Ha La Joogiyo Adeegsiga Magacyadan : Dadka La Heyb Sooco Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahey !!

Posted by on Jun 6th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Salaamu Laahi Caleykum

Allah Ayaa Mahad Oo Idil u Sugnaatey Inaga Dhigey Umad Islaam Ah Dhexdeenana Ka Yeeley Qabiilooyin Si Aynu Isugu Garano Wanaagana Isku Farno Xumaha Dhamaantiina Isaga Reebno .


Maanka Iyo Damiirku Waxey Dhibsadaan Waxaa Lagu Turjumi Karaa Habab Kala Duwan , Se Waxaan Dhibsadey Maanta Waxaan Ku Doorbidey In Aan Qalin Iyo Qoraal Ku Gudbiyo Anigoo Uga Danlaheyn In Aan Cid Ku Aflagaadeeyo ama aan ku duro runtii se ay tahey toosin iyo tilmaamid ila qurux badnaatey in aan talo ahaan ku soo jeediyo .

Ilaahey Waxaa uu Quraankiisa ku Yidhi ?? ???? ????? ??? ??????? ?? ??? ????? ???????? ????? ?????? ???????? ?? ?????? ??? ???? ?????? ?? ???? ???? ????  oo micnaheedu Yahey “ Dadow Waxaanu Idinka Abuurney Lab Iyo Dhadig Waxaan Kale oon Idinka Yeelna Umado Iyo Qabiilooyin Si Aad Isku Garantaan Waxaa Allah Agtiisa Idinku Karaamo Badan Ka Idinku Allah Ka Cabsiga Badan Allahna Waa Mid Cilmi Badane Khabiir ah” Aayadan Quraanka Ahi Waxey Inoo Iftiimineysaa In Qabiilooyinka Iyo Umadaha Allah Inaga Dhigey Ay Ujeedada Laga Leeyahey In Aynu Dhexdeena Isku Garano Iskuna Aqoonsano Qiimaha Qofka Biniaadamka Ahina Yahey In Allah Ka Cabsigiisa Wax kalana Lagu Qiimeyneynin .

Waxaa Samankan Danbe Soo Shaacbaxdey Laba Magac Oo Loo Adeegsado Reero Iyo Qabiilooyin Kuwaas Oo Kala Ah DADKA LA HEYBSOOCO iyo DADKA LAGA TIRADA BADAN YAHEY !! Labadaas Magac Ee Loo Bixiyey Ama Ay Iskula Baxeen Reerahaas Ayaa Noqdey Qaar Ka Turjumaya Dhambaalo khaldan Reebayana Raad Xun oo cawaaqibkiisa leh , Bulsho Kasta oo Dunida ku Nooli Waxey Leeyihiin Bulsho Ahaan Dad Ay Yasaan Oo Ay Duudsiyaan Xaq Iyo Xuquuqda Ay Leeyihiin Qaarkood , Taas oo Ah Wax Taariikh Ahaan Soo Jireen ah Se Dhamaan La Isku Waafaqsan Yahey In Caadooyinkas Xun La Reebo Oo La Dabar Jaro , Waxaa Ayaandaro ah in Halkii La Dabar Jari Lahaa Dhaqankaas in La Qaato Magacyo Ka Turjumaya Yasid Horseedi Karana Faafitaanka Dhaqanaas Fool Xumada ah ee Bulshooyinku Caadeysteen .

Hadaba , Waxaan Talo Ahaan ku Soo Jeedin Lahaa in La Joogiyo Adeegsada Iyo Isticmaalida Magacyadan Khaldan Gaar Ahaan Saxaafada Isticmaalaan Iyo waliba Bulshada Dhexdeeda Loona Aqoonsado Dadkaas Magacyada Iyo Qabiilooyinka Ay Yihiin Sida Reeraha Kalaba Loogu Magacaabo . Si Wada Jirna Ahna Loogu Tafoxeyto Sidii Meesha Looga Saari Lahaa Caadooyinka Iyo Dhaqamada Khaldan .

Waad Mahadsantihiin

Fouad Abdisalam Hassan
National04@hotmail.com




This post has been viewed 282 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright