Marka hore waxaan halkan uga tacsiyaday nayaa beel waynta habar yoonis meel kasta oo ay aduunka ka joogto anigoo uga tac siyadaynaya faro gelinta qaawan ee ay suura geliyeen suldaandiinta ay faragelintu ka muuqato ee uu hor boodayo suldaan cismaan suldaan cai suldaan madar, suldaan kaas oo aanay beelwayta habar yoonis uga baran inuu cumaamada uu sito uga faa,idayo kuna ururiyo danta beesha iyo harumarkeeda ee uu keliya ka dhigtay cumaamad uu danihiisa shaqsiga ah ku maamusho,
intaas ka dib waxaay beelaha habar yoonis ku balan sanaayeen inay shir ku qabsadaan magaalada ceel afwayn badhtamaha bishan lixaad shir kaasoo ku saab sanaa inay kaga arin sadaan deeganada ay dalka ka degen yihiin horumarin tiisa shirkaas oo aan ku saab sanayn wax la xidhiidha siyaasad, shirkaas oo lamid ahaa ka ay qabsadeen beelaha dega somaliland sida shirkii ka dhacay dubur ee la baxay dan iyo duco ee ay qabsatay beel waynta ciise muuse,
hadaba waxaa isway diin mudan yaa shirka diidan oo salaadiintan magaca beesha wadata u soo dhiibay bayaanka looma fadhiga ah ee ay maanta warbaahinta soo dhigeen? waxaakale oo iyana isway diin mudan waamaxay sababta dhabta ah ee loo diidan yahay inuu qabsoomo shirwaynha beelaha habar yoonis? yuuse falaadh ku taagan ku yahay? su,aalahaas hadynu sharaxaad ka bixino ugu horayn xukuumada siilanyo waxay isku dayday maalmo dhawayd oo ay yimaadeen ergeda shirka ka qaban qaabinaysay magaalada hargeysa si ay ugu bayaamiyaan xukuumada iyo wasiirada beesha kaga jira xukuumada in shirku yahay mid horumarineed oo aanu wax dhibaato ah ku ahayn xukuumada, taas markii loo balamay in layska qanciyo xukuumadu ku qanci waayeen fariinta ay sideen gudiga qaban qaabada shirku, kadib waxay damacaday xukuumadu inay wax ka bedesho ajandayaasha shirka lala tegeyo taas oo keentay muran badan iyo isqab qabsi siyaasadeed taas oo kaliftay in Hotelkii shirku ka dhici lahaa lagu kala dareero ka dib markii wasiiradii xukuumada shirka ugu jiray ay soo dhex geliyeen shirkii salaadiintan hada bayaanka soo saaray oo ay xukuumadu wadato oo aan ogolayn qabsoomida shirka iyadoo ay xumuumadu ka dhex hadlayso sidaasna uu shirkii Hotelka ka dhici lahaa ku afshilamay,
waamaxay u jeedada dhabta ah ee ay xukuumadu ku diidan tahay? hadanu su,aashan si toosa uga jawaabno waxaa la odhan karaa cabsida ugu wayn ee ay xukuumadu ka qabtaa shirkan bari ka dhici lahaa waa inay beesha oo isku duuban ay ka tashato ururka ama xisbiga ay taladeeda siyaasadeed iyo ta maaliyadeed isugu gaynayso iyagoo ku muujiyaan awoodooda iyo taageeradooda, midh kaas oo xukuumadu u aragto inaanay dan siyaasadeed ugu jirin iyadoo ay hoosta ku wadato rag iyagu beesha ka soo jeeda oo ururo kale ka tirsan, si aanay isku duubnida reerku carqalad ugu noqon cida ay xukuumadu wadato oo ay danaheeda u fuliyaan,
hadaba waxaa isway diin mudan wax ma kabedeli karaa go,aan ay beeshu qaadatay afar suldaan oo marka horeba aan la aqoon waxay beesha ugu filan yihiin oo ku dhex milmay siyaasada xukuumada siilanyo? jawaabtu waa maya waayo beeshu ka baaxad wayn afartaas suladaan weliba ku darsoo waxay karaama doodii sii lumiyeen markay iska soo saareen go,aan aanay kala tashan beel waynta habar yoonis bari iyo ta galbeed iyo hogaanka dhaqanka iyo salaadiinta ee ku dhaqn deeganka uu shirku ka dhacaayo ee ceerigaabo beela haas habar yoonis bari oo ah kuwa beesha ugu miisaanka iyo baaxada balaadhan,
xitaa go,aanka ay qaateen ee deg dega ah ee aanay kala tashan beel weynta habar yoonis ma aha mid soo maray suldaanka guud ee beelaha habar yoonis suldaan MAXAMED SULADAAN XIRSI QANI oo isagu ah suldaanka guud ee beelaha habar yoonis,
waxa keliya oo uu soo kordhin karaa baaqan qabyada ah ee loo soo dhiibay salaadiintan gacan ku rimiska ah inuu sii kala fogeeyo xukuumada siilanyo iyo beelaha habar yoonis hadii aanay xukuumadu ka laaban faro gelintaas qaawan ee ay ku samaysay beesha iyo kalsoonidii aan awelba fiicnayn ee ay wasiirada beeshu ka haysteen beelaha habar yoonis.
Aadan Axmed Nuur
Dublin Ireland
This post has been viewed 468 times.






