Jahawareer Maamul Oo Ka Jira Degmada Allay-Baday Qallinkii Abdirashiid SH c/wahab SH Ibrahim [biqil]

Posted by on Jun 10th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Gudoomiyaha degmada Allaybeday Da,ud  xuseen jamac [foodcade] oo xilka kala wareegay 01/01/2012,  Mudane:Cabdirisaq SH C/Lahi ayaa xaflada xilwareejinta lagula kala wareegay hanti dhan 58,000,000, oo warqad juwan ah ku go’day saxeexna lagula kala wareegay. Taasoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka socota Gobolka Gabilay oo uu ugu horeeyo badhasaab  ku xigeenka Gobolka Gabiley  Cali Cabdi c/laahi .

maalmo yar dabadeed waxaa dhacday in Da,ud foodcade dafiro islamarkaana si waadax ah u sheego in aanay lacagtaasi jirin ee ay ahayd wax afka uun laga sheegay,waxaana dhacday in lawada maqlo oo cadaynteedii la raadiyo,islamarkaana ay gaadho ilaa wasaarada arimaha gudaha,taasoo markii danbe la ogaaday inay jirto sida uu cadeeyay gudoomiyaha aqoontu ku yartahay ee foodcade oo uu sheegay inay faham la,aani ka haysatay ducumantiyadii lagu wareejiyay oo uu helay cid u fasirtay haseyeeshee aanay sidaa ahayn ee ay isaga iyo badhasaab ku xigeenka gobolka gabilay ku heshiiyeen inay lacagtaa lunsadaan iyagoo ka faa,iidaysanaya kala wareega maamul ee degmada Allaybaday.

Degmada Allaybaday oo ka mid degmooyinka hoosyimaada maamulka  Gobolka Gabilay ayaa waxay la daalaa dhacaysaa wakhtigan maamul xumo iyo hanti lunsigii ugu balaadhnaa iyadoo markii horeba lahayn dhaqaale buuran ayaa hadana waxaay hooy unoqotay ashkhaas aan lexejeclo ka qabin oo afka gashada wixii soo galaba waxaana taa u daliila kaw iyo labaatankii billion ee igu danbeeyay ee kabka Degmada Allaybaday loo sii daayay oo aan gaadhin degmada laguna kala qaybsaday Hargaysa gudaheeda  [21000000 ].

Gudoomihii hore ee degamda Allaybaday ayaa waxaa la sheegaa waxyaabihii lagu bedalay inay ahayd isagoo laf dhuun gashay ku noqday shaqsiyaad ku mabay kabka degmada oo intay ku qaybsadaan hargaysa jeebka uun ku kala shubta kuwaasoo wareer balaadhan ku qaaday sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen una maray wasiirka hada wasaarada maaliyada jooga oo ay ugu horeeyeen maayirkii hore ee Golaha deegaanka Gabiley khadra x Gaydh iyo badhasaab  ku xigeenka Gobolka Gabiley cali cabdi c/lahi oo ay meel ay u maraan waayeen wax loogu yeedhay biilka  xaaraanta ah oo ay ka qaadan jireen lacagta kabka ah ee degmada loogu talagalay.

Lacagta kabka ah ee degmooyinka loogu talo galay in lagu horumariyo ayaana degmada Allaybaday gaadhin abidkeed intii ay jirtay  marka laga reebo intii uu joogay gudoomiyihii hore cabdirisaq sheikh cabdilaahi oo ahaa shaqsi ku adag sharciyada iyo inuu tusaale unoqdo kuwa ka danbeeya laakiin ay imika muuqato inaanay taasi suurta galin ee ay godmadaw ku soo dhacayso oo ay ku bahoobeen gudoomiyaha hada jooga degmada Allaybaday iyo badhasaab  ku xigeenka Gobolka Gabilay oo ka soo jeeda degmada Allaybaday.

Waxaa hadda Degmada Allaybaday ka jira jahawareer maamul oo gaadhay in gudoomiye ku xigeen degmada iyo gudoomiyuhu kala jabaan oo aanay wax wada shaqayna ahi u dhexayn,xoghayuhuna shaqada iskii uga tagay markii ay wada shaqayn kari waayeen gudoomiyaha,taliyahii  saldhiga degmada ayaa la sheegay inay maryo dhiigleh kala furteen gudoomiyaha taasina ay sababtay inuu gudoomiyuhu u hawl galo sidii uu u badeli lahaa taasina ay usuurto gashay lana badelay.

Xoghayaha shaqada ka tagay ayaa hadda uu badelkiisii ku jiraa isagoo isku halayn ka qaba badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley inuu badelkiisa keeno xoghayaha waanu badelayaa  isagoo xeerinaya danaha khaaska ah ee ka dhexeeya,  iyadoo laga dayrinayo habdhaqanka gudoomiyaha ka dab qaata badhasaab  ku xigeenka Gobolka Gabiley cali cabdi c/lahi iyadoo degmadu marayso halkii ugu hoosaysay oo mararka qaarkood xafiisyada degmadu xidhanyihiin

isagoo gudoomiyuhu inta badan joogo Hargaysa iyo xafiiska badhasaab  ku xigeenka Gabiley oo aan marna iska garab kicin ee ay ka wayn tahay danta uu ku qabo iyadoo gudidii degmada Allaybaday ee  ka koobnayd odayaal biri ma gaydada  ahayd bur bureen kana biya diideen nidaamka maamul ee ka jira degmada oo ay u arkaan mid ay cid ku danaysanayso ee aanu eegayn danta degmada iyo umada ku dhaqan ee uu cidii la hadashaba ku odhanayo waan ku xidhayaa iyo anaa meesha ka taliyee adigu kama talisid waxaana dhacday oo lawada maqlay inuu xidhay odaygii biri magaydada ahaa,maayirkii ugu horeeyay ee degmada Allaybadayna ahaa maxamud yousuf cige islamarkaana gudoomiye u ahaa gudida degmada Allaybaday oo lagu tilmaamo tiirka ay degmada Allaybaday ku taagantahay isagoo xadhigani qaawiyay xigmad la,aanta,salfudaydka  iyo nugeeylka maamul ee ilaa xad ah ee degmada ka jira ee aan bisayl masuuliyadeed ka muuqan.

waxaana muuqata inuu Daa,uud foodcade ku haftay hagista maamul wanaagsan oo ka hana qaada degmada Allaybaday oo ay ifka uga soo baxday aqoon daro ilaa xada oo abtirsatay taasoo daaha ka fayday masuuliyiintii xilkan usoo igmaday inaanay u danaynayn degmada ee ay meesha u dhigteen oo keliya inay dano ka fushadaan.

Abdirashiid SH c/wahab SH Ibrahim [biqil]
Ganni94@hotmail.com , biqil123@gmail.com
tell: 9101710 somtel,   4620929 telesom


This post has been viewed 370 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright