Ciidamadda Ethiopia Oo Xeryo Militery Ka Samaystay Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya Isla Markaana Ka Caawinaya Amisom iyo Dawladda TFG Xogaha Sirdoonka

Posted by on Mar 7th, 2011 and filed under analysis, Archieve, Audio & Video, congratulations, featured, Opinion, somaliland news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho (Halbeeg)– Unugyo ka tirsan Ciidamadda dalka Ethiopia oo wata Gaadiidka Gaashaman iyo hubka culculus ayaa waxaa lagu arkay maanta duhurkii iyagoo soo gallay magaalada Dhusamareeb ee badhtamaha dalka Soomaaliya, dad goob joog ahaa oo ku sugan magaalada Dusamareeb ayaa u xaqiijiyey Shabakadda Halbeegnews in ciidamaddaasi ay meel magaalada Berri kaga toosan ay degeen iyagoo halkaasi ka qotoay dhufayso isla markaana ka dhisay xero weyn oo saldhig ah, Macalin Roobow oo ka mid ah dadka ku dhaqan Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu indhahiisa ku arkay mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalwadda Ethiopia oo wakhtigaasi ku degaayey meel aan ka fogayn goobta ay ciidamadda Ethiopianku saldhiga ka dhigteen

Ciidamaddani Ethiopianka ah ee hadda lagu arkay gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegaya inay gacan siinayaan ciidamadda AMISOM iyo Kuwa TFG-da oo la tacalaya dagaalo ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah ee Alshabaab, gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa muddo badan hadda waxaa isku haystay haysashadooda kooxda Alshabaab iyo koox kale oo lagu magacaabo Sunna Wal Jameeca oo dhawr jeer kala qabsaday.

Lama Garan karo in ciidamadda dalka Ethiopia ay dagaalka si toos ah usoo geli doonaan balse xogo u dhuun daloola ayaa sheegaya in ay ciidamadda Ethiopianku ka caawin doonaan ciidamadda afrikaanka iyo kuwa TFG-da dhinaca saadka iyo sirdoonka isla markaana waxay xaga danbe ka taageeri doonaan ciidamadaasi iyagoo u fududayn doona dhinaca saldhigyada militeryga iyo tababarada la siinaayo maleeshiyooyinka taageersan TFG-da

Maxamed Fiidow
Halbeegnews, Muqdisho


This post has been viewed 1025 times.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright