Guddoomiye Muuse Biixiyow Waxaan Ku Leeyahay Afkaaga iyo Adinkaaga Is Waafaji Qallinkii C/risaaq Xasan Cawad

Posted by on Jun 15th, 2012 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Waxaan halkan ku salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland  meel walba oo ay joogaan, Waxaan maanta maqaalkaygan kusoo Halqabsanaya Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, Waxaan leeyahay Muuse Walaal Qalbigaaga iyo Afkaaga is waafaji , taa kama wado in aan uurkaaga jeexay oo aan ogahay waxa ku jira, laakiin waxaan ka dheregsanahay sida siyaasada aad wadato ay Xukuumada Somaliland ooga soo hor jeedo iyo sida aanad u jeclayn sida wax u socdaan ee taageeradaadu tahay Dani Ku baday, waxaan ku sababaynayaa Marka hore , waxaynu dhamaanteen ka dheregsanahay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud uu ku abaal dhacay dhamaan ragii qiimaha lahaa ee Naf iyo Maal u huray ee aad ka mid tahay, Waxaa la furay Xisbiyada oo aanad adigu go,aankaas ku diirsan, Waxa Xirsi Gaab ka shaqeeyey oo aanu habeena seexan in Xisbiga Dalsan lasoo Saaro oo uu hogaamiye ka yahay nin beeshaada Hoose ah, Waxaa lagu soo daray dhamaan Wasiiradii Dawlada Golaha dhexe ee xisbiga si ay kaaga Codeeyaan Maalinta Tartanka musharaxa madaxweynaha your wedding day, Waxaa lagu Guulaystay in lagaa fogeeyo dhalinyaradii ku hayey Taageerada ee Beesha Bariga Burco oo ay hormoodka u ahaayeen Axmed Cilmi oo mandheera ku jira iyo Raga aad maanta kala hadlayso Media ee ah Xil Reyte iyo Xil Axmed Ducaale.

Waxaa aad ku sugan tahay gudcur uu ku geliyey Axmed Siilaanyo oo maanta uu kaa diiday wax kasta oo nasteexo oo aad ula tagto oo aad ku helaysid taageero beeshaada iyo beelaha kaleba. Waxaa taa dheer Wiilka Loo jiiday sida meydka Mandheera ee loogu talo galay in qaaxo disho waa Wiilkaagi Xamarji, Muuse Adeer oo inaadeer Qalbigaaga waxaa ka tarjumaya sawirkan aan soo qaatay eek or ku xusan , Siilaanyo waa abaal laawe , Adigana kuma wato ama isaga ayaa damac leh ama Shiekh Cabdicasiis Samaale ayuu ka dhigayaa musharax. Lacagtan adiga laguu dhiibay ee lagu yidhi ku qabo shirka Golaha Dhexe ee la ogaa ceebtii ka dhacday , Cabdiraxmaan Ciroba inta lagu siiyey ayaa la siiyey.  Hadaba Muuse waxaa kula gudboon 5 arimood

  1. Hadii adiga iyo Siilaanyo xalin kari wayseen musuq bariis oo ay maanta tahay taariikhdii u horeysey ee Garsoore la toogto Somaliland Dhexdeeda , inta aan rag kale isku dhiman bal xal ka keen dawlada aad Amaanayso anaga ayaa la hadlayna Xildhibaanada xaq u dirirka ah.
  2. Bal Siilaanyo meel ha saaro musharax nimadaada inta aanad wareerin Subeer Awal
  3. Waa dhimatay kalsoonidii lagu qabay Kulmiye , waxaana dilay Xirsi, iyo Siilaanyo, u malaynmaayo in gobolada Somaliland shacabkeedu kulmiye dooranayaan, laakiin si kastaba ha ahaatee bal hanti talada kulmiye oo halagaa qabto ninka Faarax Shabeel la yidhaado .
  4. Umalaynmaayo in ay HY  kulmiye kusii jirayso ee doono taladii aad taageero kaga heli lahayd beeshaas
  5. Is waafaji qalbigaaga iyo afkaaga waayo? Reer Somaliland way ka dheregsan yihiin xaaladaada siyaasadeed iyo hungaha aad kala kulantay Guriga siilaanyo.

Ugu Danbeyn bal dib u milicso taariikhda Siilaanyo waa Rah abaar jooga oo cuna Caruurtiisa iyo Saaxiibadiis, walee sida uu ina Cabduqaadir iyo reer cabduqaadir ixtiraameen baan cidkale u ixtiraamin Xaguu dhigay, Maye saaxiibadii oo u horeeyo Dhegaweyne, Cabdirahman Awcali, Tayinle, Marxuun Keyse Xasan Cige, Baashe Cabdi Gaboobe, Axmed Rooraye, Gaboose, Maxamuud Raage, Axmed Cilmi, Maxamed Xashi , Axmed Xaashi Odey, Eng Maxamed Maskar, Iskeerso oo weli cusbitaal ku jira, Ilhan Maxamed Jaamac, Ninkasta oo Xirsi iyo marwadiisu nacaan wuu nacaa , waa Hogaamiye lagu lu.gay. Musow inaadeer maxaynu caato korsanay. Adeer Siilaanyo waa abaal laawe , maanta waa ninka Mujahid Dhegaweyne sida ey Xirsi ku diray, ama Axmed Cilmi Bariis ku xidhaya.

Cabdirisaaq Xasan Cawed

Dulmidiida@hotmail.com

Hargeysa


This post has been viewed 274 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright