Xogo Ku Saabsan Maal-gashiga Somaliland Qaybtii 1-aad Oo Ka Hadlaysa Shariikadda Somcable

Posted by on Jun 10th, 2012 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Taxane soo Gudbinaya  Xaqiiqooyinka Maalgeshiyada Xukuumada Siilaanyo la Curtay, Sida Somcable, Wershada sibidhka berbera, Coca cola company iyo Qaar kale

QEYBTII 1aad

SOMCABLE

Eassy submarine cable waa xadhigaa  cable-ka  wadamada bariga afrika ku xidhaysa aduunyada inteeda kale waana  xadhig, mudo dheer socday lagana soo qaaday magaalada Mtunzini ee koon fur afrika ilaa port sudan ee dalka sudan , xadhigani oo dhererkiisu yahay 10,000km waxu soo maray geeska afrika oo lagu xidhay xarumo ku yaal beriga (landing stations) in ka badan sagaal meelood oo xeebaha bariga afrika ah,
Eassy submarine waa cable ugu heer sareeya wadamada sub-saharan, kaasoo gudbiyada 4.2 terabit/second  ( 1 terrabit waxu u dhigmaa 1000 gegabit

Waxa markii hore aas-aasay shirkado isgaadhsiina oo badi ka shaqeeya afrika kuwaasi oo ku midoobay magaca WIOCC kaasoo u taagan West Indian Ocean Cable Company
Shirkadani WIOCC  92% waxa leh afrikaan, halka 8% na ay leeyihiin shirkado  caalami ah
Mashruuca WIOCC waxa ku baxay lacag dhan $235 million ,  waxaana maal geliyey bangiyo badan,
Kuwaaso kala ah, bangiga horumarinta afrika (ADB), banigaga horumarinta Yurub (EIB), bangiga horumrinta jarmalka (KFW), iyo banigaga horumarinta faransiiska (FDA)
Shirkadaha isgaansiineed ee ku midoobay WIOCC waxa kamid ah

  1. Uganda telecom
  2. U-com brundi
  3. Zantel
  4. Telkom Kenya orange
  5. Libyan post, Telecom , & IT company
  6. Lesotho Telecomunication Authority
  7. Onatel brundi
  8. Telone Zimbabwe
  9. Seychelles cable system company
  10. Gilat sitcom Nigeria limited
  11. Botswana tellecomunications corporation
  12. Djibouti telecom
  13. Dalkom

SOMCABLE:Waa shirkada qaadatay mashruuca soo jiidida submarine cable laga soo qaadayo jabuuti lana keenayo Somaliland kaasi ooY ku sheegeen inuu marayo  laba waji

  1. Submarine cable laga soo jiidayo Djibouti lana dhigayo berbera iyadoo la dhex marinayo bada
  2. Ka labaad oo ah mid isaguna la marinayo dhulka

Waxanay habkani ku sheegeen in hadiiba mid uu guuldaraysto uu ka kale shaqeeyo
Shirkda somcable waxay sheegtay mashruucani inay ku maalgelinayso qadar lacageed oo dhan  $35 million Us dollar,  kana shaqaalo galayaan dad ay ku qiyaaseen 10,000. oo qof

Waa arin wanaagsan in cable soo gaadho  Somaliland, taasi oo dadweynahuna aad usoo dhoweeyeen , mudana naawilayeen shirkadaha ganacsiga iyo goobaha waxbarashaduba inay helaan adeeg internet oo lamid  ah ka caalamiga , balse waxay Hadal ka taaganyahay xaqiiqada shirkada Qaadatay qandaraaskani muhiimka u ah dalka oo ah shirkada somcable
Shirkada somcable oo la aasaasay taniyo markii dhegaha dadkeena kusoo dhacday imaatinka cable-ka waxa leh ganacsade reer Djibouti ah balse isir ahan kasoo jeeda Somaliland oo ah Mohamed aw sa’eed, waxana markiiba khilaaf ka dhashay cida qaadanaysa taasi ooy laba shirkadood tartan u gallen kuwaso kala ah somcable iyo dalkom, aakhirkiina waxa si indho ka lalis ah loo siiyey Shirkada somcable oo in badan garabtaagnayd xukuumada hada ee madaxweyne siilaanyo hogaansho  xiligi ololeha

Intay xilka haysay xukuumada siilaanyo waxay gashay murano aan hore dalka uga dhicin inagoo soo marnay murano siyaasadeed ( xisbiyo, ururo ama siyaasiyiin dhex mara), murano dhuleed (beelo ku dagaalama deegaano, ama muran xuduuda gobolo) balse ay ugub inagu ahayd murano ganacsi ama dhaqaale oy isu hayaan shirkado damacoodu yahay maalgeshiyo taasoo aynu tusaale usoo qaadan karno, murankii Mashruuca cableka, warshada sibidhka berbera, maxjarada berbera, Haamaha shidaalka iyo Eryidii Shirkada Total

Waxana muranadani sabab u ah, iyadoo xukuumada siilaanyo aanay wax tixgelin ah siinin ama aanay tixraacin heshiisyadii maalgeshi ee xukuumadii rayaale iyadoo gabi ahaanba laashay , kuna bixisay nin jeclaysi iyo abaal-gudnimo , waxana arintaasi kasoo baxay dhaliilo iyo arimo khashifmay oon xaqiiqada ku jirin
Waxa mashruucan cable-ka qaatey shirkada somcable , iyadoon ahayn shirkad hore usii jirtay  , kana mid ah shirkadaha ku bahoobay eassy submarine  ee woicc, kana mid ahayn gudideeda isla markaana aan wax wada shaqayn ah la lahayn, waxase in badan oo idinka midi is weydiinayaa hadaba sideebay ugu suurto galaysaa inay cable-kaasi keento Somaliland maadama aanay wax xidhiidh ah la lahayn shirkadahaasi wada mashruuca wadamada bariga afrika ee EASSY submarine cable

Arintani Ogaanshiyaheedu waata soo if bixinaysa xaqiiqada somcable loo aas-aasay iyo cida iska leh, iyo sababta loo aas-aasay
Shirkada eassy submarine cable ku bahoobay waxa kamida ah sidaan kor kusoo sheegnay labada shirkadood ee dalkom iyo Djibouti telecom, kuwaasi oo iyagu loolan qarsoon oo adag u galay qaadashada cable-ka Somaliland,  iyagoo labaduba ka kala socda laba wadan oo Somaliland la jaara oo kala ah , Djibouti iyo Somalia
Hadaba suurto-gal may ahayn in Djibouti telecom gasho tartankasi maadama ay tahay shirkad isgaadhsiined oo Djibouti leedahay, iyadooy jiraan shirkado kale oo isgaadhsiined oo Somaliland ka jira kuwaasi oo adeegyada qaar kaga horeeya  Djibouti telecom,

Sidoo kale shirkada dalkom waxay is dhacsiisay inay ka helayso tartanka ay kuwada jiraan Djibouti telecom, maadama ay iyadu uga dhowdahay matalaysana Somalia, Somaliland-na ay caalamka u calaamadsantahay inay tahay gobolo kamida Somalia, sidoo kalena aan arkin damac ka yimid shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland isla markaana, shirkada Telesom oo ah shirkada ugu weyn Somaliland ee isgaadhsiinta u tirsanaysay mataankeeda

Waxa markaliya Fajac noqday in la maqlo magaca somcable oo lahaanshaheeda ku suntahay ganacsade weyn oo aad looga yaqaan geeska,  waana hubaal inay ahayd shirkad markaasuun la aas-aasay oon hore ugu shaqayn jirin isgaadhsiinta Somaliland iyo Djibouti , sidoo kalena aan hore uga hawlgelin mashruucyoada cable-ka , shirkadani oon ku jirin shirkadaha bariga afrika keenay mashruucani , kuwaasoo aas-aaska cable-ka  ugu midoobay.

Waxa markiiba Djibouti inooga timid shirkada Djibouti telecom oo ku guulaysatay mashruuca cable-ka ee Somaliland , madaxweynahuna kooto ugu xidhay , baarlamaankuna uu ansixiyey waxayse shirkadani timid iyadoo ku dahaadhan magaca somcable adeega iyo hawlqabashaduna ay tahay Djibouti telecom, taasi oo ah farsamo cajiiba ooy u adeegsatay ka midhatalinka inay ka guulaysato Shirkada dalkom Somalia ee iyadu is dhacsiisay kana calfatay xukuumadii riyaale balse Rogaalcelis looga qaaday

Mashruucani ooy mudo hada ay waday somcable waxa dhaliilo ku yimaadeen laba qodob ooy dadka ku beer laxaw sanayeen kaaso ah in shaqaalaheedu noqonayan dadka deegaanka ama somalilander, waxana hada ka hawlgala shaqaalo in ka badan kala badh ay yihiin reer Djibouti kuwaso ka tirsan shirkada Djibouti telecom, qodobka labaad oo ah waxay sheegtay in soo jiididu ay tahay laba weji mid dhulka la marinayo iyo mid bada ah, waxana guuldaraystay kii bada la marinayay saldhigna looga dhigayay berbera , waxase ay qabyo tir ku dhowyihiin kii dhulka marayay, waxana qodobkaasi cadaynaya  iyagoo kuba dhawaaqey in dhowaanahan faraha laga qaaadayo iyadoo aanay uba dhaqaqin kii bada la marinayay

waxana hadaba xaqiiqadu tahay in aad is weydiiso su’aalahan, kadibna jawaabaha kuusoo baxaa ay indhaha kuu dilaacinayaan xaqiiqada ah in Djibouti telecom oo magaca somcable sidataa ay wado mashrucan

  1. Somcable ma  ahayd shirkad isgaadhsiineed oo hore u jirtay somaliland/Djibouti ?
  2. Mase ahayd shirkad hore uga soo shaqaysay mashruucyo caynkani oo kale ah ?
  3. Maku jirtaa aas-aasayasha eassy submarine, gudidase wiocc-ga ma ku jirtaa, mase tahay xubin kamida  liiska shirkadaha wada mashruucan ay maalgeliyeen bangiyada kor ku xusan ?
  4. Lacagta ay soo bandhigtay somcable ee ah $35 million , xagay galeen, mase xustay somcable in mashruucani badh ahan ama saddex meelood meel ay maalgeliyeen bangiyada kor ku xusan
  5. Ma tahay mid la tartansiin karo shirkada dalkom iyo somcale oo iyadu mashruca horteed yar uun la aas—aasay iyo dalkom oo iyadu ah xubin/gudi/aas-aase  shirkadaha ku bahoobay eassy submarine ee woicc ?
  6. Maxay xukuumada siilaanyo ku doorbiday somcable ? Maxaasu rayaale ku xushay Dalkom,

Qodobadani ma aha kuwo aan taabacsanahay In mashruuca qaadashadiisu ku haboonayd Dalkom, Tartankoodii horena Dadku u arkayeen Shirkad wadaniya(somcable) iyo Shirkad ajnabi ah( Dalkom) balse xaqiiqadu tahay inay kala doorashadu ahayd laba shirkadood oo ajnabi ah oo kala ah Djibouti telecom iyo Dalkom

Cidna kama xuma in Djibouti telcom ay inoo soo jiido xadhigani waxase waxa lala yaabo ah in khiyaamada intaa leeg loola hor yimaado bulsho dhamaystiran oo leh aqoonyahan, indheergarad, waxgarad , siyaasiyiin, iyo masuuliyiinba

Sidaynu hore kusoo sheegnay in hawlqabashada mashruucani ay wado Djibouti telecom waxa daliil cad kuugu noqonaya in Midow-ga shirkadaha isgaadhsiinta bariga dhexe ee mashruucani wada jir uga fulinaya bariga afrika aanay u diiwaan geshanayn shirkad la yidha somcable oo Somaliland cable-ka keenaysa , isla markaana aanay meelna uga xusnayn, sidoo kale Ilaa hada bulshadeena ma oga habka ay shirkada somcable u wado mashruucani , ciday ka wada shaqeeyaan manay bixin tafaasiil ku saabsan  Mashruucan waxaan ka ahayn qodobada an kor kuso sheegnay ee beerlaxawsiga u badan

Tixraac: http://www.wiocc.net/, Sidoo kale Booqo barta Eassy submarine kana bogo hubsiimada Xogtani http://www.eassy.org/about.html

Waxa in badan oo idinka midi ay xasuusanaysaa in asbaabaha ay xukuumadu mashruucyada dalka kooto ugu xidho shirkado ka duwan kuwii  rayale siiyey ay tahay mid ay ku qarsoon tahay  ABAAL-GUDNIMO

LASOCO:

C/qaadir Cabdi Xasan

Hargeisa, Somaliland

Tell: 457 9445

E-mail: raam006@hotmail.com


This post has been viewed 827 times.

Categories: Editorial
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright