Ciidamadda Booliiska Oo Ka Amar Qaadanaya Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Oo Saaka Danbabaray Guri Uu Degena Nin Mujaahid Ahaa C/qani Guun Iyo Sallaadiinta Hargeysa Oo Goobta Soo Gaadhay “Waa Maxay Waxani shallay ayey Hargeysa ka dhaceen, maantana..”

Posted by on Jun 12th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Ciidamadda Booliiska oo ka amar qaadanaya Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland iyo Wasiirka diinta iyo awqaafta ayaa saaka danbabaray guri uu degena Nin ka mid ahaa halgamayaashii Ururkii SNM, gurigaasi oo ay degenayeen isaga xaaskiisa iyo lix caruur ah oo uu dhallay, gurigaasi oo ku yaalla xaafaddii Hindiyo Lineka ee caasimadda Hargeysa

Ka Dib markii ciidamadda Booliisku goobta soo gaadheen isla markaana ay gurigaasi ku bilaabeen inay ku dul dumiyaan Mujaahid C/qani Guun iyo qoyskiisa ayaa waxaa halkaasi soo gaadhay salaadiinta gobolka Hargeysa oo uu hor kacayo Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal oo ka hor joogsaday ciidamadda Booliisku inay gurigaasi wax dhaawac ah sii gaadhsiiyaan.

Suldaan Xasan oo warbaahinta kula hadlaayey goob u dhaw gurigani ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo Wasiirka Diintu inay ka danbeeyeen in sida foosha xun loola dhaqmo ninkaasi mujaahidka ah “axaa mujaahidkaa isaga iyo caruurtiisa guriga laga soo dareeriyay loogu amar ku taagleeyay  shaadhkii dawlada, taasi oo aanay xukuumada ka istaahilin mujaahidiintii dalka u soo halgamay, iyaga oo xurmo iyo sharafba inaga mudan, ninkaas oo boqol jeer u soo dhaawacmay dalkan kuna suntanaa dadkii taariikhda ku lahaa halganka. gurigan wuxuu ku jiray muddo 21-sano ah, gurigu waa guri dawladeed dawladuna xaqbay u leedahay, sharci hore oo xukuumadii hore ay jidaysay ayaa dhigaya dadka in aan cidlo lagu daadin xaasaska iyo caruuraha ku jira guryaha dawlada ee wax u dhigma waxa  ay maanta hayaan taas oo ay wax ku kaban karayaan in la siiyo” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan.

Suldaan Xasan oo hadalka sii wada wuxuu yidhi “Gurigan aynu arkayno waxaa saaka ciidamada booliska Somaliland ay ka dareeriyeen oo dibada u tureen Muj. C/qani Guun iyo xaaskiisii iyo caruurtiisii ayaa dibada looga saaray, isaga oo ka mid ahaa mujaahidiintii dalka u soo halgantay ee xaqa ku lahaa,  qadiyadaas oo ay ka danbeeyeen guddida rugta ganacsiga oo uu ugu horeeyo guddoomiyuhu, waxa kale oo goob joog ka ahaa wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland iyo xubno kale oo ganacsato ah oo muhiim ah”

Suldaan Xasan isagoo aad u cadhaysan wuxuu sheegay in Hargeysa loogu tallo gallay in fawdo iyo qas laga dhex abuuro isagoo ku eedeeyey cidda waxaasi samaynaysa inay ugu horeeyaan masuuliyiintii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isagoo taasi ka hadlayana wuxuu yidhi “?Maanta ayay Haraysa wax ka dhaceen, shalay  ayay ka dhaceen masuuliyiin ayaana sababaysa, masuuliyiinta noocaas ah ee sababaya in dhiig bini?aadam daato wax xal loo helayo ma aha aad iyo aadna waanu uga xunahay, waxaanu madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ugu baaqaynaa in uu si deg deg ah wax uga qabto ninka guddoomiyaha rugta ganacsiga ah iyo wasiirka diinta iyo awqaafta, ee mansabkii dalka ugu sareeyay ee cadaalada haya, oo aanu maanta kala kulanay  arrimo waayeelnimo iyo odaynimo ku jirin, oo aad arkaysaan sida ay bacadk u wadheen dadkii dalkan u soo halgamay”

Dhacdadani oo maanta sababi gaadhay in gacmaha la iskula tago ayaa ah tii labaad oo maalin ka dib ka qarxi gaadhay caasimadda Hargeysa ka dib shallay markii subaxii hore la toogtay Guddoomiyaha gobolka Hargeysa Cabdirashiid Duraan, masuuliyiinta Xukuumadda Siilaanyo ayaa la tacaalaya inay si hagaagsan ula dhaqmaan shacabkii ay xilka u hayeen

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 867 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright