Amiirka Sugaayey Dhaxalka Boqortooyada Dalka Sacuudi Arabiya Amiir Nayf Ibnu Cabdicasiis Al-Sacuud Oo Maanta Geeriyooday Inalilahi Wa Ina Ilayhi Rajacuun

Posted by on Jun 16th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Riyadh (Halbeegnews)– Amiirka sugaayey dhaxalka boqortooyada dalka Sacuudi Arabiya Amiir Naif Ibnu Cabdicasiis Al Sacuud ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya.

Amiir Naif oo xilka sugaha boqornimada dalka Sacuudi loo caleemo saaray muddo dhawr bilood ka hor markii uu Geeriyooday walaalkii ka weyna Amiir Suldaan, Amiir Naif ayaa wuxuu muddo dheer ahaa wasiirka arrimaha gudaha dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya iyadoo dad badan ku xasuusan doonaan qaabkii uu ula dagaalamay in Ururka Alqaacidda uu saldhig ku yeesho gudaha dalka Sacuudi Arabiya.

Wuxuu ku dhashay magaalada Daa’if sannadkii 1934-kii hooyadiina waxay ka soo jeeday mid ka  mid ah qabaa’iladda ugu xoogga badan gudaha dalka Sacuudi Arabiya, wuxuu siyaasadda bilaabay sannadkii 1953-kii oo loo magacaabay inuu noqdo badhasaabka gobolka Riyadh ee caasimaddu ku taallo, sannadkii 1970-kii ayaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sacuudi arabiya xilkaasi oo uu muddo dheer hayey.

Dad badan oo Sacuudiyiin ah ayaa sheegay in lagu xasuusan doono Na’if inuu ahaa nin ammaanka mandaqadda boqortooyada sacuudi arabiya gaadhsiiyey meel aad u heer saraysa isagoo si weyn ula dagaalamay xiisadaha dhinaca mabda’a siyaasadda iyo kala qaybsanaanta isla markaana la dagaalamay faqriga gudaha dalka sacuudiga, wuxuu ahaa nin ku adag diinta Islaamka wuxuuna ka sokow Wasaaradda daakhliga Sacuudiga ee uu hayey ahaa Madaxa haayadda diinta isagoo ahaa maskaxdii ka danbaysay in aan haweenka loo ogolaan in ay gawaadhida wadaan isagoo ku sababaynaayey in faasidku ku badan karo dhulka barakaysan.

Waxaa xusuus mudan Amiir Naa’if intuu ahaa wasiirka daakhliga dalka sacuudi arabiya oo ah wasaaradda ka masuulka ah jinsiyadaha dalka Sacuudiga, waxaa jinsiyadda dalka Sacuudiga qaatay dad badan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, dabcana helitaanka jinsiyadda Sacuudigu waxay ka mid tahay kuwa ugu adag in la hello dunida

Amiir Naa’if ayaa waxaa la aas aasay Jaamacad magaciisa loogu magac darray oo lagu barto culuumadda ammaanka iyo ciidamadda, wixii ka danbeeyey bishii October sannadkii hore 2011-ka markii uu geeriyooday walaalkii ka weyna Amiir Suldaan waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashandhiga wuxuuna ahaa sugaha dhaxalka boqortooyada.

Geerida Amiir Naa’if ayaa waxay ku bannaysay qoyska boqortooyada Sacuudi Arabiya ka taliya ee reer Sacuud jago weyn oo bannaan iyadoo boqorka hadda Boqor Cabdallah ay da’diisu gaadhayso 90 sanno jir, waxaa la filayaa in xilka sugaha boqortooyada loo magacaabo Amiir Salman oo aan laftigiisa da’diisu ka yarayn 70-neeyo sannadood.

Ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiyo Amiir Naa’if berri ayaa lagu aasi doona magaalada Mecca halkaasi oo maydkiisana lagu tukan doono masaajidka barakaysan ee Makka Al Mukarama.

Halbeegnews, Riyadh

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 824 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright