Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Cabatay Maxaabiista Budhcad Badeeda Ee Sychelles Usoo Gudbisay Iyo Maxaabiista Oo Cuntada Ka Soomay

Posted by on Jun 12th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)–Beryahan dambe waxa isa soo tarayay warar sheegaya in Maxaabiis ku jirta Xabsiga Hargeysa ay cunto ka soomis bilaabeen ka dib markii laga reebay Saamaxaad uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan u fidiyay 584 Maxbuus oo ku jiray Xabsiyada kala duwan ee wadanka.

Maxaabiista cuntada ka soomay oo awal hore tiradoodu ku koobnayd 2 Nin oo u xidhnaa Lacago dayn ah oo ay Ciqaab ku mutaysteen, ayaa hada tiradooda lagu daray sagaal ka mid ah Budhcad Badeeda Somalida ah ee Xabsigaasi ku jira, kuwaasoo u badan rag dhawaan lagu soo xukumay dalka Sychelles oo Somaliland xabsi ku hayn loo keenay.

Korodhka tiradda Maxaabiista Cuntada ka soomay ee Jeelka Hargeysa ku xidhan, waxa xaqiijiyay Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo shalay Wargeyska Waaheen Su’aalo ka waydiiyay warar sheegaya inay dhawr Maxbuus Jeelka Hargeysa cunto ka soomis ka sameeyeen, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi“Maxaabiista Cuntada ka soomay waxa weeyi Niman bari dhaweyd aanu ka keenay dalka Sycheals oo halkan la keenay oo dal-na aanu nagu siinin wax Raashin ah, dalkii laga keenayna aanu nagu siinin caalamku-na Raashin soo raacin, Maxaabiistaa in aynu inagu hayno oo aynu kagala hawl-galno dagaalka lagula jiro Budhcadbadeeda caalamka ayaa naluugu keenay, markaa kuwaynu inagu soo qabano iyo kuwa la keenaba duruufta ku dhaqi karnaa waa inay noqoto mid haboon oo aynu awoodi karno, kuwa aynu inagu Budhcadbadeed ku xukunay iyo ka Budhacadbadeed isaga oo ku xukuman la keenay iyo ka dambi kale oo xabsiyada loogu jira-ba galaa duruufta ugu wanagasan aynu u awoodi karnaa waa in aynu ku maamulnaa”.

Isagoo hadalkaasi sii wata waxa uu yidhi “caalamka wey ka dhacdaa Maxaabiis Cuntada ka sooma waanay ku dhintaan, marka uu isagu isu talin kari waayo ayaa la qulaamiyaa, marka uu afka ka qaadan kari waaya-na Xididkaa laga siiyaa in alaale inta lagu ilaani karo nolol-na waa la sameeyaa, marka-se uu isagu afkiisa xidho ee uu dagaalamayo ee uu doorto dhimasho, cidina ugu taagi waydo ax siin ilaa inta uu ka ogolaanayo liqida ama Xidid ha laga siiyo ama wax ha lagaasiiyee in la sugo weeyi intii lagu bad-baadin karayo”ayuu yidhi.

Wasiirku waxa kaler oo uu cadeeyay in Maxaabiis laga soo qaaday Gobolka Sool oo wali Eedeysanayaal ahi Xabsiga Hargeysa ku jiraan, kuwaasoo aan wali Cadaalada la horkeenin “Laascaanood Rag (Maxaabiis) baa jiray ka soomay Cuntada, waxay uga soomeen Maxkamadd ha nala geeyo, waxaanay ahaayeen Raga loo tirinayay inay Maxkamaddihii meesha ka saareen, marka Maxkamaddii awooda u lahayd oo halka Kiisku ka dhacay wax ka xukumi lahayd ay baaba’do , laba iyo afar is xiga-ba la dilay ee meesha ay ka baxday, hadda-na leh maa Maxkamadd la i saaro gar u yeelan maayo. Maxkamadd waxa uun baa lagu saari karaa halka uu Kiisku ka dhacay, ilaa ay imikay dib u kaliftay in Xabsiga Laascaanood dib loo dhiso mooyeene Maxbuuskii in aan dib loogu celin karayn Maxkamadd in la saaraana ay ku xidhan tahay in halkiisii dib loogu celiyo, duruufi markay kalfito ee Xabsi lagu hayo-na la waayo Maxkamaddii xukumi layhaydna meesha ka baxdo yaa lagu eedayn karaa inuu xaqiisii seejiyay”ayuu yidhi.

Somaliland ayaa horaantii sanadkan gashay Heshiis Caalamiya ah oo ku saabsan xabsi ku haynta Budhcad badeeda, kaasoo wakhti yar ka dib markii madaxweyne Siilaanyo Saxeexay dalka loo soo dhoofiyay raxan Budhcad badeed ah oo laga keenay Dalka Sychelles.

Heshiiska ay Somaliland ka gashay haynta Budhcadaasi oo horeba looga dayrinayay Faa’idada ugu jirtin xukuumaddii qalinka ku duugtay bilo yar ka dib cabasho ka muujiso nolosha ragaasi lagu soo wareejiyay, waxaanay taasi saamaynaysaa dhamaan dhinacyadii ku lug lahaa fududaynta arintaasi oo Golayaasha Xeer-dejint ka mid yihiin.

Xigasho Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 329 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright