Xildhibaan Waabeeye Xisbigii Kulmiye Ma Wuxuu U Qaatay Xisbigii Hanti-wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed

Posted by on Jun 8th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Had iyo goor waxaa iska caado noqota markay xukuumadi ka baydho sharciga iyo nidaamka wadanka u yaala waxay qardo jeexdaa dariiq aan ku haboonayan in umad lagu hagi karo waxaanay cadaysataa keli talisnimo, amar ku taaglayn, cabudhin dhinaca xoriyatul qowlka iyo sharciga iyo nadaamka dalka u yaal oo ay ka isticmaasho inta iyada danteeda ka khuseeya wixii xakamayn ku noqon lahaana way laashaa oo qaynuunka dalka u yaalba iyo dastuurkaba way ka saartaa, kadib waxaa meesha soo gala hebel xidh, yaan cidi hadlin, yaan dhaliilahayga la sheegin IWM,
 
hadaba intii ay xukuumada siilanyo xilka la wareegtay waxay markii ay xilka la wareegtay dalka ka bilowday inay barnaamijkii ay dadka u akhriyaysay markii ay xisbiga mucaaridka ahayd ay ka baydho oo ay dalka ku xukunto midkale oo ay jeebkeeda kala soo baxaday oo kii hore ay u sida tay ka hor imanaaya! waayo wax yaabihii ay barnaamij keeda ku qorotay waxaa ka mid ahaa waxaanu la dagaalamaynaa musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta taas oo ay aad iyo aad ugu dhaliili jirtay xukuumadii riyaale, waxay xukuumadan siilaanyo noqotay mid baro dheeraatay oo ka badisay musuq maasuqa, waxaa ka mid ahaa barnaamijkeedii ay ololaha ku gashay waxaanu tix gelinaynaa xoriyatul qowlka iyo saxaafada, waxaa la odhan karaa xukuumada siilanyo waa xukuumadii ugu cabudhinta badnayd intii ay somaliland xoriyadeeda soo ceshatay waxay xidh xidhay dhowr iyo labaatan wariye oo sabab la,aan loo xidhay ilaa hadana qaar baa jeelasha ku jira,
 
waxaa barnaamijkii xisbiga kulmiye ka mid ahaa in aan hantida umada ka wada dhaxaysa aan cid gaara loo xidhin iyadoo lagu naas nuujinayo taas waxay ku bedeshay xukuumadu mid qaawan oo weliba ku dhisan qaraabo kiil iyo nin jeclaysi! waxaa ka mid ahaa barnaamijkeedii inay dalka ku maamulayso isku duubni iyo wadajir iyo nidaamka dimuqraadiyada kobciso oo hore mariso, waxay kaas ku bedeshay inuu dalku dib ugu noqdo nidaamkii beelaha waxaana ku kelifay markay arkeen in xukuumadii la soo doortay ay awoodii dalka gacanta u gelisay koox yar oo isku reer ah oo awooda sigaara uga faa,idaysanaaya,
 
hadaan u soo noqdo halkudhega aan hadalkaygan cilwaanka uga dhigay xildhibaan maxamed xaaji yuusuf (waabeeyo) oo ahaa xildhibaan si dimuqradiya loo soo doortay oo ka soo baxay xisbiga kulmiye ayaa waxa uu meeshaba ka sooray isagoo badheedhaya in uu marka hore yahay xildhibaan lasoo doortay oo ay shaqadiisa tahay inuu ilaaliyo oo gaadh ka hayo shuruucda dalka iyo kudhaqankeeda taas oo marka horeba ahayad shaqadiisa, sidoo kale qofku haduu xildhibaan yahay iyo hadii uu masuul qaran yahayba waxaa ku waajiba inuu wax alaale iyo wixii umada dani ugu jirito uu ka hadlo waana ta uu masuuliyada ku qaaday ee uu umada ugu dhaartay ee ma aha inuu siilanyo raali geliyo ee waa inuu raali geliyaa umadii soo dooratay ee codka siisay,
 
mida kale markuu leeyahay maxay xukuumada u dhaliileen xildhibaanada ka tirsanaa xisbiga kulmiye waa waajibaadkii shaqo ee loo doortay ee hadii aad adigu ka door biday inaad shaqadii la guu doortay ku bedelatay inaan ku raali geliso madaxweyne siilanyo iyagu waajibkooda qaran ee umada ka saaran way gudanayaan cidna ku raali gelinmaayaan weligeedna waa iska suna caadiya in umad xil loo wada doortay qaarna ka door bidaan dantii qaranka mid shakhsiya oo iyaga u gaarah qaarna ay ku koobnaadaan danta qarnaka ee markaa loo doortay taariikhda ayaana kala sheegta qofkastaaba waxa uu katago intuu xilka hayo waana lagula xisaabtamaa,
 
xidhibaan waabeeyo waxa uu ku dooday in xildhibaanada iyagana anshaxa lamarin doono sidii loo mariyay c/raxmaan c/qaadir, markuu sidaa leeyahay waxa uu xildhibaanku rabaa inuu indha bulshada reer somalailand ka weeciyo fool xumadii qaawanayd ee lagula kacay c/raxmaan c/qaadir ee uu isagu qaybta libaax ka qaatay inuu kadhigo mid ku salaysnayad hab sharciya waxay somalidu tidhaah hal xaaraani nirig xalaala madhasho xildhibaan hadaad si sharciga ka baxsan aad xilka gudoomiye xukigeenka ku fuushay adiguna si sharciga ka baxsan ayaa lagaaga qaadi ee waqtigaaga sug!,
 
waxaan ku soo xidhayaa xildhibaan dalku waa somaliland waa dal dimoqradiya oo codka lagu kala adkaanayo berina qaarkale ayaa iman oo la soo doortay ee meesha haw qaadan inay joogto xukuumadii siyaad bare iyo xisbigii hantiwadaaga kacaanka somaliyeed waxaanan kugula talin lahaa inaanad lumin mustaqbalkaaga siyaasadeed ee rajada laga qabay siyaasaduna malaha saaxiib ee hanoqon qof sida mikirifoonka loo adeegsado oo layska soo horaysiiyo oo cidna xagjir haw noqon ileen siyaasadu waa is bed bedel badantahaye.
 
Aadan axmed nuur
 
Dublin Ireland


This post has been viewed 362 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright