Marka hore waxa aan salaan aan la koobi karin mareegta Internetka u soo marinayaa Bahda saxaafada oo u dhabar adeegtay turuturooyinka iyo jalaafooyinka ay u dhigayaa dadka runta in la sheego neceb, waxa aan lee yahay Geesi ma gaagaxo ee dadaalkiina siiwada. aan u soo noqdo ujeedada oo isgu jIrta, hoga tusaalayn, iyo Waano:-
Waxa aan dhegaystay dooddii BBC da ka baxday ee u dhaxaysay xildhibaan Waabeeyo iyo Siciid Cilmi Rooble taas oo u dhacday si aad iyo aad u quruxbadan, iftiimisana wax yaalo badan oo muu jinaya indho la aanta uu ku socdo Xildhibaan waabeeyo iyo Xisbigiisa kaas oo khalad fahmay xilkii iyo masuuliyadii loo doortay kana doorbiday in uu Madaxweynaheena uqaado heesaha ‘‘BADHBADHAADHNAY”, Waxa cadaatay in uu waabeeyo gudcur maagangooyo gudayo, waxa afkala qaad noqotay bulshada soomaliland markii uu yidhi ANSHAXMARINTII AAN KU QAADNAY INA CABDIRAXMAAN CABDIQAADIR AYAANU CID WALBA OO NAGA HORTIMAADA KU QAADAYNAA. Somalidu waxa ay ku maah maahdaa BIDOW ANIGU KUMAAN SHEEGINE CAMALKAA YAANU KU SHEEGIN !! Allay lehe waxa meeshaa ka soobaxay in masayrkii iyo dimiquraadiyadii somalilandba lagu tuntay ceel dheerna ay ku tuureen Siilaanyo iyo xisbigiisa KULMIYE.
Oo Wabeeyo uu illaaway kitaabkii quraanka ee uu ku dhaartay, Sharcigii dastuuriga ahaaba, iyo mujtamicii soo doortay intaba. Ninkan Pro Abdirahman Abdiqaadirkan aad halbeega wax lagu cabiro kaa dhigtay xisbiga Kulmiye dhexdiisana Waa nin ka sareeya waxaas Lakiin taadu waxay noqotay NAAGO NIMAY LAGDAAN KAMA KACAAN, oo Media kasta waxa aad ka leedahay shirkii golaha dhexe ee kulmiye Sidaas iyo sidaas ayaan samaynay illeen hadal O’kuma yidhaahdo! Waar shirku miyaanu ahayn kii qof waloo Dawaday Madaxa Gacmaha sooray fool xumadiisa ma koofeer ayaa lageeyoo dib ayaa loo soo qurxiyay?
Faras Qaayihiisii quruxbuu ka doorsaday, Waabeeyo Wax qabadakaagii iyo kartidaadiiba waxa ayku soo ururtay sidan: Bari ayaa waxa jiray Nin cali layidhaahdo oo aan ku fiicnayn talooyinka geedka ama xeerbeedtida maalintii danbe ayaa nin yidhi Waar ninkan aan geedka ka madnoocno iyo meesha rag isgu imanayo oo waayo markaasaa la yidhi, markaasuu ninkii ku jawaabay Marka Geela loo heesayo ayuu Goroyada u heesaa, markasaa nin Oday ah oo sifiican uyaqaan Cali yidhi Adeer daa ninkan Meel ayaa loo haystaaye, Markaasuu ku yidhi ninkii intuu indho kulul ku eegay odaygii ku yidhi Xaaji waa sidee, Markaa suu ugu jawaabay Maalinta aan la doonayn in ay wax hagaagaan, ama aynu doonayno shirka in lagu kala kaco ayaynu Odhanaynaa CALOW DHAQAAJI !!! Dabadeed waalagu kala dareerayaa meesha, Markaa Xukuumada Siilaanyo iyo Xisbigiisa Wabeeyo waxa uu ka yahay CALOW DHAQAAJI.
Waxa kale oo aan dareensiinayaa shacabka nabada jecel ee reer somaliland Xil Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaanada kale ee ka hadlay arrintii Garsoorka in aanay waxba ka danbayn Dhacdadii foosha xumayd ee lagu weeraray G/garsoorka, waayo somalidu waxa ay ku maah maahdaa Ninka wax ”SOO SOCDA GARAN WAAYAA WAX JOONA MA GARTO’‘ Warqaabkan ay wax u wado xukuumada Siilaanyo iyo Xisbiga kulmiye hadaan wax laga bedelin waxaan GOROYO HEER YAYSAN LA’ARKAYN, Bal SOOBAX BAA LA LEEYAHAYOO SACABKA AYAY LEEFAYSAA !!! Dhibtii oodhan Waxa ay dusha uga tuureen Xildhibaanadii yidhi waar taasi inama anfacaysee ka daaya arrinta sida Cadaalada ah, iyo nabadgalyada halagu dhameeyo.
MAYD MAXAA UGU DANBEEYAY IYO KAA LA SII SIDO, Waar dadkan iyo dalkani meel kale u guurimayaane ma suuliyiinta xukuumada, iyo Saladiintan ay wax u yiidhinaysaa haka daayaan dadkan ay Farta isgu fiiqayaan, waanu ogayn arrintii seemaal oo ay magacyo shaashadaha ka xaadirinayeen, tan iminka eedii oodhan xildhibaano sharaf, iyo karaamao umada ku dhex leh, in ay dusha u sareen markii ay ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan, kagana xuubsiibtaan eedaymo ay buun buuninayaan fartana isgu fiqaayaan beelaha walaalaha ah.
Waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkayga Maansadii Ibrahim Gadhle Illahay Janadii haka waraabiyee uu tiriyay: MAGACAAGU YUU NOQON MID XUMAAN KA MARA KACA (WAABEEYO) MASKAXDAADU YAY NOQON MAQAL LAGULA LEE YAHAY, YAAN TOBAN MUFTAAX IYO LAGU FURAN MASAABIIR HANA TALIN MA SIIBIYO WAX MAKH LUUQA KALA DILA.
Mohamoud Mohamed Abdilaahi
UK
This post has been viewed 318 times.






