhamayn kartaa xukuumadu.Iyada oo aan ogaa in wakhti hore la diyaariyey nooca ay noqonayaan garaadaha ciidamada kala duwani maadaama aan somaliya kala baxanay oo aynaan qaadanayn kuwii hore waa somaliyadii hore e.

Inkasta oo ay jiraan duruufo badan oo marka aad ku dhaqaaqdo wax ay dhici karto in aanay suuro gelin hadana waxaan leeyahay xukuumada wax badan oo kaleba waa ku dhiirateen ee maxaad ugu dhiiran weydeen garaadaha ciidamada qalabka sida si dawladnimadu taam u noqoto idina aad sumacad wanaagsan ku kasbataan,waxaan isleeyaha mar haddii aad wax badan soo qabateen oo aad sugteen nabadgeliyadii dalka,oo aad bedesheen lacagtii burco,oo aad kordhiseen lacagtii ciidamada iyo shaqaalaha, oo wadooyin badan dhisteen oo aad wasaarado badan oo dhaadheer dhisteen,oo aad laamyo badan samyseen oo siyaasadii dibadu maanta cirkaa marayso oo aad xisbiyadii u furteen siyaasiyiintii hamuumta u qabay inay ururo furtaan,oo aad madaaradii dalka hagaajiseen,oo aad dhaqaalihii dalka hagaajiseen,haddii aad samayseen intaasi oo ceel biyood oo la qodayo haddii aad mucaawinadii dibada u qaybisaan si wanaagsan isla markaana ay gaadho cidii loogu talagalay si wanaagsana loo qaybiyo iyada oo la eegayo kolba halka u daran.Marka aad ku dhiirateen intaasi oo dhan maxaa idinka hor taagan in aad ku dhiirataan bixinta garaadaha ciidamada qalabkasida iyo booliiiska intaba? runtii anigu waan ka naxaa marka aan arko askarteenii oo wada subeehi ah taasi oo aynaan maamuli kari waayin in aynu samayno garaado uu leeyahay askarigu wax kasta ha qaadadto e.

Waxaa kale oo aan halkan ka canbaaraynayaa dadkii dhaawaca u geysta geystay gudoomiyihii maxakamada gobolka hargeysa taasi oo ah falalka xun xun ee dadka wax ma garatada ihi samynayaan waxaanan leeyahay waxaasi iyo wax kabadaniba waa dhacayaan waayo dalka ayaa waxaa ka socoda shaqo mar haddii shaqo ka socoto waa suura gal in ay dhacaan wax badan oo aan la filayn kuwa danbana way dhici doonaa balse waxaa muhiim ah in la doono wixii falkaa foosha xun ku kacay waana la heli doonaa dhawaan inshaallah abaalkoodana waa la marin doonaa.

Guntii iyo gabagabadii waxaan u soo jeedinayaa xukuumada somaliland in ayna u joojinin dib iyo hore diidka doonaya inaad ag fadhido dabadeedna bari ku yidhaahdo waxaba maad qaban waxaan leeyahay wax qabadaka xukuumada waa wax la arkayo oo lagu faani karo goor walba cid kasta oo ka soo horjeedaana meel gaadhi mayso waayo waxaa hafinaya wax qabadka badan ee ay xukuumadu wado markaa waxaan leeyahay gaardaha ciidamada kala duwan hala bixiyo  wixii waxtar ah ee xukuumadu qabatayna waa idinku hambalyayanaynaa.

Waxaa kale oo aan xukuumada ku dhiiri gelinayaa inay tagto madal kasta oo somaliland lagu soo qaadayo isla markaana ay ka shaqayso nabadgeliyada iyo xasiloonida mandiqada iyo dalka aynu jaarka nahay ee somaliya kaasi oo aan bad iyo dayrtoona inaga xigin wixii ku dhacaana ay inagu dhacayaan,waxaa kale oo aan xukuumada u soo jeedinayaa in ay iska ilaaliyaan cadwga ku dhex jira hawshoodana aanay u joojin shakhsi iyo beel toona.Waxaa kale oo aan leeyahay gudiga ay u saartay in ay soo qaabeeyaan wadahadalada somaliya waa gudigii loo baahnaa dadka hadalada aan micnaha layn ka shubaya meelahaasi dheg yaan loo dhigin, wadahadal somaliya lala galaana waa wax qiimo badan haddii caalmaka meel laga maro lawaayo ama la ina saaro cadaadis fara badan oo badheedh ah dib ayaa la isugu noqon doonaa oo dadkiina ayaydun la tashan doontaa laakiin inta hore waxaa hawshaasi wadideeda lagu og yahay xukuumada in kasta oo aanana jeclayn in qaybtan hore lagu daro xubno mincaaradka ka soo jeeda waayo had iyo jeer iyagu waxay raadiyaan godaloolo ama waxay abuuri karaan muran badan.

Cabdi.D.Camuud.
        UK


This post has been viewed 326 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright