Cadaalad Xumo Waa Nabad La’aan By Jamal Hassan

Posted by on Jun 13th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Dadku waxay ku kala socdaan oo kala wadda caddaaldda. Taa haddii la waayo qof walba gacantiisa ayuu ku qaataa gartiisa. Markaana waxa timaada nabad xumo. sidaa awgeed caddaaladu waa dawo lagama maarmaan ah.

Dadka toogashada ku sameeyay Gudoomiyaha maxkamaddda Hargeisa, Cabdirashid Duran, waxay kollay tirsanayaan in gartoodii loo diiday oo xoog loo sheegtay. Iyaguna xooggoodii uun bay isticmaaleen. Masuuliyaddas waxa iska leh maamulka siilaanyo.

Siilaanyo waa arday fiican oo muddo dheer wax ka baranayay Maamulkii Siyaad Barre.  Maantana waddadii buu marayaa waddanka waxa xukuma bahdiisa oo ugu talo galay inay maamul iyo dhaqaalaba faraha ku hayaan.

Halka dusha ee kursiga waxa fadhiya Siilaanyo iyo Hersi oo ku shaqaynaya magaca dadka  oo been ah.
shaadhkan ay xidheen waa mid dawlad loo tusayo dadka masaakiinta ah oon xatta cunto haysan Reer walbana
waxay ka soo xusheen dhawr qof oon damiir lahayn oo hunguri u nool ah.

Warshadaha waawayn iyo mashaariic oo dhan waxa faraha loo geliyay dadka Siilaanyo. Maanta woqooyi
wixii dhaqaale jiray waa la wada arkaa cidda gacanta ku haysata. Halkuu mary maalkii Mareexaan
iyo bootaynti?  isma waydiinayaan bahda Siilaanyo.

ciddii ka hor timaadda danahooga, maamulka waa laga qaadaa. Qaarkoodna danbiyo ayaa loo sameeyaa sidii ku dhacday
Ahmed Xamarji. Ahmed wuxuu diiday inuu amar ka qaato Hersi oo doonayay inuu Ahmed waxa kala qabto
 sida warshaddii sibidhka Dahabshiil ee Berbera loo meel marin lahaa.

Dadku markay kacdoon bilaabaan ay beenta iyo dulmiga diidaan waxa la isticmaalaa lacagta Dahabshiil.
Habeenkii waxa la qaybiyaa lacag la siiyo odayaal ku-sheeg la iibsaday.  Kuwaas oo immika waddan looga yaqaan
PREPAID, ama lacag lagu shubtayaal.  Odayaal ku sheegaas ayaa  meel looga diyaariyaa barnaamijyada telefishanka.
Dadka waxa la hadlaa kuwaas oo wax loo soo qoray oo keliya ah ku hadla illayn afkooda waa la iibsadaye.

Muddo dheer waxay dadka ku maaweeliyaan kelmedo immika layska wada bartay oo ah,
Nabadda ha la dhawro, Nabadda waa loo soo dhintay. Cadow badan baan leenahay ee dawladeenna
aan dhawranno. Xagguu jiraa cadowgan laygu khuukhinayaa ma walba, ma caruur baa dadku?

Odayaal ku sheegaasi xaggay joogeen markay Siilaanyo iyo maafiyadiisu cadowda dadka ahaayeen? Maxay maamul
xumada iyo musuqmaasuqa hore uga hadli waayeen? Maxay jeebkooda uun uga hadlaan ay maskaxdooda marka
horeba u istimaali waayeen?

Xoolo la urursada iyo xoog horay somali u arkeen inaan dawlad iyo dad lagu xukumi karin.
Caddaaladdu waa nabad, dawladuna qolo maaha ee maamul dad leeyay. YAA UU SHEEGI ?

Jamal Hassan

  jamal_hassan@hotmail.ca


This post has been viewed 453 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright