1. Dawlada Somaliland waxa lagu soo marti qaaday shirka, waliba iyadoo tasiilaad kii gaarka ahaa, sidda diyaaradihii oo Hargeysa ka qaada, sharciyadii dal ku galista, iyo deegaankii Istanbul ba loo diyaariyay. Si ay sababtu ahaydba, waatii shantii bishii May ee ina dhaaftay Wasiirka Debedda ee Somaliland diiday ka qaybgalka shirkaas, hadana goor aan goor ahayn, oo sadex ayaamood shirkii ka hadhay ayay Somaliland ku dhawaaqday inay tagayso! Maalintii go’aankaas lagu dhawaaqay hal habeen ka hor buu warka ka qayb galistu i soo gaadhay, waanan u qaadan waayay dhab ahaan. Waftiga Somaliland, oo waliba midkood fiiso/baasaaboor la’aan ah awgeed uu u tagi waayay iyaga ayaa is dabaray oo duulimaad ka caadiga ah ee ganacsiga ka raacay magaalada Berbera. Maxaa ku kalifay? Bal adba! Saw sax may ahayn, hadii la arko inay meeshaas dani ku jirto, in wafti ugu yaraan 150 qof ka kooban, oo qaybaha kala duwan ee qaranka oo dhan isugu jira, oo madaxwaynuhu hogaaminayaa inay tagaan, danaheenana ka raadiyaan! Diidmo aan macno ku fadhiyin, iyo ogolaansho aan macno ku fadhiyin, iyo ka qayb galis aan macno ku fadhiyin miyay danteenu ku jirtaa?
2. Warkii dawladu faafisay ee go’aanka ka qayb galista shirka lagu sababaynaayay, waxa lagu sheegay laba amuurood oo layaab qayrul-caadi ahi ka buuxay, waxaanay kala ahaayeen: inay dawlada turkey gu martiqaad kii hore ka meeqaan roon Somaliland u soo dirtay, iyo inaan shirka qayb ka mid ah Somaliland ergadeedu ka qayb galaynin! Is waydii, meeqaamka dawladuhu waa laba uun, inaad dawlad la aqoonsanyahay tahay iyo inaanad ahayn, Somaliland midka ay Turkiga iyo caalamka kaleba u arkaana waa la ogyahay. Muxuu meeqaamka sarre ama dhexe ee la sheegayaa yahaay hadaba? Sharciga caalamiga ah marka la eego, Somaliland sadex midkood uun bay shirkaas ku tagi lahayd, waana: “Dawlad la aqoonsanyahay,” “Dawlad xaalad khaas ah ku jirta sida Falastiin oo kale,” ama “Gobol Somalia ka mid ah.” Runtu waxay tahay inuu Turkigu qolada dambe inoo arko, wixii martiqaad ah ee uu bixiyayna taas buu ku salaysnaa horey iyo dib ba, waana sababtaas midda Wasiir Xaabsade oo baasaaboor Somaliland ah wattay Fiisaha loogu diiday.
Geesta kale, dooda raqiska ah, ee odhanaysa “Shirka qayb ta mashaariicda oo kaliya baanu ku jirnaa…” yaa iibsan kara een ilmo caruur ah ahayn? Hawsha waxa waday dawlad wayn, waxaanay u dhaqmaysay sidii dawladeed oo kale, maaha urur samafal. Wixii meeshaas ka socday qayb inaan ka noqono, oo si buuxda uga noqono, iyo inaan si buuxda uga maqnaano wixii ka dhexeeyaa muxuu yahay? Wuxu yahay dabcan sidan imika dhacday ee sadexda Wasiir oo kale uun! Shirkii se miyaa laga maqnaaday, saw maynaan ka qayb galin qaybihii uu lahaa oo dhan? Saw Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Ku xigaha Ra’iisal Wasaaraha Turkigu si wadajir ah maalintii koobaad ee 31 May inooma gudoominaynin, Sadexdeenii Wasiirna dhagaystayaal wacan ma ahayn? Maxaynu ugu baahanahay inaan been isu sheegno, goordhaw na wixii aan qarsanaynay la inagu arko. Goorma ayaynu daqiiqadii runta gaadhaynaa? Hadaan jihadan laga fursanaynin, waabay u muuqataaye, maxaan si waafi ah ugu muuqan waynay, ama u maqnaan waynay? “Naftu inay maqnaato, iyo inay mahad ku noolaato, madadaalo weeyaan hadii mid u dhaxeeyaa, saw abwaan waa hore kuma tiraabin?
waxan Madaxwayne Silanyo leeyahay hal qodob, qaranka guud ahaana waxan leeyahay mid kale. Madaxwayne, sidan qaran kuma dhismi karo, waxaana lagama maarmaan ah in fashilka ka taagan siyaasada arimaha debedda ee Somaliland xal, waliba degdeg ah, loo helo. Waxa muhiim ah in Wasaarad hufan, oo gudi khubaro ah, oo siyaasada debedda qaabaysa, oo Wasiirka hadba joogaana taladooda ku shaqeeyo la dhiso. Madaxwayne, dhab ahaan, suurtagal maaha in Wasiir bilaa wasaarad ahi shaqeeyo, caqli qof kali ahina wax badan ma keeni karo hadaan nidaam iyo hay’ado shaqaynayaa ka dambaynin, inaga ta ina haysataana waa taas. Waxa muhiim ah, oo waliba lagama maarmaan maanta ah, in tashi qaran, oo la mid ah midkii Somaliland lagu dhisay 20 sanno ka hor la isugu noqdo, la isna waydiiyo jihada aan u socono. Maanta geedigu wuxu joogaa meel laba wado ku kala weecanaayaan, waxaana khasab ah inaan go’aamino haadka aan qaadanayno, wakhtiga aan haysanaana ma badna ee taladana ku darso.
Xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay, waliba boqolkiiba boqol iyo dheeraad, inuu dawlada kala shaqeeyo wixii danta umada Somaliland ee maanta iyo baritoba ku jiraan. Qarankana midh baan leeyahay, masuuliyiinta hadba joogtaa waxay hayaan waa danaha dhamaanteen inaga wada dhexeeya, iyo danaha caruurteena, oo ay ku jiraan kuwa wali aan dhalininba. Waxa wacan in dadwaynuhu si waafi ah u fikiro, masuuliyiinntana wax la su’aalo oo lala xisaabtamo. Hadaanay taasi imanin, guuldaro iyo dib-u-socosho kama fursanayso.
“Tu san iyo tixgalin!”
Mohamed Harun, Hargeysa, Somaliland.
Xog-hayaha amuuraha Debedda ee Xisbiga UCID.
E-mail: mbiixi@gmail.com”
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
F.Gaar Ah Halbeegnews: Maxamed Haaruun wuxuu ka mid ahaa Mujaahidiinti halgamayaasha ahaa ee Somaliland u waayey laxaadkooda, wuxuu ku waayey Indhahiisii isagoo ku jira Halgankii Somaliland lagu xoreeyey, wuxuuna ka mid yahay dadka lagu qiimeeyo aqoonta dalka ingiriiska isagoo ka mid ah Akadaamiyadda siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jaamacadda Shefield University.
—————————————
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 419 times.






