Hargeysa (Halbeegnews)–Odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda Gobolka Hargeysa ayaa ku baaqay inaan la buun-buunin Toogashadii lagula kacay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex.
Odayaashan oo shir-jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa waxay sidoo kale Madaxdhaqameedyada wadanka u soo jeediyeen inay joojiyaan dhawaaqyada Xajiinta ah iyo Cambaaraynta ah ee falkaasi la xidhiidha, iyagoo ku taliyay in arintaasi loo daayo hay’adaha Baadhista iyo cida gacanta ku haysa.
“Dhacdo kasta oo dalka ka dhacda waanu cambaaraynaynaa, laakiin waxaanu ka soo horjeednaa dadka sii buun-buuninaya falkii Toogashada ahaa ee lagula kacay Guddooomiyaha maxkamada Hargeysa oo ay ugu horeeyaan madaxda dhaqanka Somaliland, taasoo oo aanu aragno inay sii hurinayso dhibaatooyin kale, waxaasina maaha wax umadda reer Somaliland Dhaqan u ah” sidaasi waxa yidhi Oday mahdi Faacuul oo ka mid ah wax-garadkaasi.
Sidoo kale Oday Maxamed Cali Madoobe oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay dhacdo fool xun ahayd falkii lagula kacay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, hase yeeshee loo baahanyahay in baadhisteeda loo daayo Hay’adaha amniga iyo dawlada oo aan Warbaahinta laga cambaarayn iyadoo cid farto lagu godayo “Ninka maanta dhibta wada ka yeeli mayno hadii aanu nahay Bulshada reer hargeysa.. annagu waxaanu nahay dadkay hargeysi ku abtirsato ee ma nihin dadka ku abtirsadam, sidaa awgeed salaadiinta warbaahinta la soo taagan Cambaaraynta ee jooga Gobolada, waxaanu leenahay joojiya waxaasi, waanan ka soo horjeednaa Odayaasha caadaystay hadii aanu reer Hebel nahay iyo arimaha noocaas ah”ayuu yidhi.
Sidoo kale Maxamed Yaasiin Diini oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa dawlada kula taliyay inay wax ka bedesho siyaasada ay arintaasi ku waajahday “dawladu waa inay dib ugu noqotaa shaxda ay kiiskaasi ku baadhayso”.
Xubno dhalinyaro ah ayaa iyaguna soo jeedinta Odayaashaasi Taageeray waxaanay ku baaqeen in la joojiyo weedhaha qabyaalada xambaarsan ee Warbaahinta la marinayo, isla markaana cidii wax tabanaysaa ay u marto nidaam ku salaysan milgaha dawladnimo ee wadanka ka jira.
Xigasho Wergeyska Waaheen
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 372 times.






