Waxa Maalin qudha ka hadhsantahay laba jirnimadii Xukumada Axmed Maxamed Maxamuud Hogaaminaayo oo ku began 26kii june 2010 oo ahayd Maalintii Doorashadii Qarankani Galay Isla wakhtigaana Cod aqlibiyad leh ku fadhiistay Mudane Siilaanyo kursiga dalka ugu sareeye ee madaxwayne nimo , hadaba Waxaa Iswaydiin leh Somaliland labadaa sanadood maxaa u qabsoomay, maxaase ka xumaaday Waa su’aal dhamaanteen maskaxdeena ku wayn isla markaana qof walibana Sida uu jecelyahay ugu jawaabaayo , hadaba Sida inoo muuqata Somaliland waa dal Curdin ah una bislaan Waxaa loogu yeedho Dimuqraadiyad iyo habka Daadejinta Dawlad Salbalaadh ah, Somaliland Waxaa u kala danbeeyay afar madaxwayne oo taarikh ummadan ku lahaa mid walibana Heer soo gaadhsiiyay , Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxaa lagu Wareejiyay Dal dhisan oo wada socda awoodisa dhaqaale haba yaraate laakin Amnigiisu suganyahay sirdoonkiisuna yahay sirdoon active una dhigma sirdoonada caalamka, nasiib daro Dawladii Axmed siilaanyo Waxay lakulantay Mandaqad u janjeedha kala wareeg iyo is dhexyaac faro badani ka muuqdo oo ay ugu horayso Dawladan koonfurta ka jirta ee TFG da la yidhaahdo oo caalamkii u muujiyeen wax qabad , hadaba Haddii aynu u kala qaadno faa’iidooyinka Somaliland Gaadhay labadaa Sanadood iyo waxa aynu odhan karno way ka xumaadeen bal aynu kala qaadno qodob qodob mid walba geestiisa.
Horumarka Dawlada Somaliland ee 2 labadii sanadood ee la soo dhaafay u qabsoomay.
Waxaa marag madoon ah oo cidina aanay shaki kaga jirin Dawlada gadhwadeenka uu u yahay Mudane Axmed Maxamed siilaanyo Inay tahay Dawlad dhaqaale yahanad ah hogaankeedana la odhan koro waa Hogaamiye aqoontiisu tahay dhaqaale isla markaana taarikh hufan ku leh dalkii la isku odhan jiray Somalia oo uu ahaa wakhti wakhtiyada ka mid ah Wasiirka Qorshaynta qaranka isla markaana ka hirgeliyay Waxa loo yaqaan Iskaa Wax u qabso oo dalkaasi ku gaadhay hurumar la taaban karo oo Somalia inteeda badan lagu dhisay laguna najaxay oo taabo qaad noqday, mudane Siilaanyo Waxaaa uu dawladaa Afwayne bare ku qornaa bog aad iyo aad u qaali ah oo aan la ilaawi Karin, Waxaa kale oo Mudane Axmed maxamuud siilaanyo Caan ku ahaa karti, maskax, iyo wadanimo , yadoo Mr siilaanyo 80 tamaadkiina ku biiray ama ahaa hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaqa Somaliyeed Ee SNM (Somali national Movment) soona gaadhsiiyay Wax la taaban karo isagoo naqday GUdoomiyihii ugu horeeyay ee ugu wakhtiga dheeraa Urukaas SNM, waxaa Axmed siilaanyo loo doortay 26kii june 2010 Madaxwayneha Somaliland Yadoo shacabka Somaliland ku soo dhaweeyeen Sacab iyo farxad iyo rayn rayn sababtuna ahayd Dalka oo xiligaa ku sugnaa Dhaqaale xumo baahsan iyo horumarka oo aad ugu yaraa dawladaas Daahir riyaale kaahin gadhwadeenka ka ahaa, Mudane Axmed iyo teamkisii dalkii hogaanka ayay u qabteen yagoo isla wakhtigiiba u dhaqaaqay cagtana saaray wada dhaqaale soo celinta wadanka iyo wax qabadka wadanka oo heer la gaadhsiiyo, runtiina waxay qabteen oo fadhiisiyeen dhaqaalihii wadankan ee kacaa fadhiisanayay mudada badan waxay bilaabeen inay miisaaniyadii qarankan kordhiyaan labadii sano ee u danbeeyay gaadhsiiyaana meel aad ugu sareeysa halkii Daahir iyo Cawil kaga tageen , waxay dhiseen dhamaan adeegyadii bulshada oo dhan hadii ay wadooyin tahay Airpor yadii , dekedii oo dayac tir fiican lagu sameeyay haamihii shiidaalka oo yana la dayac tiray brigeyadii oo yana la dhamaystiray lacagtii bariga oo la bedelay, waxbarashadii dugsiyada hoose dhexe oo bilaash laga dhigay , Shaqaalihii iyo Ciidamdii qarankani lahaa oo loo kordhiyay mushaharkii 100% iyo wax yaale kale oo badan oo aan odhan karo way ka qabteen xagga dhaqaalaha wadanka, waxaana haboon dhamaaanteen In la sheego dawlad waliba faa’idadeeda iyo qasaaraheedaba taas ayay wax ku hagaagan marka la isu miisaamo runta laga sheego ee aan ku dar daris iyo wax la halmaala aan lagu darin , waxaa yadana lama ilaawaan ah oo dawlada Somaliland qabatay oo aan odhan karo waa udub dhexaadka ugu wayn ee taarikhda u geli doonta Xukumada Xisbiga kulmiye ee Axmed Silanyo hogaaminaayo Furistii Ururada Siyaasada oo Madaxwaynihii ka horeeyay ku guul daraystay inuu furo isla markaana xakabka horyaala dhamaan dhalinyarada Somaliland ka qaado laakin nasiib wanaag Mudane axmed siilaanyo ayuu ahaa qodobkii dhalinyarada hortaagnaa iyo furistii ururada ka fuliyay ee Weliba isla garab taagay inay Codkooda xor u yidhaahdaan labadaa arimood waa laba arimood oo Siilaanyo ku suntanyahay lana ilaawin doonin taarikhdaaana qoraysa wakhtiyada danbe.
Waxaa kale oo mudan oo ah in la is dultaago Shirkii London ka dhacay bilawgii sanadkan ee loogu ariminaayay Somalia oo Somaliland na lagu soo casuumay isla markaana Somaliland ay ka ciyaartay door muhiim ah isla wakhtigaana Somaliland u ahyd markii ugu horeysay ee Somaliland iyo Somalia is hor fadhiistay , Somaliland loo aqoonsado dal gooni ah oo fadhigiisa iyo xitiraamkiisaba leh loona dhaqmay si dal gooni ah oo pertical kiisa dawladnimo haystay , arinkaas waaa Guul axmed siilaanyo ku guulaystay isla markaana koontiirdharkii Somaliland 20 sanadood ku xidhaynd ka furay isla markaana ku dhiiraday inaanay Somaliland manta looga baqin jaah wareer Siyaasadeed una qalanto inay gasho meelkasta oo danta Somaliland ku jirta Xitaa hadii danta Somaliland gasho Filo somaliya lagaga deba geli karo, runtii waxaan odhan karaa waa caqabd wayn oo hor taagnayd Somaliland lana qaaday xili loo baahnaa oo munaasib ah, waxaa kale oo ku xigtay Shirkii Tukri ee bishan bilowgeedii ka furmay kuna dhamaadya dalkaas oo Somaliland yadan lagu soo casuumay si lamida kii London oo kale , waloow kani ka duwanaa shirkii London oo shirkan muhiimadiisu ahayd Sidii Somaliland iyo Somalia loogu samayn lahaa Dhaqaale ay ku howl galaan arinkaasna waa lagu guulaystay yadoo Somaliland qaybteeddiina soo gudoomatay waxaa u dheeraa oo mudan in la xuso perticalkii dawladnimo oo ka dhex muuqday shirka isa markaana indhaha caalamku qabanayeen Magaca Somaliland oo berber yaala Magacyada Aduunyada kale oo ah guul wayn oo ay gaadhay Somaliland .
God Daloolooyinkii 2sanadood ee la soo dhaafay ee Xukumad Axmed siilaanyo.
Sida aynu kor ku soo sheegnay Waxaa Mandaqada Geeska Africa ka bilaamay sanad iyo badh ka hor dhaqdhaqaaq saamayn wayn ku yeeshay Dalkan Somaliland ee Curdinka ah oo aanay Siyaasadiisa arimaha debedu weli adkaanin , dawlada Somaliland waxaa markiba ku bilaamay dhamaadkii sanadkii 2010kii arinkii Deegaanka bariga Ee kalshaale oo aynu odhan karno waa halkay ka bilaabantayba godoloolooyinka Axmed ku habsaday , kalshaale waxaa ka bilaamay arin u dhaxaysay laba beelood oo wada dega gobolka togdheer oo ay dhex martay shaqaaqoyin yar yar oo dilal ah kadib waxaa gurmad loogu diray Ciidamada Qaranka oo halkaas u tegay inay kala dhexgalaan labadaa beelood ee walaalha ah laakin nasiib daro arinkii waxuu noqday Kud ka guuroow Qanjo u guur oo ah Ina halkaas ay ka faa’iidaysteen Dad ahaa Cadawga Somaliland oo markiiba ku dhawaaqay jabhad la Magac baxday SSC oo hore hadalhaynteedu dhegaha dadka aanay ku cusbayn , laakin xoogeeda iyo cududeedabu waxay soo bexeen bilowgii shaqaaqada beelaha dhexmartay, arinkaas Waxaa saamayn wayn uu ku yeeshay dhamaan dalka oo dhan gaar ahaana xukumada oo geed dheer iyo mid gaaban u fuushay Sidii arinkaas u qaboojin lahaydn laakin dawladu way ku guul daraysatay Inay si kastaba ha ahaatee arinkaas qaboojiso , Waxaa kale oo kalsheele ka dhashay In jabhadii SSC u dego rogoto Maamul ku sheeg lagaga dhawaaqay Migaalada Taleex ee gobolka Sool, waxaa ayaan daro ahayd oo yana aan taladaba ku jirin dawladuna daawasho ku dhamaysatay Abaabulkii iyo humaagii iyo laba kaclayntii SSC oo shirarkoodu si toos ah looga dareemayay dhamaan gobolada Somaliland sida berbera oo ahaa marinka ay ka soo degeyeen qurbo jooga SSC taageera iyo burco oo ahayd marinka keliya ee ay wax walba oo ay u baahanyihiin ka qaataan nasiib daro see daawashadii ayaa la sii dheeratay xukumada axmed siilaanyo oo ka fekeraysay waa Dad Shicibkaaga ah oo shiraaya ee faro gelin ha ku samaynina yadoo lala socday inuu soo dhexmaraayo Dr Galaydh oo ahaa Cadawga Qudha ee Somaliland oo meel walba ka sheegay waxa uu aaminsanyahay iyo fekerkiisaba.
Waxaa kale oo dawlada ka horyimi Saameel, ceerigaabo oo labaduba ay ka dhaceen shaqaaqooyin yar yar oo markiiba la xaliyay dawladuna ku guulaysatay inay soo afjarto arinkas beelaha u dhexeeya.
Waxaa kale oo dawlada axmed siiliaanyo iyo xisbigiisa kulmiye boog lama ilaawaan ah ku noqotay Fadeexadii ina c/raxmaan c/qaadir Faarax la dhutinayay oo si sahlan ula helay kuna guulaystay inuu xisbiga iyo dawladaba u yeelo boog aan hadhin mudo dhow waanay suura gashay Cid fahantay oo ku guulaysatay inay arinka ina Cabdi qaadir si selmi ah ku dhamayso la wayay taasina mucaarid badani ka faa’idaystaan si allaale sidii ay doonana u qaadaa dhigay kuna keentay dawlada samayn siyaasadeed oo circa isku shareera markii danbana u digo rogon gaadhay mid Qabyaaladeed.
Waxaa kale oo jiray oo yana xukumadu ku guul daraysatay inay ogaato Ciidan beeleed weerar ku soo qaaday Xero kamid Xeryaha Ciidamada qaranka Somaliland, Maleeshiyaadkaas oo ku andacoonayay dhul ay sheegeen inay lahaayeen wakhti hore waa sida ay hadalka u dhigeene waxay dacwadooda gaadhsiiyeen meelo badan laakin Waxay yidhaaahdeen Cid dheg jalaq noo siisay ma jirto, laakin waxaa wax laga xumaado ahaa Talaabada ay qaadeen oo aynu odhan karno Waa talaabo meel kale laga soo maleegay oo muwaadinimo aanay ku jirin Sidii ay ugu talo galeena noqon wayday markii ay ciidamada qaranku iska difaaceen soona qab qabteen isla wakhtigiina Maxakamada Ciidamada qarankuna talaabo sharciya ka qaadeen oo xukumo kala gedisana ku riday fidmo wadayaashaa shacabka ah ee la soo qalday.
Waxaa kale oo lama ilaawaan ah oo aynu odhan karno Waa guul daradii ugu balaadhnayd ee Xukumada axmed siilaanyo la kulanto ka mid ahaa Team ka Madaxwayne Siilaany oo ah Team kala socoda isla markaana la odhan karo waa team aan wada shaqayni ka dhaxayn oo ah nin toocsi sida aynu maalin walba media ka aragno ama xog’ogaal ba u nahay waxaa ishaysta Golleha Wasiirada aggaasimayaasha iyo weliaba shaqaale hoosaadka Dawlada guud ahaan arinkan ayaa ah arin ka yaabiyay dhamaan Madaxwaynaha taas oo sababtay Inuu Isku shaandhayn Sameeyo labdaa sanadood Gudohood dhowr jeer oo isku dhaw dhaw xiligaas oo madaxwaynu raadinaayay xalkii ay u wada shaqayn lahaayeen Teamka dawladu laakin nasiib xumo weli kumuu guulaysan inuu helo team wada shaqeeya waloow dadka qaar aaminsanyihiin hadduunbay ugu dhow dhow yihiin maadama Afarta wasiir ee ugu tunka wayni ay rag aad iyo aad isugu dhow yihiin laakin taas waxa beeniyay Qilaafkii maalintii dhawayd soo kala dhex galay Afhayeenka Madaxwaynaha Iyo wasiirka Warfaafinta ee aad wada maqasheen ee dhexdhexaadka uu ka haa Cali guray oo wada garanaysaan Inuu ahaa Xubin Mucaarid ah weliba kuwa ugu fog fog ahaa kana tirsanaa Xisbigii Udub oo lagala wareegay talada dalka, Waxaa ayaan daro noqotay ubucdii Madaxtooyada ha u garnaqaan Xubno ka soo jeeda Xisbi mucaarid ah isla markaana hela sirta iyo wada shaqayn la’aanta Dawlada, waxyalaah iyo qaar kale oo badan ayaa Axmed siilaanyo ka horyimi oo welina dabada hayaa xalna aan loo helin.
Waxaa kale oo jiray Dalkan Somaliland intii labadaa sanadood ka danbaysay Waxaa wadanka ku soo qulqulay Wefti badan oo ka socda beesha caalamka isla markaana Sida deeqo fara badan oo dadka masaakiinta ah loogu talo galay yadoo aan hore loo aqoon deeqo haddii ay yimaadna aan dadka masaakiinta ah iyo shicibkuba aanay ogaan jirin oo jidka laga leexsan jiray, laakin dawladan Somaliland waxay hirgelisay waxa loo yaqaan samafalka madaxtooyada oo loogu talo galay qaybinta iyo gaadhsiinta deeqaha soo qulqulaaya ee ka imanaya beesha caaalamka oo ka damqatay baahida baahsan ee ka jirta Somaliland.
Waxaa jirtay dhowr bilood ka hor ilaa sadex afar bilood ka hor deeq ay soo gaadhsiiyeen dalka Muwaadinin Reer Somaliland ah iyo Carab is kaa shanaysa, deeqdaas oo ka koobnayd kumanaan tan oo raashin noocyo kala duwan ah waxaa loo diyaar garoobay in la qaybiyo loona qaybiyo sife sharci ah Runtiina Way suura gashay 95% in sidii la rabay loo qaybiyo, waxaa nasiib daro jirtay dabin la isla maaganaa in mido ahba in Cid uun soo gasho weliba rag la doonayay soo galaan dabinkaas oo aan noqon Dabankii la xidhay oo noqday dabin galaafan gaadhay rag faro badan oo madaxtooyada ku dhow dhow Nasiib daro waxay galaafatay Ragbadan oo ay ugu horeeyaanaa Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex Xamarji, Agaasimihii deb udejinta Somaliland Mr barre, Cismaan yare oo ahaa lataliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo rag kale oo ganacsato yaal iyo weliba Odayaal dalkan magac ku lahaa dalkan Somaliland, Waxaa ayaan daro noqotay 3 bilood kadib in maxakad ku sheeg la horgeeyo lana yidhaahdo Waanu xukunay yadoo wax haba yaratee Cadayn ah aan la sheegin, taasi Waxay ku noqotay Dawalada axmed siilaanyo Fashilaad qaawan oo Sidan u dhigan isla markaana xukunkaasi ahaa iga gee yaanay ananiga wax igaga soo baydhine, laakin aan laga fekerin Waxay ku danbayn doonto mustaqbalka arinkaasi.
Waxaa qaylo dhee ka muujiyay dhamaan bulshada qaybeheeda kala duwan haday noqoto Goleyaasha sharci dejinta Sida baarlamaanka Guurtida iyo weliba bulshada Rayidka ah oo arinkaas ka dhawaaqay kuna sheegay arin ugub ah lagana baaran deign una baahan lafo gur badan oo gunta la gaadho, waxaa kale oo goleyaashu ku dhawaaqeen Inaanu ahayn barnaamijkii kulmiye barnaamijkan dalka lagu xukumaayo ee uu yahay mid ku soo tuur ah sababta oo ah waxaa haba yaraatee la garab maray hanaankii dawladnimo iyo wax toosineed ee lagu bedeli lahaa xukunkii daahir riyaale wadanka kaga tegay oo ahaa xukun qadiimiya oo u badan wax leexsi iyo maamul xumo laakin Waa sida ay hadalka u dhigeene Waxaa hoos maray oo bara dhaafiyay Xukumada axmed siilaanyo hogaaminaayo kii daahir riyaale wadanka ku hagaayay, hadaba Waxaa la yaab ah in Axmed oo loo hanwaynaa Hoos maro daahir riyaale kaahin oo shacabka Somaliland ka codeeyeen 90% inu codeeyeen Kulmiye (hashi maankayga gadaye ma maansaabay liqday ) waa waxaan laga filayn Axmed iyo xukumadiisa .
Waxaa yana mudan in la isdul taago dhaliisha gaarka ah ee wasaarada arimaha Debeda oo ah Wasaarad haba yaraatee waxay kala soctaa aanay jirin Shaqadeeda isla markaana ku jaahwareertay kuna hafatay shaqadii loo igmaday inay qabto, taasi oo keeni karta fool baxasi qaata wakhti dheer raad raacdaynteeda wakhtiyada soo socda waa hadaan laga fiirsan isla markaana wasaarada aan si qotoddheer loo dersin macnaha ay ku fadhido isla markaana aan la ogaan miiskan ay u huwantahay.
Waxaan meelahaas ku soo ururinayaaa inta aan ka xasuustay dhacdooyinkii labadii sanadood ee ina dhaafay isla markaana ku samaynay tilmaamo yar yar oo aynu odhan karno waa xasuus keliya.
Waxaa laakin marag madoon ah Xukumada Axmed siilaanyo inay tahay Xukumad In badan aad is odhanayso lamaba socotaba Waxyaabaha ka dhacaya wadaka ay maamusho isla markaana taladii qarankani lahaa ay ku soo ururtay xubno yar oo aan badnayn isla markaana ha ku soo urutee aan khibrad badan u lahayn Sidii dalkan loo maamuli lahaa waloow Hogaanka uu hayo Ruugcadaa facwayn leh oo aynu odhan karno waxaa lagu tiriyaa xubnaha faro ku tiriska ah ee Geeska Africa ku sii hadhay khibrad ahaan iyo siyaasad ahaan intaba, waxaase weli la saxi la’yahay meesha ay wax ka qaldanyihiin oo aan weli salkeeda la gaadhin meesha ay wax ka xidhmi la’yihiin.
Waxaynu Wada rajaynaynaa Guud ahaan Somaliland inay ku waarto nabad iyo barwaaqo taam isla markaana lagu naaloodo Cadaalad ina wada gaadha somalidu waxay ku maah maahdaa(rag Cadaalad wayay sida cawsha kala yaac) cadaaladu waa muhiim isla markaana in lagu dhaqmaa waa muhiim insha allah waxaan rajaynayaa inaynu u dego rogon doono horumar iyo barwaaqo ina wada saameeya mustaqbalka dhow.
Abdihakim Awil Adam
London UK
This post has been viewed 291 times.






