Qormadda Halbeeg News Soo Xushay: Bal Intuu Le’egyahay Ee Fara-madhanyahay Eega” Qiso Dhab Ah Oo Ka Mid Ah Tuugadda Iyo Budhcadda Xaafadaha Hargeysa Faraha Baas Ku Haya Qallinkii Cabdifataax Sheekh Nuux

Posted by on Jun 14th, 2012 and filed under Editorial, featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qalinkii : C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

 Waa qiso dhab ah oo ka dhacday magaalada Hargeisa, waa goor habeenimo ah oo ay saacadu ku sii siqayso kuna sii durkayso abaaro 7:30 habeenimo, waa habeen gudcur madaw ah oo  hadii indhaha faraha lagaa galiyo aanad arkayn, socodku kuma badna wadada, dadka intoodii badnayd waxay iska raaceenn basaska, iyagoo sababo baqasho ah iyo mugdiga xad-dhaafka ah u door biday inay basaska iska raacan, in yar oo ay xaafadahadoodu dhawdahay iyo in kale oo tahli kari waayay inay soo raacan basaska sababo dhaqaale awgood ayaa lugta miciinsanaysa, hadaba baryahan danbe ayaa waxaa ku soo kordhayay wadanka guud ahaantii gaar ahaana magaalada hargaysa dhalinyaro  xaafadeed ama budhcad xaafadeed is urursaday kuwaasi oo xaafadaha intooda badan ka qadhaabsada.

 Dhalinyaradaasi oo qofkasta oo uu nasiibku u saamaxo isku daya inay xoog ku baadhaan, kuwaasi oo ka qaata wixii uu sito sida Mobilka, lacagta, iyo wixii kale ee ay muhiim u arkaan, sidaasi kagama tagaane  waxay isku dayaan inay qofka naftiisana wax yeeleeyaan, taasi oo in badan dhacda in aad habeen kasta maqasho nin ayaa halkan lagu dhaawacay, nin ayaa halkan midi lagu galiyay, iyo gabadh ayaa halkan wax lagaga qaaday, markay qofka danta ay doonayaan ka gaadhaan  ayay cagahooda miciinsadaan iyadoo la waayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Hadaba iyadoo ay sidaasi jirto ayaa  Nin dhallinyar ah oo hada uun madaxa  la galaya sanadkiisii labaatanaad  oo deggan magaalada Hargeisa xaafad ka mid ah, magaciisana ka cudur daartay in aan sheego  , ayaa goor fiid ah isaga oo u sii jeeda xaggaa iyo gurigooda oo sii hoyanaya waxa si kedis ah uga hor yimid koox dhallinyar/ budhcad dhalinayareed  ah oo  ah kuwa habeenkii dadka baadhaa, waxay kaga soo baxeen meel yar oo gaaban oo aanu ka filayn, markii ay istaajiyeen kadib waxa ay ugu hanjabeen in uu is baadho ,iyagoo ku qabtay ablay af -badan oo ah tii geela lagu gawracayay, qoortana ka saareen.

Waxaanay si cago juglayn ah ugu sheegeen inuu dhigo  wuxuu sito ,waxa uu lacag haystana iska dhiibo iyo Mobile ah-ba, haddii kale ay toorrida ay sitaan la dhici doonaan oo ay nafta ka qadimi doonaan, isna waxa uu u sheegay in aanu waxba hayn haddii ay doonaana ay baadhaan.

Markii ay baadheen ee ay waxba ka waayeen ayaa mid dhalinyaradii ka mid ahi inta uu soodhkii, toorridii ama ablaydii  halkaa muruqa gacanta midig  & garabka  ka galiyay , markasaa dhiigu tifiqleeyay isagoo halkii uu ka taagnaa iyo dhulkii oo dhami wada xinjiro dhiiga noqday, taas oo uu miyir doorsoomay, garan waayayna meesha uu joogo, wuxuu ku dhawaaqayay hadalo ay ka mid ahaayeen waar maxaad igu dilaysaan, maxaan galabsaday, maxaan gaf -gaystay,iyo hadalo tawaawac u badan oo qofkasta oo maqlaa uu ka naxayay, hadaba  mid ah ka mid ah kuwii toorayda galiyay ayaa intuu xoog u qoslay ku yidhi “ Bal Intaad Leegtahay Ee Aad Fara Madhan Tahay Eeg ” intii kalana iyagoo qoslaya ayay  ku yidhaahdeen “Hada Wixii Ka Danbaysa Jeebkaagu Yaanu Madhnaan ”ugu danbayntiina mar aan wax ka waydiiyayay xaaladii uu ku sugnaa wakhtigi midida la galiyay  wiilku waxa uu yidhi “ aniga oo maydka oo kale ah ayaan dhulka yaalay, maan dhaq-dhaqaaqin ilaa ay iga dul dhaqaaqayeen,markii aan cabaar jiifay ee aan hubsaday inay iga dul dhaqaaqeen ayay noloshii mar kale igu soo noqotay…. Madaxa ayaan xoog u lulay si aan u baraarugo….ka dib waan kacay iyada oo ay wali gacmaha iyo luguhu I gariirayaan, dhiiga iyo dhididkuna sida ceel durdur ah jidhkayga uga soo burqanayaan ”,

Isku soo wada duuboo dhacdooyinkan ayaa ah qaar isa soo taraya kuwaas oo ay dadkii khaatiyaan ka taagan yihiin budhcad dhalinyareedan /tuugtan oo ah kuwa maalinkasta la soo baxaya tab iyo xeelado cusub, oo maraya heer ay qofka ku qasbaan inuu Zaadkiisa sheego ka dib lacagta ugu jirta kala baxaan, kuwaas oo aan ilaa hada xal loo helin, waxaanan ka codsan lahaa gudida xaafaduhu inay la shaqeeyaan booliska si looga hortago dhibaatooyinkan oo ah qaar maalinkasta soo badanaya, hadii kale ay dhawici karaan sumcada dalka guud  ahaanteed, gaar ahaana nabada aynu ku caano maalnay, dhalinyarada arimahaasi ku dhex jirtana waxaan kula talin lahaa inay ka waantoobaan tuugnimaasi oo aanay ku sifoobin oo aanay naf -dhan oo ilahay agtiisa qiimo iyo qaayaba ka leh aanay ku dilin ama ku dhaawicin aduun yar oo kooban iyo mobile.

 Hana ogaadaan in shayga ay xaaraan ku qaataan aanu ka hadhayn noloshooda, maalinta aakhirana uu ku noqon doono dhinbiil dab ah, inay wax bartaan iyo inay cibaadada badsadaaana ku dadaalan. Ilahay ha soo hadeeyo wixii halawsan, tubta saxdaana ha garansiiyo.

Qalinkii: C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)
Email:samriye99@hotmail.com
Mobile: 4474468

N.B: Cabdifataax yare waa qallinlayda ku jirta warbaahinta Somaliland kuwa qallinkooda loogu xiiso badanyahay wuxuu hore uga soo hawl-gallay haayado waaweyn oo warbaahineed sida wergeyska Haatuf wuxuuna badanka ka faallooda arrimaha bulshada


This post has been viewed 547 times.

Categories: Editorial, featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright