Tafatiraha Shabakadda Halbeegnews Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba), dhammaanba Hawlwadeenada iyo weriyayaasha Halbeegnews meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxay Tacsi u dirayaan qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay Marxuum Foosi Muxumed Cabdilaahi Garnayl oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaanay tacsidani si gaar ah u gaadhsiinayaan Naasir Maxamed Cabdilaahi oo ka mid ah madaxda wergeyska Waaheen oo ay marxuum Foosi Muxumed Cabdilaahi ilmadeer ahaayeen.
Waxaanu ilaahay uga beryaynaa Marxuum Foosi Muxumed Cabdilaahi Garnayl inuu naxariistii janno fardawsa ka waraabiyo, ehelkii, qarabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo Aamiin Aamiin
This post has been viewed 332 times.






