Dhacdadan lagula kacay gudoomiyaha maxkamada Gobolka maroodi jeex mudane,cabdirashiid Duraan waxay ina xasuusinaysaa dhacdooyinkii wada jirka lagaga soo gudbay ee wakhtiga iyo hantida lagu soo lumiyay,waxay ina xasuusinaysaa geesiyaashii geeriyooday ee godka madaw ku riday ficilada noocan oo kale ah.waxay dad badan ku noqonaysaan riyo murugo leh iyo dib milicsi tiiraanyo leh waayihii nabadan magooshay loosoo maray.
Waxay sheeko ku noqonaysaa da,yarta quruxda san ee nabada ku soo caano maashay waxaanay doc wareen cabsi leh ku noqonaysaa intii usoo joogtay waayihii sagaa shamaadkii iyo ficiladii bahalnimada lahaa ee dhiigu faraxalka inoo ahaa Aabayaasheen suunku dhexda u jaray sidii ay u sibir gooyeen, ILLAHAYNA lagarab qabtay [intii dhimatay Alle ha unaxariisto inta noolna danbigooda ha dhaafee].
Dhacdadani waxay hoos udhigaysaa miisaanka nabadgalyo ee Somaliland iyadoo cabsi mugleh ku beeraysa muwaadiniintan qorigii ku bedalay qalinka ee aan marnaba ku soo toosin in qalin mooyee qori la isku xanuujin iyadoo bixinaysa sawir aad u fool xun oo nolosha muwaadinka xilka haya argagax galinaysa una diidaysa inuu si daacadnimo ah ugu adeego bulshadiisa oo ay ku abuuri karto habrasho ugub ah.waxay si gaar ah u taabatay haayada cadaalada oo ay kalsooni daro ku alifi karto iyagoo dareenka gaarka ah la wadaagaya dhigooda ay arintani haleeshay oo sida kalsoonida leh ee uu usocon jiray daaqada looga soo dhacay waxna iska badeli doonaan ama ay amaan buuxa oo ay ku diirsadaan uga dhursugaan sida ay hadba xukuumada Axmed siilanyo uga ficil ciliso oo ay ciqaab adag mutaysiiso cidii falkan ka danbaysay casharna ugu noqda cidkasta oo isku dayda falkan oo kale.
Waxay arintani quluubta shacabka Somaliland ku dhalisay markii ay maqleen dhacdadan jahawareer iyo khafiif nabadgalyo daro oo soo if baxday daawo adagna u baahan iyadoo aad dareemayso guuxa iyo sawaxanka su,aalaha bilaa jawaabta ubadan iyadoo inta badan la iska waydiinayay telfoonada gacanta waxaa loo sheegtay masuulkan.
Warkan lagu waaberiistay 11/06/2012, oo si buuxda loo wada fahmay in muwaadinkan oo ku abtirsanayay wasaarada cadaalada dablay aan haybtooda la garan salaadii subax u galeen meel udhaxaysa gurigiisa iyo masaajidka islamarkaana ay rasaas ku fureen iyagoo ugu talo galay inay qudha ka jaraan laakiin nasiib wanaag ka haleeshay meel sahlan oo qoorta ay ka jiidhaysay islamarkiibana la baahiyay inuu dhaawiciisu fududyahay.
Markiiba waxay shacabku fasirteen falkan wixii sababay oo ay u badiyeen inay la xidhiidho shaqadiisa oo ah laanta cadaalada taasoo ay farta ku fiiqayaan kiisaskii ugu dareenka adkaa ee ay maxkamada Gobolka uu masuulka ugu sareeya ka yahay ka garnaqday,xukuna ku riday taasoo baadhitaanada laamaha arintan baadhisteedu khusayso laga dhur sugayo inay meel ku tiiriso.
Si kasataba ha ahaatee,shacabka soomaaliland waxaa looga fadhiyaa inay kala shaqeeyaan ciidamada amaanka sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dabiilayaashii falkan gaystay, waxaana balan inoo ah inaan wada jir arintan kaga gudubno.
Abdirashiid SH c/wahab SH Ibrahim [biqil]
Ganni94@hotmail.com , biqil123@gmail.com
tell: 9101710 somtel, 4620929 telesom
This post has been viewed 229 times.






