Lacagta iyo kharashka xukumada siilanyo ku bixisay burburinta iyo baajinta shirweynaha H/yoonis iyo cadawada xukumadu u qabto beesha oo soo ifbaxaysa

Posted by on Jun 16th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Madaxweyne Siilaanyo iyo xukumadiisa oo shaki iyo dareen sas leh oo xoogan ka qabta natiijada iyo go’aanada ka soo bixi kara shirka beelweynta Habaryoonis ku qabsan doonto degaanka Daallo ee Ceerigaabo ayaa sababtay in Siilaanyo iyo xukumadiisuba si foolxun oo dhoqorjaaya u faro geliyaan qabanqaabada shirka ,iskana hor keenaan beesha gudaheeda iyadoo isticmaalaysaa qaar ka mid ah salaadiinta la jaalka ah ee loo yaqaan Prepaidka ama ku shubashada.

Siilaanyo iyo xukumadiisa oo ka baqay in haddii beelweynta Habaryoonis meel wax dhigato ama taladeeda midayso in mucaaradad gaamurtay kaga iman doonto,islamarkaana ka baqday in khiyaamooyin iyo qorshayaal guracan oo xukumada Siilaanyo ku dhex tuurtay beesha Habaryoonis fashilmaan ayaa madaxweyne Siilaanyo u qorsheeyay gudi wasiiro ah burburinta iyo baajinta shirweynaha Habaryoonis ku qabsan doonto Daallo.

Siilaanyo iyo xukumadiisu waxay ku bixiyeen lacag badan baajinta iyo burburinta shirka Habaryoonis ,lacagtaa badideedu waxay martay gacanta wasiirka arimaha gudaha DUUR oo madaxweyne Siilaanyo aad ula dhacsan yahay dhiiranaantiisa iyo doorku burburinta shirka ku leeyahay balse Wasiir DUUR oo ah Dilaal-ganacsade-siyaasi ayaan lacag badani jeebkiisa dhaafin.Lacagta ilaa hadda dhaaftey gacanta wasiir Duur ee loo isticmaalay ama lagu bixiyey burburinta shirka ayaa dhan S90.000 .Lacagtan ayaa badideedu ku baxday abaabulo iyo shirar doceedyo wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee kaga jira xukumada Siilaanyo beesha Habaryoonis ka wadwadeen Hargeysa siiba Hoteelada Kaah iyo Shiraaqle iyo marfashyo kaleba xilli ay Hargeysa ku sugnaayeen qaar ka mid ah gudiga qabanqaabada shirka oo aakhirkii wasiir DUUR u galay jidgooyo arooryo hore iyagoo ku sii jeeday gobolada bariga, xabsigana u taxaabay iyaga iyo gaadiidkoodiiba balse markii wasiir DUUR canaan iyo culays kaga yimi dadweynah a reer hargeysa la sii daayey gudiga iyagaan wax raali gelin ah la siin.

Caloshood u shaqaystayaahsa Dhinaca kale wasiir DUUR oo ay xoojinayaan kudlad ka mid ah gudi loo yaqaano Gudi Cibraan oo iyaguu hadba u adeega rajiimkii talada dalka qabta,Gudi Cibra ayaa sidoodaba loo isticmaalaa ama u taagan inay beelweynta Habaryoonis khilaaf ka dhex abuuraan, una badan caloosahooda u shaqeystayaal ayaa galbeedka Burco ka dhex bilaabay olole xoog badan oo lagu baajinaayo shirkaa balse iskudayga gudi Cibraanku wuu fashilmay markii mawjado ama hirar diidmo ahi ka hor yimaadeen,waxaana qadiyadan dhaqdhaqaajinta gudi Cibraanta Burco xukumada Siilaanyo ku bixisey lacag dhan $30.000 oo sii martay gacmaha wasiir DUUR.

Tu kale xukumada Siilaanyo waxay si weyn uga hawlgashay Ceerigaabo si loo burburiyo gebi ahaanba shirka,waxayna u sii dhexmartay koox salaadiinta prepaidka iyo cuqaal ka soo jeeda beelaha Habaryoonis Bari kuwaas oo khalkhal ka dhex abuuray beelweynta,iskuna deyay inay wax ka bedelaan habsami u socodka qabanqaabada shirka iyagoo soo saarey baaqaq xukumada Siilaanyo ka dhex muuqato oo sheegaaya in shirkiii dib loo dhigay sadex bilood.kooxdan xukumada siilaanyo u adeegaysay ayaa shirar goosgoosa oo aan taageero haysan kolba beer iyo guri isaga dabaqaadeysay kuwaas oo uu dusha ka hagaayey wasiir DUUR oo dhawr jeer ka codsaday inay shirar jaraa’id oo isdabajooga qabtaan oo warbaahinta laga maqlo in shirkii burburay ama baaqdey laakiin hujuun iyo caabsi kaga timi dadkoodaa ayaa u diidey inay codsiga Wasiir DUUR fuliyaan balse aakhirkii waxay dabada geliyeen maamulka gobolka iyagoo dhawr isku dhac iyo iska horimaad ka fuliyey Ceerigaabo.Lacagta xukumada Siilaanyo ku bixisa y burburinta iyo hakinta shirka Daallo ee Ceerigaabo gudaheeda loo qoondeeyay ee wasiir Duur gacmahiisa gashey ayaa lagu qiyaasey $75.000 balse lacagtaasi waxba way ka tai weyday muraadkii xsukumada siilaanyo u bixisay.

Dhaqaalaha xukumada Siilaanyo ilaa hadda ku bixisay baajinta iyo burburinta shirka beelweynta Habaryoonis ku qabsanayso magaalada Ceerigaabo ee la kharashgareeyay ayaa lagu qiyaasey ilaa $195.000 wejigii hore balse xukumada Siilaanyo weli kuma qanacsana shirka inkastoo la sheegay in madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday wasiiradii hawlahan faraha kula jira inay keenan khidad kale oo shirka lagu burburiyo oo aan xoog ciidan iyo cagajuglayn loo isticmaalin si aan nabadgelyadu faraha uga bixin ama isku dhac u iman.

Yeelkeede qorshe kale ayey xukumada Siilaanyo hindistay,waxaanay fartay wasiirada iyo masuuliyiinta xukumada kaga jira beesha Habaryoonis oo garabsanaya salaadiinta Prepaidka iyo Gudi-Cibraanta inay shirka gacanta geliyaan, oo ergooyinka shirka wax ka xulaan, oo kuwo taageersan xukumada Siilaanyo u badiyaan si ay shirka saameyn xoog leh ugu yeeshaan, aakhirkaan khilaaf iyo fidmo ugu dhextuuraan una burburiyaan, waxaana wejigan labaad loo qoondeeyay lacag dhan $300.000 oo badhkeed la siin doono ergada xukumada Siilaanyo ku dhex darsato shirka si ay u wiiqaan ama murug u geliyaan habsami u socodka shirka.

Isku soo wada duuboo waxay xukumada Siilaanyo xoog saareysaa sidii ay u baajin lahayd ama burburin lahayd shirkaa beelweynta Habaryoonis ku qabsanayso degaanka Daallo iyagoo tuhun iyo shaki badan ka qaba inay ka soo baxaan qodobo ama natiijo Habaryoonis ku midaysan tahay balse aanu rajiimka Siilaanyo jeclaysan.

Ahmed M samatar 
 
swedn helsinhborg

This post has been viewed 412 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright