· Tixgalinta Caruurta iyo Ubadka Mustaqbalka
· Tixgalinta Hadii Ladoonayo Bulshada Waxtara
· Tixgalinta Waxbarashada Ubadka iyo caruurta Dhalaanka
· Taxgalinta Xaquuqda Ubadka
· Taxgalin Waxbarashada Bulshada iyo tacliinta.
Ku: Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare
Ku: Dhamaanba Bulshada danaysa wax barashada
Ku: Golayaasha qaran
Ku: Haayadaha Caaligaa
Ku: NGO Local
Ku:Dhamaanba bulshada dagaanka Balidhiig.
Dhamaan waxa waajib inaga saran yahay yar iyo waynba waalidiin iyo masuuliyiinba xukuumad iyo bulshaba inaynu tixgalino horumarka wax barashada taas oo aynu ku gadhi karo masiirka umad caafimaad qabta tayo leh tacliinleh aduun yaduna waxa ay ku gaadhay dayaxa iyo daruuraha wa tacliin inagana waxa inaga reebay waa tacliin la,aan.
Dhammaan xubnaha iyo inta danaysa horumarrinta bulshada Somaaliland siiba deegaanka ay ka kooban tahay degmada balidhiig , waxaa muddo dheer ka socdey dedaalo lagu horumarinayo nolosha bulshada ku dhaqan dhulkan ballaadhan.
Dedaalkaas oo ku aadan dhinacyada wax barashada, caafimaadka , biyaha iyo ammaanka ayaa hadda gaadhey meel fiican loona baahan yahay in halkaas uu ka sii socda , haddaba hadda baahiayaha uga waaweyn ee deegaankaas ka jiraa way tirro badan yihiin waxaase aad loo dareemayaa dhianacyadaa aan nolosha aadamiga looga maarmayn sida helitaanka biyo nadiif ah oo deegaankani yeesho, caaafimaadka iyo waxbarashada ayaa iyana hadda ay ka jirtaa baahi weyn.
Haddaba ururka balidhiig development trust oo muddo dheer gacanta ku hayey hawlahan ayaa wxuu dowladda Somaaliland iyo xubnihiisaba uga baaqayaa inay xooga saaraan sidii loo dabooli lahaa baahiyan baahsan ee deegaankan haysta , arrinta labaad ee loo bahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto waa baahiyaha dhanka wax barashada oo sanadkan la filaayo in araday tiradoodu dhan tahay 200 oo arday ay soo dhammaysan doonaan waxbarashada fasalada 8aad ilaa hadana aan loo hayn dugsi sare oo deegaankani leeyahy marka laga reebo dugsiga sare ee ku yaal magaalda balidhiig oo hadda lagu dhigto maalinle day school sidaa darteed ayaa loo baahan yahay in deegaankan laga dhiso dugsi sare oo hoy leh (Boarding SCHOOL) Baaqani wuxuu toos ugu socdaa loo jeedinayaa wasaarada waxbarashada gaar ahaana Wasiirada waxbarashada iyo Hidaha & Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aaden ee Somaaliland inay arrinta si deg deg ah wax uga qabato aradaydaa dhan 200 ee dalka faa’iidada badani u jirtana loo dadaalo hala loogu hello inta ka horeysa fasaxyada iskuulada ee sanad dugsiyeedka 11/12ka .
-
Dugsiga U baahan Ingalaasyo lagu daro xadidka ardayda oo badan
-
Qolalka Hurdada oo aad ugu yar Ardayda aanay hasayn meel ay seexdaan.
-
Qolalka Hurdada Macalimiinta oo aan isna jirin oo banaanka seexdaan.
-
Agabka Ardayda iyo qalabka waxbarasho oo isna aan jirin aad u hooseya
-
Iskuulka oo aan haysan Biyo ku filan
-
Ardayda oo maalinba maalinta ka danbaysa siibadanaysa.
Waxa kaloo baaqani Kusocdaa Dhamaanba Haayadaha caalamigii iyo NGO iyo dhamanba inta danaysa waxbarashada sidii loogu tuun tuun sanlahaa daboolida baahiyaha wax barashada ee ka muuqda dagmada Balidhiig oo koobsata 22 Tuule oo dhamaan ay u dhan yihiin dugsiyadii Hoose Dhexe sidii loogu helelahaa Dugsi ay ku xaroodaan maadama ayna u lahayn awoow inay gadhaan magaalada Burco waalidiintooduna tahay kuwa xoolo dhaqataa.
Allaa mahad iska leh.
Baaqan Waxa soo saaray Gudida Uururka Balidhiig district devolopment Trust.
Uururka Balidhiig district devolopment Trust fadhigooduna yahay Magaalada London bassed UK.Contact http://www.balidhiig.com/
Tellkoonka (0044)07957738376
This post has been viewed 220 times.









